CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

  • Blog Stats

    • 80,687 hits
  • Calendar

    December 2016
    M T W T F S S
    « Feb    
     1234
    567891011
    12131415161718
    19202122232425
    262728293031  

Suugaan


SHEEG HADAAD GARATO WAA GABAYAA CUMAR AW JAMAC AFYARE

Gabayadisii mid ka mid ah oo uu tiriyay bilawgii sideetankii kana mid ahaa Silsiladii SHIINLAYDA. Wuxuu yidhi Cumar Aw Jaamac Gabaygan waxaa la yidhaa Sheeg Hadaad Garato. G

abaygani wuxuu ka hadlayaa waxa maanta taagan, wuxuuna tiriyay Rubuc Qarni ka hor

SHEEG HADAAD GARATO?

SHIINKIISA GABAY WAANIGII SHAACIR KU AHAAYE
KOLKII UU SHAYO WADA FOOL XUN IYO SHUUQ KA BIXI WAAYAY
SHIB INTOON KA IDHI WAANIGAAN SHA KA CELINAYNE

DAD UUN BAA I SHIIDAYEE WAKHTIGAN MABA SHU’AYSTEENE
MAR HADII UU SHAWLAAN DHAC IYO SHII KA BIXIWAAYAY
MAANTABA TIXDAAN SHAABAHAY AYAAN SHIISHKA KU HAYAAYE
NINKII SHAACIR AHI HA II AKHRIYO SHARAXA HOOS YAALLA

HADDI SHIDHE LAGUU QALO ADOO GAAJO SHIDANAAYA
ASEE SHAY XANUUNI KU HAYN SHARAC ALLEE MEELNA
OONAD HILIBKII SHIILAA CUNAYN SHEEG HADAAD GARATO?

SHAYADAN ILAAHAY KHALQAY EE CIIDA LAGU SHUUMAY
EE SHAY LABOOD IYO DHIDIG AH SHEEDA KA ARKAYSO
EE SHUQULKU LABAN LAAB YAHAY SHEEG HADAAD GARATO?

BAHAL SHEED WAX KAGA BOODA OO NAQAS KU SHUUKEEYA
IYO SHAYGA LAB EE MAALIN DHALA SHEEG HADAAD GARATO?

KALUUNKUBA BADAA SHIIDANBUU XILO KU SHUUMAAYE
SIDA DHASHIISU UGA SHAAC BAXDO SHEEG HADAAD GARATO?

ADUUNYADU SHARBAY SOO WADA MARTIYO SHAY DHIBAATO AHE
SHIDO MAALINTAY UGU DARAYD SHEEG HADAAD GARATO?

BAQASHABA SHADH GEENYAA DHASHAY IYO SHAY DAMEERO AHE
WAXA SHARAC ALLEE UBADKA KA DHABAY SHEEG HADAAD GARATO?

WARARKEENII SHAAN SHAAN TEGAY EE SHEEDA KA IFTIIMAY
WAXA MAANTA SHIIDA U BEDELAY SHEEG HADAAD GARATO?

SHAN MALYUUN HALKAY GLIJIREEN WAXA SHAASHEEYAY
EE MAANTA LOO WADA SHIB YAHAY SHEEG HADAAD GARATO?

CAASHAQAAN SHIFADA MOODAYAY EE SHAASHO NAGU REEBAY
EE SHANABYO AAR NAGA DHEX GALAY SHEEG HADAAD GARATO?

NINKA LABADA SHEY EEBAHAY SHAARAC UGA YEELAY
HADII MAWDKU SHEEBAHA DUL DHIGO OOY SHALAY KA LEEXAYSO
NINKA MAYDHIGIISA SHIRABI LAHAA SHEEG HADAAD GARATO?

WELI EEBAHAY SHUUMAY OO DIINTA KALA SHIILAY
OON SHIDAADO IYO QISAAS SHAYNA LAGU HAYSAN
OO SHIDHANA LOO SOO QABSADAY SHEEG HADAAD GARATO ?

GABADH DHEGAHA LAGA SHIIDAYOO QURUXNA SHEEGSHEEG AH
OON INDHAHA SHAYNA ARKAYN, WELINA SOO SHEEGAN
HADDII GUURKU WAA SHAY JIREE, INAN LA SHEEKAYSTO
SIDA MEHERKA SHEEKHU U AKHRIYI SHEEG HADAAD GARATO?

INANTII SHAMSADA IYO DAYAXA SHARAF LA MOODAAYAY
SHABAD QURUXSAN TIIYO AH, OO UUNKU WADA SHEEGAY
GOORTUU SHABEELKII HELAY EE WARISNA SHAASHAWDAY
SHANBAA LAGU MUQUUNSHAYE, WAKHTIGU UMA SHIFAYSNAYNE
SHANSHADEEDA BAHALKII JABSHAY SHEEG HADAAD GARATO?

WAXA NABADA SHAKAMADA U JARAY EE SHALAWGA RAACSIIYAY
EE BEEN SHAMIISKA U GESHAY UU NACAB U SHEEKEEYAY
EE TALADU SHURUN-SHUUR LA TAHAY SHEEG HADAAD GARATO?

SHIR MAROODI SABABTUU ATOOR UGA DHEX SHEEKEEYAY
EE GUURTIDII UGA SHIKIDAY SHEEG HADAAD GARATO?

SHAADALI IYO KHAAMIRI AYAAD SHAAH U BIXISAANE
WAXA LA ISKU SOO SHUBAY FURQAAN SHARAXYADEEDIIYE
SHAFKA WAXAAN KU HAYSTAA WARSHADO SHUBAYA NAABAALE
SHEEKADU HALKAY DAARANTAHAY SHEEG HADAAD GARATO?

AFARTAA SHA’DA IYO WAWGA IYO SHIIN MA KA HIGAADSHAY
MA SHIRABAY IRMAAN MA U SHAF DHIGAY SHAADHNA U GELIYAY
KOLKUU BADAWGU SOO WADA SHUQ YIDHI SHII MAKAGA OODAY.

INTAAS AYAY KU DHAMAATAY 1997 AYAANA LAGA DUUBAY WAXAYNA AHAYD INTII UU KA XASUUSNAA

 
%d bloggers like this: