CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

About Ceelbardaale


Waa xaqiiqa dhabta ah ee jirta

Jawaabtii ay Ka Bixiyeen Beesha Reer Nuur Dacwadda Beesha Jibriil Abokor ay u Gudbiyeen Gudida G/Guurtida ee u Xilsaaran Khilaafka Degaanka Ceel-Bardaale.
Ujeeddo: War-Bixin iyo Jawaab Celinta Dulucdda Dacwadda

Anagoo ah odayaasha Reer Maxamuud Nuur ee ku sugan goobta Shir Nabadeynta ee Kala-Baydh Mudane Guddoomiye iyo Mudanayaalba waxaan idiin soo gudbinaynaa jawaab-Celintii qoraalkii aad noo soo gudbiseen 29/04/2009. Sida ku cad qoraalka aanu ka jawaabayno ee ku taariikhaysan 26/04/2009 baaba`aas iyo burburkaas meesha ka dhacay 1988kii wuxuu ahaa mid dhamaanba ku yimid Dalkii la odhan jiray Soomaaliya.

Burburkaas iyo baaba`aas Dalka oo dhan gaadhay waxa ka masuul ahaa maamulkii Maxamed Siyaad Bare ee ma ahayn wax Reer Maxamuud Nuur uu geystay, waxanay ahayd arrintaasi masiibo ku habsatay Dalkii iyo Dadkii oo dhan, waxana burburay dhamaanba Kaabayaashii dhaqaalaha oo dhan, waxana laga arki karaa magaalooyinka sida Hargaysa, burco, Berbera, Gabiley, Dila, Boorama iyo meelo kaleba, intaas waxa raacsan Wershadii Sibidhka ee Berbera, Wershadii pepsiga ee Hargaysa, Wershadii kabka ee Hargaysa iyo waxa alaale wixii u tagaanaa adeega bulshadda sida Dugsiyadda iyo Cisbitaaladda.

Halka ay ka sheegteen inay kaligood ka qaxeen Deegaamadoodii waxay bulshada Reer Soomaaliland ogtahay in Reer Maxamuud Nuur uu isaguba ka qaxay Deegaankiisii una qaxay Aw-Barre iyo Dhar-Wanaaje kana gudbeen xuduuda. Waxa cad oo marag-madoon ah in Hantiddii ay lahaayeen Guurto iyo Ma Guurtoba, Mood iyo Noolba ay dhamaantoodaba Burbureen. Hadaba Hantiddaas la naga burburiyey yaa loo raacayaa? Waxaana ka mid ah 1700 (Kun iyo Todoba boqol) oo Guri oo ku yaalay Deegaanka Reer Maxamuud Nuur. Hadaba siday u ekaanaysaa haddii aan nidhaa waxa gaystay Reer Xareed.

Go`aanka ay ku sheeganayaan xukunka ee 1993kii, kuna codsanayaan in loo fuliyo muu ahayn mid aanu ku qanacnay oo aanu waafaqnay, iyaddoo aanu tixraacayno Qoddobka 25aad ee Axdigii Qaranka ( National Charter) waxanu ka qaadanay Racfaan aanu ku daadifaynayno go`aankaasi, kuna baadi goobayno xuquuqdayadda. Go`aankaasi ma sugayo cidda leh Hantidda Ma guurtadda, Ma shakhsibaa, Ma xubnihii Iskaashataddaa, Ma Beelbaa, Ma Qabiilba I.W.M?

Takale go`aankaasi ma ahayn mid loo nisbayn karo in lagu gaadhay magaca Golaha Guurtidda, waayo qaab dhismeedka Goluhuba ma dhaqan gelin fadhigiisii ugu horeeyeyna uma qabsoominba wakhtigaas. Sidaas ayuuna ku ahayn mid ku soo baxay Gole Guurti. Sidda uu qeexayo Qoddobka 61aad ee Dastuurka JSL waxa Golaha Guurtiddu ugu xilsaaran yahay si gaar ah dejinta Xeerarka Nabadgelyadda, Dhaqanka iyo Diinta. Waxyaabaha kale waxay ka kaalmeeyaan Xukuummada oo ay ka taageeraan.

SOO JEEDDIN

Waxan Xubnaha Ergadda Golaha Guurtidda ee ku sugan Madasha Kala-Baydha u soo jeedinaynaa:

1. In la soo hormariyo xalka iyo dhamaystirka dhimashadda iyo dhaawaca ka dhashay iska hor-imaadkii ka dhacay Dibira-weyn iyo dilkii ka dhacay Satiile oo Marxuum Axmed Yaasiin Cali Kule lagu dhex dilay Beertiisa oo Jaad ah isagoo shaqaysanaya, falkaasina waxa uu dhacay Dhaartii ka dib, iyadoo maalintaasi ay ahayd maalintii ay Guurtiddu Dila u tagtay siday u soo arkaan goobtii loo diyaariyey inuu ku qabsoomo wada hadalku. Guurtiddu indhahooda ayey ku soo arkeen dilkaas, wax dil ah oo kale oo maalintaa dhacay ma jirin. Waxa kale oon lahayn Raq iyo Ruux toona wiil yar oo magaciisa la odhan jiray cabdillaahi cabdi Cumar Agoon oo dadiisu ahayd 13 jir lana joogay Ededii oo uu qabay nin Reer Xareed ah, kaasi oo ay afduub kaga kaxaysteen Reerkii uu la joogay.

2. Waa in ay sugantaa cidda jabisay nabaddii la xidhay ee labadda dhinacba ku dhaarteen, Lana helaa go`aankeedii iyo ciqaabteedii. Anagu ma qabno in ay dhinacayaga ka jabtay, waxayse Rag ka mid ah Ergaddan Guurtiddu warbaahinta ku faafiyeen in labadda dhinacba jabiyeen dhaartii nabada. Muddanahaasi miyaanay su`aali ka taagnayn dhex-dhexaadnimadiisa? Madasha haga hor cadeeyo sidda uu ku keenay arrinkaas. Anaga dhinacayaga wax duulaan ahi marnaba Kama tagin horayso iyo danbeyso.

3. Si ay nabadu u xidhanto, una saldhigato arrintana xal waarana looga gaadho waa in madashani hawsha nabadeyntu ka socoto laga soo qab-geliyo looguna yeehdho Maxamuud Sh. Muxumed Raage oo ah udub dhexaadka dhibaataddan taagan, waxaanan leenahay waa in loo dhaariyo Nabadda. Maahmaah soomaaliyeed waxay tidhaahdaa “Gar ninkii lahaa ka maqan yahay ma go`do”.

4. Arrinta dhulka laga hadlayo iyo siduu ahaaba, iyo mawqif ahaan sidda xal loogu helayo waxay ku caddahay kuna faahfaahsan tahay qoraalkayagani.

5. Waxa maragmadoon ah oo dhammaanteeba inoo muuqata in aanay sugnayn Nabadgelyaddu maadaama ay is hor fadhiyaan Ciidan Beeleedyaddii iska soo hor jeeday. Arrintaasi waa talaabooyinka ugu horaynaya, waxaana looga fadhiyaa meel marinteeda iyo xaqiijinteedaba xubnaha Ergadda ah ee Guurtidda.

6. Xubnaha Ergadda ee Guurtidda ah iyagoo ku mahadsan dedaalkooda, waxaan xasuusinaynaa kana codsanaynaa in ay arrinta ku soo celiyaan, raacaana waddadii lagu dhiqi jiray arrimahani oo kale, ahna in dhimashadii iyo dhaawacii dhacay loo horaysiiyo xalkeeda, sidda dhaqankeenu ina farayo wanaaguna uu ku jiro.

FAAHFAAHINTA ARRIMAHA DHULKA IYO MAWQIFKAYAGA

Hordhac: Ka hor bilawggii Beeraha, qoddasha dhulka iyo degistii oo lagu qiyaasi karo muddo laga joogo in ku dhow hal qarni, kana Aas-aasantay Degmooyinka Baki, Booram iyo Gabilay, Dadweynaha ku nool maanta Degmooyinkaasi ee leh R/Nuur, Jibriil abokor iyo Jilibo kale oo samaroonba waxa ay wada lahaayeen oo ka dhexeeyay xidhiidh adag iyo wada noolaansho dhaqan iyo dhaqaalaba, loona yiqiin Gaashaanbuurta Gol-Waraabe.

Xilfigaasi iyo iskaashigaasi oo ah mid lahaa hab Deegaan, noociis oo kale kama jirin dhulka kale iyo Qabaa`il kale ee soomaaliland, kuwaasi oo isku-kaashan jiray qaab Abtirsiimo. Degitaankii iyo dhaqan-galkii xirfadda Beeruhu, waxay dhalisay in uu furfurto dadkii wada noolaa, oo dhulkii la wada daaqi jiray la kala sheegto, taasi oo ay siyaasadihii mustacmarkuna soo dhex-galeen, sii murgiyeen, qaybiyeena si ay iskaga horkeenaan oo ay u xukumaan ( Divide and Rule).

Deegaamadani Waqooyiga loo yaqaan kama ay jirin wax cadaawad ah oo dhinaca Beeraha ah, ka hor 1961dii, marka la bar-bar-dhigo dhinaca oogadda iyo bananka Wajaale. Dadka Waqooyiguna waxay sii ahaayeen Bulsho wada noolayd oo marba meeshii Naq iyo Baad-leh u wada guura, inkasta oo dhibaataddii iyo cadaawadii Beeruhu dhaliyeen aanay saammaynteeddu ka madhnayn.

TAARIIKHDA MASHRUUCII LA-BAXAY CEEL-BERDAALE

Mashruuca la baxay Ceel-Bardaale waxa u ku Aas-aasmay Iskaashato Diimeed oo uu Hoggaaminayay Sheekh Muxumed Raage, waxayna Goobta Ceel-Berdaale ka Aas-aasantay 1961kii, ka dib Wada-hadal dhex-maray dadkii Deegaankaasi, Sheekha & Xerta la socotay. Sheekh wuxuu ka yimid ama ka soo Haajirayba Jig-Jiga, waqtigaasi oo ay Soomaalidu ku jirtay jid-badii Soomaaliweynta, laguna so dhaweeyay caadifadaasi, iyadoo loo arkayey inuu ka soo baxasaday cadawgii Soomaalidda ee Taariikhiga ahaa. Markii uu halkaasi degay, waxa ku biiray oo xertiisa ka mid noqday Rag siyaasiyiin ah oo u ka mid ahaa Maxamuud Ciise Jaamac oo ahaa Agaasimihii Guud ee W/Beeraha iyo Xoolaha, waqti ka dibna noqday Waasiirkii Wasaaraddaasi,waqtigii bilowgii Dawladdii rayidka ahayd.

Waxaa jirtay baahi loo qabay biyo joojin & ka hortaga Nabaad-guurka (Water & Soil Conservation Project), kaasi oo ahaa heshiis dhexmaray Dawladdii Soomaaliya iyo Hay`adda Caawimmadda ee Maraykanka (USAID), hase yeeshee wuxuu la jaan-qaaday qorshihii dhaqaale ee bilowday 1963kii ahna qorshihii shanta sanno ee ay dejisay Dawladii Soomaaliya ( The country`s first five –year economic development plan).

UJEEDADDII MASHRUCAASI

Ujeedad Mashruucaasi waxa ay ahayd oo u salka ku hayay in laga sammeeyo naxarayn Beer-roobaadka Deegaamadda Arabsiyo, Taysa & Xidhinta, sidoo kalana ka Hortaga Boholaha iyo Laagaha, wuxuuna ku fadhiyay qorshe ahaan Dhul Dhan 10,000 Hectares. Dadweynihii Deegaamadda Arabsiyo, Taysa & Xidhintu si fiican ugama faa`iidaysan, wacayi-galin la`aan awgeed, sidaasi darteedna awooddii Mashruuca waxaa loo leexiyay Ceel-Berdaale oo ay Madaxdii W/Beeruhu sidaasi amartay, iyagoo sheegay in ay jirto Iskaashato Diimeed oo Beeralay ah una baahan Mashruucani. Madaxda W/Beeraha ee waqtigaasi oo u ka mid ahaa Maxamuud Ciise Jaamac, waxa ay suurto-geliyeen in gebi-ahaanba Mashruuci Hantidiisii iyo Qalabkiisiiba loo wareejiyo Ceel-Berdaale lagana Dhigo Biyo Waraabin (Irrigation) Beerood, Dooxyo xidhis, Ceelal Qodis, Dhul Banayn, Waddooyin I.W.M

Maxamuud Ciise Jaamac oo ahaa Ragga Siyaasiyan Mashruucani hirgelinayay, kana mid ahaa Xerta Sheekha , wuxuu si rasmiya maamule uga noqday Iskaashatadda, ka dib markii u ka tagay shaqada Wasaaradda Beeraha ee Soomaaliya , isaga oo noqday Maamulihii Guud ee Mashruuca Ceel-Berdaale.maxaa ku kalifay, nin soo qabtay,xilal sare oo ay ka mid ahaayeen, Agaasime Guud, iyo Wasiir, inuu noqdo, maamulihii Guud ee mashruucii Ceel-Berdaale oo dhulka uu ku fadhiyaa dhanaa 15 Hecter oo kaliya? Hadii aanay ka dambayn siyaasad dhul-balaadhsi oo u qarsoonayd, soona ifbaxaysay muddooyinkii dambe.

MASHRUUCA CEEL-BERDAALE INTEE AYUU KU FADHIYEY DHUL AHAAN

Masharuuca biyo waraabiska Ceel-Berdaale waxa uu ku fadhiyay qiyaas ahaan Dhul-Waraabiskiisu 15 Hectar yahay , kaasi oo loo leexinayay Biyaha, waana meesha la yidhaa Ceel-Berdaale asal ahaan (proper Ceel-Berdaale).

XADDIGII CAAWIMADA IYO WIXII KA DHASHAY

Xaddiggii caawimadda ee loo leexiyey Ceel-Berdaale , kuna qeexan heshiiskii dhexmaray Dawaladdii Soomaaliya & Hay`addii Maraykanka ee caawimadda (USIAD) , waxaa ay abuurtay, suurto-gelisayna in la keeno qalabka Waa-weyn ee Cagaf-cagafyada sida ,D4, D9 (buildozer ), cagafyadda wax lagu qodo (Beeraha), Baabuur, Shidaal,Daayactirka Qalabka & Khubaro Tababarta Shaqaalaha, iyaddoo Wasaaradii Beeraha ee Soomaaliyana ku Deeqday Shaqaale ka tirsan Shaqaalaheeda oo qabta Hawlaha kala duwan ee Mashruuca & ku Shaqaynta Qalabkaba.

Xaddigaasi caawimo ee yimid goobtii Ceel-Berdaale, waxaa u noqday Dhaqaale & Xoog ka Miisaan Weynaaday Bugcadii Ceel-Berdaale, iyaddoo ku kooban tay darteedna waxa Iskaashataddii Diiniga ahayd lagu fidiyay Dooxaddii Dibiro-weyn, sida Boodhka, Buqdhada, Ceeriga, Sararka Ina Geedi Same, Kaxda, Seemaal, Xamarta Hugeed oo dhamaantooda ka tirsan Deegaanka Degmadda Baki taasoo ay ku bedaleen magacyo cusub oo ah Qawska, Nuuriye, Kawneyn lana mid ah Yuhuudu markay qabsatay falastiin sidii loo dhalan rogay dhulkii ay falastiin lahayd magacyaddii ay lahaayeen loona bixiyey magacyo ka soo jeedda Yuhuuda sida Al Qudus oo loo rogay Jerusalaam, Al khaliil oo loo rogay Jeriko iyo kuwo badan oo ay ka mid tahay Naasareet.

Magacyadda cusub ee sare ku xusan ee loo la baxay waxa loola dan lahaa dhul boob iyo dhul fidsi waxaana loo bixiyey waqtigii uu Siyaad Bare gacan saarka la lahaa sheikh ruuxiga ahaa ee sheikh Muxumed Raage lagamana hadli Karin, sababta oo ah isagoo awood buuxda ka haystay Hogaamiyihii Sare ee Kacaanka oo u soo diray Ciidan Koofiyad Cas ah oo nin sarkaal sare ahina uu Hogaaminayey salidhigna ku lahaa xarunta Ceel-Berdaale, ciidankaas oo loo adeegsan jiray in lagu cabudhiyo dadweynaha laguna duudsiiyo xuquuqdooda aasaasiga ahaa ee dhuleed. Dadweynihii ku noolaa Deegaamadaasi oo u badnaa Xool-Dhaqato, waxaa ay kala Horyimaadeen Diidmo adag, waxana u marag ahaa dilkii dhacay 1967kii,hase ahaatee waxaa u Hoggaamiyihii Iskaashataddu ku qanciyey in ay ku soo biiraan Urukani Diineed ee u Madaxda ka yahay, kagana mid noqdaan Muruqooda iyo Hantidooda Dhuleed.

Fiditaanka Barnaamijkaasi waxa u meel sare gaadhay Xilliggii Kacaanka , markaasi oo ay bilaabantay Iskaashatooyinkii Hanti-Wadaagaysna. Wuxuu Mashruucaasi Iskaashato ee Diineed noqday mid la jaan-qaaday oo Munaasibay ahdaaftii iyo Ujeedooyinkii Kacaanka ee hamigii isku filaanshaha iyo dhiiri-gelintii Iskaashatooyinka. Kacaankii wuxuu sii xoojiyey Awooddii Iskashatadda, Maal ahaan, Qalab ahaan iyo Muruq ahaanba, waxaana la gaadhsiiyey heer ay Tusaale u noqoto Wax-Soosaarka Iskaashatooyinka ee Goboladda Waqooyi, si gaar ah waxaa loogu sammeeyey Ciidamo khaas ah oo ka amar qaata Maddaxii Hoggaanka Iskaashatadda ee Ruuxiga ah. Dadweynaha Deegaankaasi waxay u qaybsameen,khasabna ku noqotay intoodii badnayd in lagu qanciyo ka mid noqoshada iyo ku soo biirida Iskaashatadda Diiniga ah iyo isla-markaana aqbalidda Hoggaamiyaheega Ruuxiga ah iyo qaar markii ay ku adkaysteen Diidmadoodii la laayay, la xidh-xidhay, loona adeegsaday xoog Milatari & Kacaan-diidnimo, taasi oo ay marag u tahay dilkii dhacay 1971kii ee ay gaysteen ciidamaddii uu kacaanku siiyey sheekha, loona gaystay nin ka mid ahaa duqaydii deegaankaasi.

Mashruucii Diimeed ee la saaxiibay Masuuliyiintii Dawladda ee Goboladda Waqooyi (Kacaankii) wuxuu gaadhay in Beerihii Khudaarta,Bunka iyo kuwii la midka ahaaba lagu kala Magaacaabo Golihii Sare ee Siyaasadda sida, Siyaad , Cali Samatar,Kullmiye, Ina Saleemaan Dafle I.W.M. Ka sakawo Dhulkaasi Beeran, waxaa loo ilaashay Dhul Seereed Dhan 80-90 km oo Isu-wareeg ah (80-90km square) oo ahaa daaqsinta xoolaha Iskaashatadda. Xaruntii Hoggaamiyhii Ruuxiga ahaa ee Iskaashatadda Diineed Aas-aasay, waxaa ay Isu-beddashay meel ay u raaxo yimaadaan Masuuliyiintii Kacaanka ee Goboladda W/Galbeed iyo Wufuudii Kacaanka ee Heer-qaran. Dhinaca kalana wuxuu waafaqay hadafkii Kacaanka, wuxuuna Hoggaamiyihii la saaxiibay walaalana ay noqdeen Madaxweynihii Siyaad Bare oon la kala dhex-mari jirin,una aqoonsaday Aabihii Hanti-wadaaga ee Goboladda Waqooyi.

Haddaba, haddii ay Is-waafaqday Siyaasaddii Kacaanka iyo Ujeedooyinkii iyo Hadafkii Iskaashataddii Diineed, maxay raad ku yeelatay amba siday u saammaysay Dadweynihii ku noolaa Deegaankaasi,Nolol ahaan, Siyaasad ahaan & Hab-Dhaqan Bulshaba (Guud ahaanba Habkii Dhaqan/Dhaqaale) iyo Deegaan ahaanba? Sida la ogyahay Beeralaydu kama Maaranto Xoolaha, balse Xoolalaydu way ka Maaranta Beeraha siiba Beer-Roobaadka. Sidaasi darteed dadkii waxay Dhaqaale ahaan, intii Dilka iyo Xadhiga ka soo hadhay ay noqdeen Caydh Duunyo iyo mid Dhulba. Waxaa Daaduumay Kumaan-kum qoys oo ku noolaa Deegaamadaasi, Barakac rasmi ahina ku dhacay kaasi oo sanadba sanadka ka dambeeyay ka Xoogganaa, mana jirin cid qiimaysay oo eegaty raadka uu yeeshay Mashruucaasi Iskaashatada Diineed. Si jibaysan ayuunbaa loo aqbalay ujeedooyinkii Hoggaamiyihii isu dhigay Hoggaamiyaha Ruuxiga ah.

Daraasado iyo Cilmi-Baadhisyo laga sammeeyey waxaa ay muujiyeen Dib-u dhac iyo Tafiir-goyn ka dhalatay Mashruucaasi ka bilaabamay Bugcadda Ceel-Berdaale , ka dibna Isu-beddelay Aafo Siyaasadaysan oo leh Istaraatijiyooyin Guracan oo kala fogaynayay dadkii wada dhashay ee xidhiidhka iyo Iskaashiga Daneed iyo Deegaanba ka dhaxeeyay. Mashruucaasi waxaa u helay oo Iskaashato ahaan lagu siiyay Maal-gelin faro badan oo ka imanaysay Dawladdii Soomaaliya (Waqtigii Rayidka & Xilliggii Kacaankaba) iyo Kaalmooyinka Hay`addaha Caalamiga ahi ku bixiyeen, waxaa lagu qiyaasi karaa Malaayiin Dollar.

Tusaale kooban, waxa Inagaga filan xadiga lacagta lagu maal-galiyay intii u dhaxysay 1963-1967dii taasi oo ahayd sidani:

b) USAID $506,000
T) Dawladdii soomaaliya $66,000
Isugeyntuna waa = $572,000

Habka loo fullinayay Mashruucaasina waxaa u ahaa wada jir, iyadoo ay Hay`adda Kaalmada ka wakiil ahaayeen Khubaro Farsamo, Dawladdana Wasaaraddii Beeraha gaar ahaana Waaxdii Khayraadka Dabiiciga Kaalmooyinka ugu laxaadka Weyna waxaa u helay Mashruucaasi lagu Aas-aasay Iskaashatadda Diineed wixii ka dambeeyay 1969kii isaga oo la Jaan-qaaday Iskaashatayntii u Kacaanku Horseedka ka ahaa, qiyaasna ma lahaynba Xaddigga Qalab, Gaadiid, Hanti, Shidaal I.W.M ee soo galayay, wana xilligga uu barakicii ugu ballaadhna ku dhacay Bulshaddii Xoolo-dhaqata ahayd ee ku noolayd Deegaamaddani ka soo rogan Bogcadda loo yaqaano Ceel-Berdaale iyadoo ay ku socdeen Weeraro, Dil, Cabsi-Gelin & Dhac joogto ahiba.

DULUCDDA JAWAABTA DACWADDA

Haddaba waxa la Is-waydiin karaa ayaa lahaa Hantiddaa Mashruucaasi Diineed? Ma mid qofeedbay ahayd? Ma mid Iskaashato ayay ahayd? Magaca Hantidaasi lagu helay muxuu ahaa? Mashruucii Diineed, markii ay Gobolladda Waqooyi Bur-Bureen ayuu isna la Bur-Buray, Burburkiisii maxaa ka dhashay?

Su`aalahaasi haddii aynu ka bixino Jawaab, waa marka hore Hantidda Maal-gelineed ee Mashruucaasi Diineed waxaa lagu Maal-gelyey Hantiddii Ummadda Soomaaliyeed, cidda Maal-gelinta intaas leeg loo sammeeyayna waxay ahaayeen Xubnihii Iskaashataddaee Deegaamaddaasi, balse Ma ahayn mid shakhsi loo sammeeyay. Xubnaha Iskaashatadduna waxay iskugu jireen Dad Aqoon iyo Muruqba kaga Qayb-galay iyo Dad kaga mid noqday Beerahoogii iyo Dhulkii ay Xoolaha ku Dhaqanayeen.
Hantiddii laxaadka lahayd ee lagu Maal-geliyayna waxay ahayd mid lagu helay Magaca, Milgaha, Karaamadii & Sharaftii Ummadda Soomaaliyeed. Sidaasi awgeedna Burburkii ku dhacay Hantiddii Mashruuca Iskaashatada Diineed lagu Aas-aasay laguna hirgeliyay waxay la mid tahay tii mashaariicdii Mareeray, Jilib, Mashruucii Wershadda Sibidhka ee Berbera I.W.M

Burburkii ku habsaday Hantiddii Mashruuca Iskaashatadda Diineed waxaa ka dhashay in Dadkii ku Shuraakadda ahaa uu qofwaliba Dambaskiisii & Deegaankii uu Iskaashatadda kaga mid noqday u hantiyo xaqiisii uu horeba u lahaa mulkigiisa. Sidaasi oo kale Hoggaamiyihii Iskaashatada Diineed waxaa isna u sugmay Bugcaddii u ka bilaabay Aas-aaska ee Ceel-Berdaale, taasi oo ka mid ahayd Hantidda Iskaashatada, isaguna u kaga mid noqday Xubnaha Iskaashatadda Diineed. Aas-aaska oo uu lahaa darteed uu ku noqday Hoggaamiyaha (Madaxa) Guud ee Iskaashatadda Diiniga . Dhinaca kale ciddii Dhaxalkiisa lihina waxaa ay yeellanaysa, wixii u Asalkiisii la yimid ee uu Xubnaha Iskaashatadda kaga mid noqday.

Sida la wada Ogsoon yahay Shuruucda iyo Qawaaniinta Caalamiga ah amba Duwalkaba ku cad, haddii ay Shirkad amba Iskaashato kacdo waxaa Hantigeedii gacanta ku qabta Dawladda, ka dibna Xisaabisa, wixii dayn ahaan loogu lahaana ka bixisa, wixii soo hadhana dadkii Xubnaha ka ahaa (Shareholders) ugu qaybisa sida u kala ahaa Saamigooddii. Taasi kama ay dhicin Iskaashatadda Diineed, waayo Qarankii Soomaaliyeed oo Dhan ayaa la waayayba, waana mida keentay in qof waliba u Dambaskiisii iyo Bugcadiisii u gacanta ku qabsado. Waxaa haddaba Is-waydiin leh Su`aashuna tahay, Hantidda Iskashatadaasi Diineed Ma qofbaa lahaa? Mise Xubnaha?, Sido kale Dhulkii Iskaashatadda ayaa leh, Ma Xubnihii, Mise Shakhsi?

Sidaasi awgeedna cidda leh aniga ayaa shakhsi ahaan u leh oo ay Hantigaygii tahay, Aabahayna uga hadhay, sifaha u ku yeeshay Maxkammadaha Dalka hortooda ha kaga dacwoodo oo ha la yimaado cadaymihiisa iyo sifaha uu gaar ahaan ugu yeeshay. Hantiddii Dhuleeda ee ka soo hadhay Burburkii ku yimid Iskaashatadda, kaasi oo ahaa mid ku yimid Qarankii Soomaaliyeed Guud ahaantiiba.

GABO/ GABADDII

Anaga oo wakiil ka ah Dadkii Deegaankan ku noola, kagana mid noqday Iskaashatadda Hantigayagii Dhuleed, Maal & Muruqba waxaan maanta gacanta ku haysanaa xaqayagii, xaq cid kale leedahayna ma haysano, waxaana la nagaga qaadi karaa oo kaliya sharci & go`aan Maxkammadeed oo u suga inuu leeyahay dhammaanba Dhulkii Iskaashatadda Xubnaha ka dhaxeeyay ina Sheekh Mux`ed Raage
Anagu qabiil aan Is-haynaa ma jiro cidna Duulaan kuma nihin, qabiilna ma nihin, qabiilna wax kama doonayno, ciddii wax nagu sheeganaysaa ha raacdo Qodobka 28 ee Dastuurka JSL iyo Qodobka 68aad ee XHM; halkaasi oo aanu diyaar u nahay in aan xaqayaga ku difaacno. Wixii intaasi ka baxsan amba ka duwanba,waxaan u aragna,waxaan loo marin jidkii sharciyadeed oo aan morankiisa iyo khilaafkiisu marnaba dhamaanayn. Waxaan si nabad ah u fadhinaa Dambaskayagii, sanku neefle oo dhammina wuu naga nabadgelayaa aan ka ahayn ciddii xoog iyo awood noo sheegata.

ALLAA MAHAD LEH

Duqayda ka Wakiilka ah Dadweynaha Deegaanadda ka soo rogan Ceel-Berdaale

1. Chief caaqil Daahir Cabdi
2. Caaqil Maxamed Caqli Barkhadle
3. Caaqil Maxamed Cumar Cabsiiye
4. Caaqil Ibraahin Ismaaciil Guuleed
5. Caaqil Mahdi Cumar Faarax
6. Caaqil Ismaaciil Ibraahin Mooge
7. Caaqil Sheekh Maxamed Sh Muuse
8. Caaqil Muuse Axmed Xasan
9. Caaqil Aw-ciise Cabdi Colhaye
10. Caaqil Cusmaan Xasan Mixile
11. Caaqil Daahir Xuseen Sheekh
12. Cabdillaahi Xasan Cali
13. Cali Xaaji Xirsi Cawaale
14. Xaaji Nuux Caalin Faarax
15. Cismaan Muxumed Aare
16. Dayib Maal Dhawal
17. Maxamed Aw-Aadan Ismaaciil
18. Cali Cabdi Seed
19. Xaashi Cige Waaberi
20. Cabdi Cismaan Caynaanshe
21. Cabdi Cali Caynaanshe

 
%d bloggers like this: