CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

  • Blog Stats

    • 80,701 hits
  • Calendar

    January 2012
    M T W T F S S
    « Dec   Feb »
     1
    2345678
    9101112131415
    16171819202122
    23242526272829
    3031  

Xildhibaan Obsiiye Oo Ka Digay In Xukuumadu Cid Gaar Ah Hub Ka Dhigis Ku Samayso, Iska Horimaadkii Buqdhadana Ku Eedeeyay Bilayska

Posted by Admin on January 3, 2012

Hargeysa, January 3, 2012 (Haatuf) – Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ee laga soo doortay gobolka Awdal ayaa sheegay in iska hor imaadkii doraad ka dhacay deegaanka Seemaal ee u dhexeeya Baki iyo Gabiley ay Ciidanka Bilaysku weerareen Maxaabiista deegaankaasi laga soo qabtay, waxaanu ku baaqay in guddi baadhisa oo qaran loo saaro sida falkaasi u dhacay, waxaanu ka digay in Bilayska deegaankaasi la geeyay ay dhexdhexaad u noqdaan beelaha deegaankaasi isku haya.

Xildhibaan Obsiiye oo isagu ka mid ah xildhibaanada Deegaanka Dilla, ayaa sidoo kale ka digay in beel gaar ah hub ka dhigis lagu sameeyo.

Waxaanu sidaasi ku sheegay mar uu shalay wargeyska Haatuf kula soo xidhiidhay khadka Telephone-ka, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Nimanka doraad lagu waxyeeleeyay deegaanka Seemaal waxay ahaayeen dad shicib ah oo aan wax weerar dagaal ah ku jirin, waxaana si badheedha weerar ugu qaaday Ciidanka Bilayska ee deegaankaasi ku sugan, Bilayskuna waa inay ummada dhexdhexaad u noqdaan, mana aha in Bilaysku cid gaar ah hub ka dhigis ku sameeyo, sidaa darteed waxaan ugu baaqayaa in guddi baadhisa oo qaran loo saaro sida falkaasi u dhacay, wasiirka arrimaha gudaha iyo taliyaha Bilayskuna ay goobtaasi tagaan sharcigana la hor geeyo ciddii falkaasi weerarka ah gaystay, sagaal qof ayay ahaayeen oo qaar ka mid ahi hubaysan yihiin, wax weerar ahna kumay qaadin ee Bilayska ayaa weeraray, saddex qofna ka dhaawacay, waana nasiib daro in Bilayskii ummadu ay shicibka laayaan”.

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
%d bloggers like this: