CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

  • Blog Stats

    • 80,701 hits
  • Calendar

    December 2011
    M T W T F S S
    « Nov   Jan »
     1234
    567891011
    12131415161718
    19202122232425
    262728293031  

Riyada Ceelbardaaleyntu waa siyaasad ku qorshaysan dhul-balladhsi (Zone Expansion) ilaa xeebta Lughaya.

Posted by Admin on December 21, 2011

Wednesday, December 21, 2011Dadka da’doodu sii galbaneysaa way ogyihiin waqtigii la bilaabay iyo hadafka loo abuuray siyaasadda “ceelbardaaleynta dhulka” hase yeeshee da’santa maanta u sarakacday inay jiheeyaan qorshaha mustaqbalka aayaha dhulkooda iyo Dadka da’doodu sii galbaneysaa way ogyihiin waqtigii la bilaabay iyo hadafka loo abuuray siyaasadda “ceelbardaaleynta dhulka”
hase yeeshee da’santa maanta u sarakacday inay jiheeyaan qorshaha mustaqbalka aayaha dhulkooda iyo dadkoogaba waxay mudan yihiin in lagu kaalmeeyo duco iyo sooyaalka taariikhda dhulka Ilaahay ku beeray si ay ugu go’aan qaataan xaqooda; isla markaana uga fogaadaan inay cid kale xaqdarro ugu ciiraan.

Waxan halkan maanta jawaabaha ay mudan yihiin ugu bayaaminayaa qodoban hoose oo aan soo jeedinayo inay hordhac u noqdaan taxane aynu u bixino “Duruusta Ceelbardaaleynta”:

1-      su’aal ay dadka aan xogogaalka aheyne isweydiiyaan had iyo jeer oo ah dhulkan ceelbardaale ee laysku hayaa intuu leegyahay?.

2-       Meel heblaayo oo ka tirsan deegaanka ceelbardaale oo media ha iyo dhegaha dadkaba la gashado.

3-      Ceelbardaale oo had iyo jeer lagu tilmaamo jago ballaadhan oo beesha Jibriil Abokor wda leedahay .

4-      Xal u helidda khilaafka dhulka ee meesha ka saaray wada-dhalashadii iyo wada-dhaqankii beelaha ood-wadaagga & dhaqan-wadaagaba ah ee dhiig-daadinta xaaraanta ahi ragaadisay.

Sida sharciga islaamka, aqoonta iyo caqliga wanaagsaniba inna farayaan, marka la doonayo dhib jirta in xalkeeda la helo, waxa lagama maarmaan ah in marka hore la qeexo lana fahmo asalka iyo asbaabaha dhibta jirta; kadibna loo gudbo wadada loo marayo xal-u-helideeda.

Si haddaba loo fahmo asalka dhibtan soo jireenka ah, jawaabaha su’aasha & hadalada kale ee kor ku xusani waxay kala yihiin sidan:

1-      Dhul ceelbardaale la yidhaa oo laysku haystaa haba yaraadee ma jiro; sidaa awgeed jawaabta su’aashani dadka wareerisay waxay la mid tahay cudur maskaxda haya oo la rabo in daawo hargab lagu bogsiiyo.

2-      Sidaan horeba u sheegay Gobol ama Degmo loo aqoonsaday ceelbardaale oo deegaano kala duwani hoos yimaadaana ma jiraan.

Ceelka Cigaal Dhutiye oo mar dambe loo bixiyey Ceelbardaale wuxu ahaa ceel biyood dadka xoolo-dhaqatada ahi kawada cabbaan ka hor intaanu Sheekh Muxumad Raage beerta ka samaysanin markuu Ethiopia ka soo hijrooday.
Kilaafkan soo jireenka ah ee dadka walaalaha ah dhiigooda isku xalaaleeyey  waa “Siyaasad dhul-ballaadhsi  iyo iska difaaceeda”; taas oo wajigeedii hore lagu meelmariyey xoog dawladeed oo dhaqaale qabiil horsocdo sida dhulka oogada ee Qadow, Madar, Wajaale iyo Banka Wajaale oo taariikhdu qirayso in iska-hor-imaadyo sababay dil,dhaawac iyo xadhig dawladeedba ay ka dhaceen. Hadaba, kadib markii wajigaa hore guul loo tirsaday(Phase 1) waxa bilaabmay wajigii labaad(Phase 2) oo ah kan ilaa maanta socda ee ku qorshaysan “In la ceelbardaaleeyo dhulka ka bilaabma ceelka Cigaal Dhutiye ilaa xeebta badda case e Lughaya iyadoo loo adeegsanayo mashruucii dhagar-qabaha ahaa ee uu madaxa ka ahaa Maxamuud Ciisa Jaamac, odaygiisuna ahaa Sh.Muxumad Raage Qaate”.
Sidaa darteed;  saxaafadda , madax-dhaqameedyada Soomaaliyeed iyo shacbiga soomaaliyeedba guud ahaan waxan ugu baaqayaa inay macluumaadkooda ku darsadaan xaqaa’iqa aan kor ku soo sheegay,si fiicanna u fahmaan asalka ceelbardaaleynta macnaheeda la majaro-habaabinayo.

Waxan kale oon si gaar ah ugu baaqayaa reer awdal inay fahmaan in aanay ceelbardaaleyntu ku wajahneyn kaliya beelaha jiidda hore ee bariga; gaar ahaan dhallinyarada mustaqbalkooda higsanayaa waa inay muruq iyo maalba midnimo kaga hortagaan “Damaca dhul-ballaadhsiga” ee mudada 60ka sano ku dhow u abaabullan midnimo muruq iyo maalba leh.

Wa Billahi Atawfiiq.   

Mahamed Abdilahi haji Obsiiye

Riyadh – Saudi Arabia.

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
%d bloggers like this: