CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

  • Blog Stats

    • 80,687 hits
  • Calendar

    April 2011
    M T W T F S S
    « Feb   May »
     123
    45678910
    11121314151617
    18192021222324
    252627282930  

“Madaxwaynihii Hore Xilka Lagama Helin Ee UL Kaga Dhaadhac Ayaa La Yidhi, C/raxmaan Saylici-na………….”

Posted by Admin on April 21, 2011

Awdalpress(Borama) 20 Apr.11–Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil oo ka mid ah salaadiinta waaweyn ee gobolka Awdal ayaa shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay magaala madaxda gobolka Awdal ee  Boorama, waxa uu ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin mawqifkiisa ku aaddan furashada ururrada Siyaasadeed iyo Dhalliilo Xukuumadda ah iyo in M/weynihii hore ul Lagaga Saaray Madaxtooyada iyo In Heshiiskii Beelaha Somaliland ee Burco ay Beesha dhexe ka baxday dagaallana ka waddo Bari iyo Galbeed.

Suldaanku ugu horreyn isaga oo ka warramayey waxa ay guddida ka soo talo bixinta furashada ururrada siyaasadda oo  kulan uu la yeeshay ayaa waxa uu yidhi “ Waxa aan idhi shalay hala furo Ururrada Siyaasadda, waxana ay ahayd sababtu iyada oo ay muuqato in ay ummad dhani xakamaysan tahay oo aanay helin fursad ay ku muujiyaan damacooda siyaasadeed, isla markaana waxa hubaal ah in seddexda xisbi ee jiraa ay yihiin kuwo ay hoggaanka sare u hayaan beelaha dhexe, taladoodana looma dhanna waxaana loo baahan yahay in garbaduubka laga baxo oo cid walliba ay ururkeeda furato si dalku uu u furfurmo, waa sababtaas sababta aan anigu u taageeray in la furo ururada siyaasada.

Suldaanka oo ka jawaabayay inay jiraan in kulankii dorraad ay la yeesheen guddida ka talo bixinta furashada ururrada siyaasadda in masuuliyiintaasi ay ka cadhoodeen hadallo kul-kul oo uu suldaaka laf ahaantiisu ku yidhi, ayaa waxa uu yidhi “Ama ha cadhoodaan ama yaanay cadhoon anigu waxa aan sheegay wixii igu jiray iyo mawqifkayga waxa aan ka biyo diiday anigu in saxaafadda laga saaro kulankii shalay waxaana aan idhi waxa habboon in waxwalba ay caddaadaan, waa maxay waxa ad qarsanaysaan ee jira, waxa kale oo aan sheegay oo aan idhi waxa aad jebiseen xeerkii beelaha ku salaysnaa ee Burco oo aan xusay in waxyari ka noolyihiin wixii lagu ballamay, waxaan idhi nabad baa lagu ballamay oo waxa aan ku heshiinnay in  aan la isku tacadiyin, laakiin nabad lagu wada noolaado, taasina way jabtay oo waataasi maanta muuqata in dalka ay labada cidhifba xabbadi ka socoto( bari iyo galbeed), waxa kale oo jabay oo lagu ballamay  in dawladda la yidhaa Somaliland oo la wada leeyahay la dhiso taasina way jabtay oo waxa ka soo baxday dawlad Qolo ah, oo aan la wada lahayn beelaha dhexe oo kaliya ayaa iska leh dawladda, beelaha cidhifyadana waxa la yidhi waxbaan idin siinnay waxaasina ma aha wax laga wada tashaday, cidda sidaas wax loogu dhiibaana ma aha cid xor ah, oo waa cid hareeraha laga fadhiyo, waana hubaal in ninka beelaha cidhifyada ka soo jeeda ee sarreeyaa uu ka awood badan yahay ninka beelaha dhexe ka soo jeeda ee ka hooseeyaa, markaa anigu waxaas oo dhan ayaan cadeeyey ninkii ka cadhoonayaana ha ka cadhoodo.

Suldaanku mar uu ka warramayey waxa uu isagu ra’yi ahaan ku taageerayo in ururrada siyaasadeed la furo ayaa waxa uu yidhi “Waxa loo baahan yahay horta in dib loo soo nooleeyo heshiiskii Burco ee beelaha u dhexeeyay ee aan shalayna sheegay in la jabiyay, waana markaas marka la furi karaa ururrada siyaasadeed ee la sheegay.

Suldaanka  oo ka Jawaabayey in xisbiga  UDUB-ba gudoomiye ka yahay Daahir Rayaale oo ka soo jeeda Awdal, oo aanay saddexda xisbi wada haysan beesha dhexe  wuxuu yidhi“Maya Maya Daahir Rayaale Kaahin kama aha hoggaan, magacii ayuunbaa halkii weli iska yaalla, waana hubaal in masuuliyiin beelaha dhexe ka soo jeeddaa ay hoggaanka u hayaan, midda kale Daahir Rayaale Kaahin waad ka warla’dihiin sida uu xilka kaga tagay, waxaad u haysataan in xilka laga helay, maya maya sidaas ma aha ee waxa la yidhi ul kaga dhaadhac idinkuna war uma haysaan.

Dhinaca kale mar suldaanka dib loogu celiyey su’aal khusaysa wada lahaashaha dawladda isla markaana la tusaaleeyay in beelaha cidhifyadu ay leeyihiin M/Ku Xigeen halka ay Beelaha dhexe ka leeyihiin Madaxwaynaha ayaa suldaanku waxa uu ku soo koobay jawaabtiisa “ Dhadhaarrada Hareeraha ka yaal ee dabku ka shidmayo ayeydaan war u hayn”.

Mar suldaanka wax laga waydiiyay sida uu u arko aragtida qurbojoogga ee Awdal State ayaa waxa uu yidhi “Wallaahi iyaga ayey ku gaar tahay nin qurbo jooga oo rayigiisa cabbiray waxa uu ka hadlay, anigu dalka ayaan joogaa waxba igama khuseeyaan waxaas, waxbana igama soo gaadhaan runtii”.

Suldaan Saleebaan oo sharaxaya Heshiiskii beelaha Somaliland ee Burco wuxuu yidhi “Heshiiskii Burco waxa uu dhigayey in la goosto, in nabad waarta lagu wada noolaado, in dawlada la wadaago la dhiso iyo in  madaxwayne la doorto, iyada oo ay sidaas ahayd ayaa afartii qodob laba ka mid ahi ay jabeen, kuwaasi oo kala ahaa in nabad lagu wada noolaado iyo in dawlad wadaag ah la dhisto, wayjabeen labadaas qodob, maanta waxa dalka ka jira dawlad beelaha dhexe oo kaliya ah.

Suldaanka ayaa ku soo gabagabeeyey hadalkiisa talo uu u soo gudbinayay Xukuumadda Somaliland wuxuuna yihi “Talada aan soo jeedinayaa waxa ay ila tahay, dawladdana aan ku talin lahaa in la dhiso dawlad wadaag ah oo talo lagu qaybiyo, haddii la leeyahay reer hebel intaasaan siinnay ma aha wax ay talo ka muuqato, waxana aan leeyahay talo wadaag haka muuqato dawladda, maaha cidbaa loo yareeyay iyo cidbaa loo badiyay”.

Awdalpress

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
%d bloggers like this: