CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

  • Blog Stats

    • 80,701 hits
  • Calendar

    April 2011
    M T W T F S S
    « Feb   May »
     123
    45678910
    11121314151617
    18192021222324
    252627282930  

Qalbi iyo jidh Madoobe Fahmiyow Gadabuursi dad cun ma aha

Posted by Admin on April 11, 2011

 April 11 -(Ceel-bardaale)  Waa wax caadi ah in dad dhalasho, dhaqan, diin iyo degaan ka dhexeeyo wax ku heshiiyaan amaba ku kala duwanadan. Waxa bishii hore ilaa hada socda ololaha Awdalstate oo wadaan Da’samo cusubi taas oo wax iyaga ka soo go’ay iyo guux muddo badan jiray ah oo ay ugu ololaynayeen Awdalstate. Hadaba markii dabaal degayadii iyo ololihii Awdalstate is qabsaday daafyaha adduunka aya waxa dhacday in dhalinyaro reer Boorama ah oo support siiyay dhaqdhaqa dibada laga wado lagu xidhxidhay iyadoo ay ku jireen waliba laba wariye.

Hadaba waxa soo baxay afkaar kala duwan oo gudo iyo dibadba dadka qaar kaga soo horjeedan oo la leeyahay waar inoo kaadiya Somaliland waxan soo xukumaynay mudo dheer oo aan madaxwayne ka ahayn, halka dadka qaarna leeyihiin inaga iska leh Somaliland oo Boorama lagu sameeyay inaga oo wada og taariikhdii shirkii Boorama iyo doorkii Gadabuursi ku laha iyo cadkii aan ka helay, intii ogolayd iyo intii maalinta diidanayd iyo kuwo kale oo leh anaga nalaga caraynayaa oo na loo jeeda kuwaas oo qabiil hoose u fikiraya oo leh waxan waxa wada hadhaagii Udub.

Hadaba waxaas dhami umaayna muuqan wax naxli badan lahayh oo dad waa kala fikir duwanaan karaa sidaan horeba hadalka ugu bilaabay waa wax caadi ah oo wax grantie amaba la odhan kuwaas baa sax lama odhan ee waa la doodi karaa waliba tu caafimaad qabta.

Waxase wax lala yaaba nin ka dhex hadlay odayaal isku sheeg aan hore loogu aqaaon odeynimo reer Boorama ah oo ahaa nin aad u madow lana yidhaa Fahmi ahna raga siyaadda meel waliba u galay laga bilaabo doorashadii Cigaal xiligii labaad oo uu ahaa musharax madaxwayne ku xigeen,isaga oo beeshiisu tidhi waxa ka mudan nin kale oo ay beeshiisu waday oo uu ku hadhay doorashadii beeshiisa dhexdiisa.

Doorashadana reer Awdal oo ku guullaysatay oo la dooratay Daahir Rayaale, ka dib Fahmi waxa uu aaday Carta halkaas oo uu hadana ku guulaysan waayay wax mansab ah, hadana waxa uu aaday Kenya Ildarod oo waxba ka waayay. waa uu soo noqday.

Hadaba maxaa ka yidhi fahmi Awdalstate shirkii qoladii ka didsanayd Awdalstate. Fahmi waxa uu yidhi dhalinta wadda Awdalstate waa in la googooyo,oo qurub qurub loo jaro, oo waliba inta indha laga bixiyo hilibkooda loo kariyo reer Awdal,hadaalka markaan maqlay waxa laga soo kacay caloosha oo waxa i qabtay matag, waxan la kulmay ummad farabadan oo iga siidaran oo ka yaaban hadal FAHMI-DADCUN, oo yidhi dhulkeeni ma waxa ku nool dad dad-cun ah,taasi waxa markhaati ka tahay ninka bilaa mabda’ah ee qirtay dad cunnimada ee waliba ku daray waa inaan dhaliteena basaasna oo dadba guraa in talaabo Gadabuursimo laga qaado walina taariikhda Gadabuursi may soo marin nin yidhaa tolkeen aan karsano iyo aan Basaasno aan daba galo.

Ninkaasi waxba kama duwan kuwii ku gawracay ee ku googooyey raggii reer Awdal ee lagu gooyay Dilla iyo Kala-baydh dhexdooda ee gacan ku dhiiglayaasha ahaa ee wali lagu raad joogo sidii loo qaban lahaa.

Waa arin Khatar ah oo u baahan dabagal iyo baadhis lagu sameeyo waa haddii ninkaasi miyir qabo,Waxanan leenahay waxa jooga ninka mida qurbajoogta reer Awdal Boorama iyo Hargaysa oo waliba dhakhtar (pshyciatrist doctor) in loo geeyo amaba arinta uu baadho waa Dr Abdi Shakuur Sh Ali Jawhar.

Hana ogado ummadu inay kala fikir duwanaan karto oo aad arkaysid ummadaha ee Somaliyeed amaba isaga laftiisu inuu aha Somali-wayn.

Ilaahow Gadabuursi u gargaar oo tus waddada toosan.

awdalian87@hotmail.com


 

.

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
%d bloggers like this: