CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

  • Blog Stats

    • 93,540 hits
  • Calendar

    April 2011
    M T W T F S S
     123
    45678910
    11121314151617
    18192021222324
    252627282930  

Qoomiyadda Gadabuursiga waa inay taageerto (Awdal State)

Posted by Admin on April 10, 2011

April 9 (ceelka)-Qoomiyadda Gadabuursi waxa so maray waayo badan oo farxad iyo murugo intaba leh.Waxay ka soo badbaaden qarniyaal dhibaatooyin badan oo halis galiyey jiritaankooda.Waxa dhibatooyinkas ay kaga gudbeen adkaysi ,Dulqaad midnimo iyo wadajir.Kuwii ugu darnaa waxay dhaceen qarnigii hore awalkisii imaatinkii mustacmarka Yurub.Waxa lo kala qaybiyey saddex meelod iyadoo magaalo madaxdoodina la baabiiyey Saylac(Awdal).

Inkastoo aan gumaysi mid cad iyo madowba aan teelo loo dhigan hadana qoomiyaddu ma tirmin.WIXII LAXAAD IYO TALO URURSAN ay LAHAYD OO QARNIYAAL AY SO HOGAAMIYEEN BOQORO (UGAASYO IS DHAXLAY MIN UGAAS CALI -ILAU GAAS NUUR )

Nasiib darro maanta cidlay ka joogaan (hogan la\’aan, midnimo iyo wadajir la\’aan). Waxa lama huraan ah si aan ujirno oo aynan u tirmin ama aynaan dadyow kale ugu milmin inaan yeelano hogaan iyo talo urusan sidii an ahaan jirnay. Tasoo midayn doonta awoodeenna isla markana ino horseedi doonta inan dib u helo kaalintii aan luminay qarnigii hore Awalkisi.

Prof I.M Lewis oo ka hadlayey taariikdeenna ayaa sheegay in magaca Gadabuursi ka yimid Erayga GADA oo ah GUURTI afka OROMADA IYO BIIRSAY(Gada-biirsay oo ah sida Darood bari ay ugu dhawaaqaan) oo ah badsay taasoo macnaheedu tahay reerkii guurtida badnaa.

Prof.I.M Lewis waxa uu yidhi dhaqankaa soo jireenka ee talada iyo guurtida ku salaysnaa ayaa keenay guushii shirkii Borama 1993 ee lagu dhisay Somaliland.

Walaalayaal wixii an dhisnay inuu dhib noo keeno maynaan filayn dheef mooyaane hadayse dhacday maxaa talo ah ?

Taladu waxa weye wixii aan Borama ku dhisnay midheheedii waad haysaan waa dawladda Somaliland haysta oo xajista dhibna uma ogolin. Hase yeeshee waxan go’aansanay inaan dhisanoo Awdal State oo Jawaab u ah dhibta iyo caddaalad darada naga soo gaadhay S/Land.Way noo fududahay dhismaheedu marka ad colaadda naga yaraysaan ee aad fahamtaan inaan is kaashankarno inagoo ah walaalo wax istara.

Hadaanan taladyada u madaxbanaan sidii aan ahaan jirnay,way nagu adkaan doonta inaan muujino awoodaha ilahay na siiyey si aan dhulkayaga wax ugu qabano. Hadan sidaas ku sii socono waxan ku dambayn doono inaan u dhurano wax aan jirin. Waxa marag ma doonta maanta in la is garab dhigaa beelaha reer Awdal ee baaxadda leh iyo beel ka mid ah beesha dhexe(dhinaca Saami qaybsiga)

Taasi oo aan hore taariikhda uga dhicin.Wakhtigii gumaysigu soo galay dhulka galbeedka HARGAYSA ila SAYLAC iyo HARAR waxa loo yaqaanay GADABUURSI COUNRTY.

Major R.G Edwards oo ahaa Sarkaal Canadian ah, ayaa booqday Dhulka Gadabuursiga 1903 (Gadabuursi Country), waxana uu la yaabay xaddaaraddooda ,boqorkooda Ugaas Nuur oo uu aad u sifeeyey iyo laxaadka cududdooda Milalatari oo ay cid walba ku muquuniyeen ayagoo adeegsanayey fardaha .

isagoo sifaynaya Dagaalyahannada Gadabuursi waa kan Major R.G Edwards oo ka sheekaynaya:

\”Qaylo dhaanta dhiillada, waa geeraar colaadeedka Gadabuursiga eh, waxay ahayd mid dhiif kulul oo aan cadowgoodu marnaba xammili karin. Siigada uurada ah ee kor uga gadhoodhay kaynta dhexdeeda ayaan ka qiyaas qaadannay inta ay noo soo jiraan gulufkaa baaxadda lihi, in yar dabadeena waxaba kayntii qodaxlayda ka soo mudh yidhi, dagaalyahanno gadabuursiya oo safaf dhaadheer oo garbo siman ah ugu soo baxay bannaankii.

Muuqaalkaasi mid la illaawi karo ma ahayn. Iyadoo gadaashooda aad looga arkayey dhirtii cagaarayd ee ay ka soo dhex baxeen, dagaalyahanku waxay kaynaan dhaqaaq ugu soo socdeen bankii iyagoo kor u taagay warmo bir ah oo walalaclaynaayay. Labiskoodu wuxu u badnaa maryo cadcad, waxayna guntanaayeen Tabsiyo ,gunti xidhkooda laga bildhaansanayay midabbo dhawr ah sida casaan, buluug iyo cagaar oo ay dhexda aad ugu giijisteen, taas oo astaan u ahayd in ay yihiin rag leh cudud iyo laxaad ay wax ku muquunin karaan, xoogna kaga qaadan karaan magta cid kasta oo dhagar ka gasha.

Annagoo fadhina teendhadii dhexdeeda oo aan ku jirnay qorsheyntii hawsha maalinta isku soo baxa, ayaa waxa baqdin weyn na galiyey markaan aragnay tirada ragga hubaysan ee keynta abqada ah soo dhex humbaalaynaya. Markaan u sii kuur gallayna waxaan ogaannay laxaadka iyo tirada xad-dhaafka ah ee laysku keenaay, orka iyo bulhanka aan kala go,a lahayn ee iska soo daba dhacaya. Debaddii aan u soo dareernayba, waxaan aragnay dadkii deegaanka oo markiiba sameeyay ama isu habeeyey laba saf oo dhaadheer, oo is-haysta, laga bilaabo afaafka kaamka ilaa gego bannaan oo naga durugsanayd cidhifkeeda u shisheeya, gegedaa oo ahayd miidaan ciyaareed dabiici ah oo kaamka agtiisa ku taallay. Intaan qoladayadii xerada joogtay markiiba dib iskugu ururray oo ilaaladayadiina iswada taageen intay qoryaha garabaha wada saarteen ayaa safafkii soo gaadheen ilaa xerada gudaheeda.

Waxa ka soo baxay keyntii ka dambaysay cidhifkii u shisheeyey ee safka rag fardoolay ah oo wata sengayaal si bilicsan loo soo shaaximay. Waxa ag-socday rag waranlay ah oo lugaynayey aayarna u socda. Waxa hor kacaayay waayeel ruug-caddaadi ah, oo fuushanaa sange mayeedhaan ah. Waxana ku daba jiray cutubyo dagaalyanno ah, kuna labbisan huga dagaalka, fardahooguna oradka afar qaadlaynayeen, fardahaasi oo ka baraq naxay sowraxanka iyo qaylada dheer ee dadku ku soo dhaweynayeen boqorkooda sharafta badan.

Ninkan waayeelka ahi waa Ugaas Nur, boqorka ama ugaaska Gadabursiga, wuxuna lahaa dhawr magac oo kale, oo aanan haddeerto xasuusnayn,.
Waayeelkii haybadda badnaa, isagoon sinaba u ilgibidhsan ayuu xaggayagii u soo kacay isagoo dhoola caddeynaayana na salaamay. Ugaas Nur wuxu ahaa nin ilaa 75 jir ah, inkastoo da’du yara taabatay, wuxu ahaa nin dheer, oo toosan, oo laxaadka qaab dhismeedka jirkiisu isku buuxo/isku dheellitiran yahay. Xataa culayskii muddadii dheerayd ee uu xilka hayay ku soo dhacayey, waxba kama dhimin kartidiisii waxqabad ee hoggaamineed.

Muuqaalka qaab dhismeedkiisa waxa aad uga muuqday tafiir/ isir carbeed, iyadoo astaamihii Afrikaanaimada ee in badan oo dadkani ka mid ahaa laga arkayey isaga sidaa ugama ay muuqan, balse raadka hiddaha afrikaanimadiisa waxa lagu garanayey midabkiisa madow kaliya. Wajigiisa waxa si cad looga dheehan karayay qunyar socodnimo, waji-furaan iyo waxgaradnimo, iyadoo qofka weyni dareemi karayay, xariifnimo iyo xeeldheeri ku qarsoon, oo aan aalaaba laga malaysan karin qoomiyadaha aan xaddaariga ahayn.

Inkasta oo Gadabuursigu magic, talo, laxaad iyo cudud uu cid walba ku muqiinin karo lahaa qarnigan awalkiisii taasoo ay u dheerayd xaddaarad iyo dhaqaale uu Saylac iyo Harar ba gacanta ku hayey.Waxaa Gadabuursi jabiyey dawlado sida gumeysiga Amxaar iyo Ingiriis ayaa dhulkoodii iyo awoodoodiba qaybiyey xoriyadii ka hor .

Haddaba hadal iyo dhamaan Maanta Samarroon wuu aasanyahay in la foqo oo godkaas laga soo saaro ayuu u baahanyahay.Haddaba si hawshaas loogu midoobo illeen cidwalba waa u dan in Samarroon dib loo soo faqo eh oo godka laga soo saare eh.WAA IN LA TAAGEERO AWDAL STATE JIRITANKEEDA SI AN UJIRNO OO MAGAC IYO MAAMUUS BA AAN UGU YEELANO BULSHADEENNA SOMALIYEED
VIVA AWADAL STATE

Mohamed Dhiirane

Reference The Visit of Gadabuursi Counrty by Major R.G.Edwards 1903.


Sorry, the comment form is closed at this time.