CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

  • Blog Stats

    • 80,687 hits
  • Calendar

    February 2011
    M T W T F S S
    « Dec   Apr »
     123456
    78910111213
    14151617181920
    21222324252627
    28  

Shinnada Malabka waxa laga baxa marka qiiq lagu shido.Macdanta Awdalna marka reer Awdal la iska horkeeno.

Posted by Admin on February 16, 2011

CeelkaNews(Hanqadha)Waxa aan marnaba la qaadan karin in Macdantii Gobolka Awdal loo soo kaxaysato dibada rag  SHiine ah oo lagu daabulo Joonyado,Hadaba ayaa masuul ka dhulkan,waxan odhan lahaa waxa ka masuula.

1-Dadka dhulka iska leh ee Gadabuursi.

2-Wax garadka iyo dadka aqoonta leh

3-Masuulinyiiinta maamulka ka soo gobolka min degmo ila Madaxwyne-Ku xigeenka.

Hadaba siday u dhacday in dhacdadani oo kale dhacdo oo si aan naxariis lahayn looga soo gobolka xaga dambe oo Shiine iyo ciidamo aan la garaynay loo soo kaxaysto oo la daabulo Dahabkii iyo ciidi Daimondka ahayd,ee gobolka Awdal.Waa in ogaadan kuwa ku mashquulsan siyaasadda aan waxba jirin ee Boorama dhex socota.

Ummada Gadabuursi waxaan u sheegaya ee isu haysata Siyaasada Isaaqa ay gaarka isaga leeyihiin ee la baxday Somaliland,In sidii Shinada marka Malabkeeda la rabo qiiq lagu shido si ay u wareerto oo ay jihana u garan waydo,ka dibna Malabkeeda sidaa loogala  baxo iyaduna dabeed halkaa ku dun beesho. Ufiirso sida Gaboose inoo mashquuliyey iyo shiinaha uu soo dirsaday.

Waxan farayaa dadka degan deegaamada Hanqadha iyo degaanada kale ee gobolka in aanay u ogalaan cid kale inay soo galaan,ooay ilaashadaan macdantooda ,waa nasiib daro inay waxaas oo kale dhacaan.

Dareenka Ceelka.

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
%d bloggers like this: