CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

  • Blog Stats

    • 80,687 hits
  • Calendar

    October 2010
    M T W T F S S
    « Sep   Dec »
     123
    45678910
    11121314151617
    18192021222324
    25262728293031

Mashruucii Aqoonsiga Sland wuu soo Xidhmay maxaa Xiga. (What is Plan B).

Posted by Admin on October 2, 2010

 

(ceelka-Edmonton)in Ambassador Carson’s remarks  for U.S. engagement of Somaliland and Puntland: “We believe that we should follow the African Union position on this. We still recognized only a single Somali state. This is the position of the Africa Union, which is the most important and largest continental regional body.

Toddobaadki dhawaa waxa hadal ka soo yeedhay Xukuumadda Maraykanka ergayga u qaabilsan Afrika Johnie Carson.Isagoo hadalkiisa si wata  arimaha Somalida ayuu Si badheedha Carabka ugu dhuftay inaanu jirin wax xidhiidh Diblomasiyeed iyo Aqoonsi midnaba oo la siin doono labada gobol ee  Somalilad iyo Puntland.Hase yeshee laga caawin dono kaliya  mashariicda Horumarinta Biyaha ,Beeraha ,Caafimaaadka iyo Waxbarashada.(Carson said the U.S. would not establish formal diplomatic relations with the two entities or recognize their independence, but would help their governments with agriculture, water, health and education projects.)Waxa kaloo oo u sheegay inay la shaqayn doonaan Dawladda Shariifka iyo cid kasta ama qabiil kasta oo is habeeya kana hortaga Khatarta soo kordhaysa ee ururka Alshahaabaab.
Hadaba hadalkani waxa u meesha ka saaray rajadii mudada 20 ka sano Somalilad lagu maaweelinayey dadkeeda oo ah in ictiraaaf iman doono dhawaan ka dib doorashadii madaxtooyada oo si nabadgalyo ku dhamaatay.
Waxa hadaba la filayey ka dib markii hadalkaasi soo shaac baxay in warbaahinta somaliand ,Golayaasha,Dawladda  iyo axasaabta iyo dhamaan dadweynuhu ay furanto dood ku saabsan arintaas iyo sida mustaqbalka loo jihaynayo.
Hase ahaatee ma dhicin waxanad u muqatay in doodaas iyo arintaas umadii si badheedh looga leexiyey oo ay doodii todobaadkan noqotay Murankii dhex maray Xukumadda Hargaysa iyo Duqayda Reer Awdal oo weli socda.

haddaba inkastoo aan ka hadli doono muraankaas dhex maray Hargaysa iyo Awdal todobaadkii dhawaa oo gaadhay meel xasaasiya.Hadana waxan jecelahay in aan ka hormarsado doodaa muhiimka ee la iska indha tiray  ee ku saabsan mashruucii Ictiraafka Somaliland oo soo gabagaboobay.

Dawladnimadii Somaliya.
Waxa hadalka Mr Johnie Carsaon ka mid ahayd inuu cadeeyey in hal dawlad oo Somali ah oo kaliya la aqoonsanyahay lana aqoonsanan doono lakiin laba iyo sadex dawladood oo Somaliyeed oo la aqoonsadaa aanay jiraynin.
Dawladda imika la aqoonsanyahayn  ay tahay TFG oo Hal kiloomitir ka xukunta Xamar.
Arimahan iyi kuwo badan oo beryahan i sa soo tarayey marka aad u fiirsato ee ku saabsanaa
 mashruucii Aqoonsiga Somlilandoo  meesha ka baxay miyaanay haboonayn in la fakaro umaddana runta loo sheego isla markaana dawladnimadii Somaliyeedna an dhinaca qabsano.

Taladas rag badan oo u dhashay Somliland oo aqoonyahan iyo waxgaradba leh aya u guuxay madaama aanay Xamar dawlad loo dhanyahay imika aanay ka dhismi karayn.Waxana ugu horeeya prof:Ahmed Samter iyo Prof;Abdi Samater oo weligoodba u ololeynayey dawlad Somaliyeed iyagoo aad ugu soo horjeeday Kala go, umadda Somaliyeed.
Waxa hadaba imika ay u egtahay in fikirkoodii u dhaboobayo iyagooo weliba cadeeyey in meeshii nabad ah ee Somali ay iskugu imankarto laga dhaliyo dawladnimdii Somlaiyeed.Tasoo ay tageero laxaad lehna ay ka haystaan dawlado dhaqaale ku taageera mashruucaas hirgalintiisa.

Haddaba hadii ay doonayaan dadka Somaliland inay hantaan dawladnimadii Somaliyeed oo ah dariiqa kaliya ee lama huraanka  u ah jiritaankooda.Waa inay qaadaan talaabooyinkan:
1- Inay kow dood u furaan umadan ku saabsan mustaqbalkooda oo aan lagu maaweelin ictiraaf aan waxba ka jirin.
2-in Aqoonyahankii Dibadda joogay ee Somaliland ee  aminsana fikirka ah Somaliweyn dalka lagu casuumo oo ay hogaaminyaan Ilma Samater caleemo qoyanna lagu soo dhaweeyo.
3- in shirweyne  aqoonyahanka Somalliyeed  dalka lagu qabto ,tasoo laga arinsanayo qaabkii aan dawlad Somaliyeed oo loo dhanyahay loo dhisi lahaa.
4- In ay qoraan Dastuurkii iyo xeerarkii in kala hagi lahaa oo ka madhan gacan shiisheeye.
5- in ugu dambaysta la dhiso Dawlad Somaliyeed o oo ka kooban gobolada dalka oo ku siman  ilaa iyo Beledweyne.
6- in qaybaha koonfurta ee Alshabaab ay gacanta ku hayan oo ay Xamarna ku jirto loo daayo alshabaab si kumel gaadh ah sida Xisbu laahi koonfurta lubnan oo kale ay uga ilaliso Cadawga o kale.intii mudo ah ka dibna marka ay ogaadaan in aan gacanta cadawga iyo gabraaratadaaan  ka madaxbanaanahay way ku soo biiri donaan Dawladda.
7- In Calankii Buluugga ahaa ee Samada iyo arligaba laga aqoonsada Xoriyadii 60kii  welina la aqoonsanyahay aan soo celino.
8- in nacaybka la faafiyey ee umadda soomaliyeed lagu kala qoqobayey  la joojiyo ,laguna bedelo walaalnimo iyo is tixgelin.
9-Saddex magaalo madax ayaa lagu wadaa inay hawshaas fulinkaraan,madama caasimadii ay meesha ka maqantahay waa:Hargaysa,, Bosaaso,Borama

Haddaba hadii Xukuumadda Hargaysa iyo dhamaanba beelaha Somaliland ay indhaha iyo caqliga furiwaayan oo ay ku sii jiraan marxaladan imika,waxad ogaataan in dawladnimo aanay jireen isla markana aad ugu dambaysta noqon doontaan Qabiil qabiil u adeega Cadawga iyo Gabraaratada sida Cali baysteenka( North America Natives).

Muranka Awdal iyo xukumdda Hargaysa.

Waxa salaadiinta reer Awdal ay muujiyeen todobaadkan geesinimo iyo inay ka hadlaan danta gobolkooda si cad oo aan gabasho lahayn.Taasi waxay keentay in xukumaduu aanay dhayalsan ee si deg deg ah ay isla galabtiiba u soo dirto Wasiirkii gudaha Mr. Gaboose.Waxay taasi baajisay mudharaad ay dad wax ku noqon lahayeen.lakiin arintii muranka dhalisay weli way taagantahay inkastoo Gaboose odayasha u sheegay in Madaxweynuhu dooonayo inay is arkaan oo ay ka wada hadlaan cabashooyinkaas o dhan.
Arinta General Xudhuun odayaashu way ku qumanyihiin inay diidaan wayo General Maxameed Xudhuun arinta sababta looga dhigtay bedelkisa dembi kuma laha.Hase yeeshee Nuux baasto taliyaha ciidan beeledka Hargaysa oo ay mudaba is hayen ayaa Siilanyana ku tageeray.
Dhinaca amanka gobolka Awdal iyo Salal General xudhun aad ayuu u sugay oo lagu seexday oo lagu soo toosay mudadii shan iy tobanka sano ahayd e uu taliyaha ka ahaa gobollada galbeed iyo xeebta.Waxa uu walaleeyey dadkii xeebta wada dagayey ee ciise iyo Gadabuursi oo isaga hortii la dhex dhigay colaad.Dhiig kuma daadan dhulkaas mudadaas dhib iyo qaylana kama  soo yeedhin,hase ahaatee Dila iyo Gabiley dhexdoda wixii ka dhacay waa lawada ogsoonyahay,Nuux Baasto waa ninka degaankii uu  u dhashay amaankiisa sugi kariwayey ee dad qalatadu ka dilaacday.Malintii uu maydki lagu  qashay Kalabaydh uu  ka soo qaatay tolkii iyagoo haysta hantidii iyo baabuurti ay dadka ka dhaceen iyagana halkoodii uu kaga yimid waxa la filayey  in Madaxweyne Rayale xilka ka qaado.Laakiin ma dhicin. Rayaale daacad uma ahayn nuux baasto  oo ahkiro ayuu u diray colaadda ceelberdaale ee tolkiina isaagaa ka dambeeyey o ku taagerayey.Silanyana daacad uma aha oo xeeb iyo galbeed inuu Ceelberdaale iyo Dila iyo gabiley amaandaradii uu ka sameeyey mid leeg inuu ka sameeyo ayuu doonayaa oo Ciise iyo Gadabuursi isku dhufto.
Odayaashu Samaroon arinka amaankooda inay  Nuux Baasto iyo nin kale J-Abokor oo nuux baasto wato ay ka yeelan maaha.
Rag waa laga bedelay Awdal sida gudoomiyihii gobolka iyo Taliyihii Boliska,laakiin waxa lagu bedelay rag Samaroon ah .Sidoo kale Xeebta nin aan Samaroon ahayn amankeeda ma sugi karo.Nuux baasto iyo J-Abokor oo aan is haynana hadalkooda ba daa.Sidaa awgeeed waa inay amaankooda anay cadawga u dhiibin xata hadii General Xudhun meesha ka baxo.

Mohamed dirane

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
%d bloggers like this: