CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

  • Blog Stats

    • 80,687 hits
  • Calendar

    September 2010
    M T W T F S S
    « Aug   Oct »
     12345
    6789101112
    13141516171819
    20212223242526
    27282930  

ANUU BAA HAWAAWIYEE GADABUURSI BAA GEERI LOO HUBIN.

Posted by Admin on September 15, 2010

ANUU BAA HAWAAWIYEE GADABUURSI BAA GEERI LOO HUBIN.

Ceelbardaale(BULA-CADO)Waxan kaa yaabin kama hadashid,waxaan ka yaabay,waxa yaabo badan oo maalmahan dambe ka soo baxaya degaankii Xeebaha Galbeed ee gobolka Awdal.Madaxda Somaliland gaar ahaan kuwa Samaroon,beenta iyo wanjalaha durba la bilaabay,waxa ka dambeeya reer hebel iyo hebelo.

Waxanse ka sii yaabay goorma ayay degaankii Gadabuursi ee Ethiopia uu noqday dhul Ogaadeen oo uu ku hadaqaayo ninkii Kililka Madaxda ka ahaa iyo kii ONLFta madaxda ka ahaa waxay ku dhawaqayaan Ogadeeniya, hadaba waxa yaaba aaway dadkii gadabuursi,ma maanta ayuu Ogadeen darajo ku qaadanayaa,oo intay iskala qaybiyeen badhna Budhcad noqdaa badhna Madax Somaliyeed ee itoobiya sheegta oo darajo iyagu isku qaadanayaan.

Marka doorasho ama tiro koob la qaadayo waxa la yidhaa gadabuursi waxa footeeyay 250.000 kun,marka tiro laga hadalanaya waxa la yidhaa gadabuursi waa 500,000 kun,waa yaab.aaway hada halkuu jiraa ma Ogadeen buu ku biiray.

Waxan kale oo Gadabuursi garan waayay in Ogaadeen maanta wax waliba ku haysta Ethiopia ay dagaal kula jiraan Dawlada Ethiopia,iyaguna ay yihiin kuwa daawanaya ee xeebahoodii laga soo dagayo ee dhulkoodi lagu dagaalamayo,ee maantana xadadkii laga xidhanayo.

Waxan rabnaa cid beenisa ninka Ogadeen ee Onlf u hadlayay ee lahaa Gobolka Jigjiga iyo Shiniile waxa ka dagaalamay Onlf iyo Ninka Jigjiga madax waynaha ka ee darajada tolkii sii siiyay ee u haysta inuu BaytulMaqdas xoreeyay ee ,waxan xasuusta gabaygii Cali Tadhase ee ahaa << OGAADEEN DILAALNIMADII MIYUU SUBAX DIIN KEENAY>>.WAxaad dawataan please website  www.cakaaro.com waxaa arki Video clips laga soo duubay raga la soo qabtay ee ONLF,waxa laysku haystaa waa dhulkaagii iyo xeebahagii,waa madaxda Gadabuursi ee KILILKA iyo Federalkuba arintan ka hadlaan  si degdeg ah.

Gabagabo waxan leeyahay raga baaruurta watay waa dad aan dambi lahayn oo aan ogayn waxa ay qaadayaan waxa lagu yidhi waa Koontrabaan,ka dibna waa la afduubay,hadaba raggaa iyo gaadiidkooda waa in la sii dayaa,taasina waxa xaqiijinaya raga la qabtay oo sheegay inaanay jirin cid war u haysay waxa yihiin gacana siisay.

Gadabuursina ha tashado oo hurdada ha ka kaco hana ogaado inuu meel istaatiiji ah uu Ilaahay ku abuuray oo cid wax ka qaadaysaa jirin.

Hooy Gadabuursow ama dhulkiina ka muuqada ama ka maqnaada.

Sidani si ma hee .

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
%d bloggers like this: