CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

  • Blog Stats

    • 80,701 hits
  • Calendar

    August 2010
    M T W T F S S
    « Jul   Sep »
     1
    2345678
    9101112131415
    16171819202122
    23242526272829
    3031  

Qabanqaabada Shir Arrimaha Somalia Ah iyo Qorshaha Lala Damacsanyahay Somaliland

Posted by Admin on August 28, 2010

 

Professor Axmed Ismail Samatar Iyo  Prof:Cabdi Ismaiil Samater oo Hormood u ah Qorshaha kor ku xusan.

Waxaa Magaalada Djibouti bishan September dhammaadkeeda 2010 ka dhici doona shir ay iskugu imanayaan Aqoon yahanno , Siyaasiyiin , iyo wax garad Somaliya oo ka kala imanaya adduunka. Shirkaas oo ay maal galinayaan Kuwait iyo Dawlado Carbeed waxyaalaha lagaga hadli doonaa waxaa kamida 4-tan qodob.
1 . in halkaa lagaga dhawaaqo in Dawladda Sheikh shariif fashilantay loona baahan yahay in Dawlad Cusub loo soo dhiso Somalia
2 . in dawladda cusub ee Somalia loo soo raro Somaliland, Somalilanders gacantana laga geliyo dawladda Somalia guud ahaanba
3 . in Caasimadda Somalia laga dhigo Hargeisa kadibna dhammaan Hay’adaha iyo Safaaradaha adduunka la dejiyo Somaliland
4 . kadib in Somaliland Caalamku dib ugu soo dhiso  lacag dhan $ 600 oo milyan oo doolar
Shirkan waxaa maal galinaya dawladaha Carbeed gaar ahaan dawladda Kuwait . Warar xogogogaal ah oo laga soo xigtay aqoon yahan ka qayb galaya shirkaasi wuxuu sheegay in qaban qaabada shirkaasi soo socday muddo dheer . Warar kale oo xogogaalihina waxay cadeeyeen in Dawlado kale oo Carbeed ay iskood u maalgalinayaan siyaasiyiin Somaaliyeed sidii xilka ay ugala wareegi lahaayeen Sheikh shariif.
Ujeedada Shirkan oo ahayd ” Counter Strategic ” Qorshe ku wajahan doorashada Somaliland waxaa loogu talo galay in rayiga Caalamka lagu mashquuliyo si looga sii jeediyo Caalamka Ictiraafka Somaliland haddii doorasho xaq iyo xalaal ahi ka dhacdo Somaliland oo soo dhaweyn karta Ictiraafka Somaliland. Qabanqaabada shirkaasina wuxuu ka bilaabmay dalka Maraykanka.
Aqoon yahanada dejiyey qorshaha shirkan waxaa ka mida  Professor Axmed iyo Cabdi Ismaciil Samatar , Professor Afyare Abdi Elmi oo wax ka dhiga Qatar University, Prof Maxamed Cabdi Gaandi Wasiirkii hore ee difaaca ee Soomaaliya , Siyaasiyiin iyo aqoon yahano kaloo badan oo ka soo jeeda Somaliya kuna nool qurbaha. Waxay qorshahoodaa u ban dhigeen , Maraykanka , Ingiriiska, Europe , UN-ta iyo dawladaha Carbeed. Qodobka ugu muhiimsan ee ay ku andicoonayeen nimankaa aqoon yahannadu  wuxuu ahaa in dawladda Somalia ay fashilantay , sida kaliya ee Somalia dawlad loogu dhisi karaana ay tahay in Dawladda Somalia  guud ahaanba gacanta loo geliyo Somaliland , Somaliland-na Caalamku dib u soo dhiso , Caasimadda Somaliyana laga dhigo Hargeisa.  waxaa qorshahaa qaatay Qaar ka mida dawladaha Carbeed oo ay ka mid yihiin Sudan , Masar , Qatar , Kuwait iyo Saudi Arabia oo ka soo horjeeda gooni isku taaga Somaliland. Taas ayaana keentay inay bixiyaan lacagta ku baxaysa shirkaa la filayo inuu ka dhaco Djibouti  oo ahayd halkii markii hore lagu soo dhisay dawladda Sheekh Shariif iyo kuwii ka horeeyeyba.
Waxaa jirtay in Jariiradda Alsharq Awsad ee Afka Carabiga kaga soo baxda Magaalada London ay qortay ” Secret Memo ” Warqad sira 01.08.2010 oo ku saabsan wada hadalkii uu la yeeshay Sheekh Shariif Madaxda Carabta Bishii July 2010  iyo wixii lagula taliyey oo ahayd inuu si sira isaga oo aan ogaysiin dawladaha reer Galbeedka ula heshiiyo Jabhadaha Islaamiyiinta ee dagaalka kawada Somaliya , maadaama aanay jabhadahaasi aamini karin dawladaha reer Galbeedka , Saudi Arabiya , Sudan , Masar iyo Qatar-na ay dawladda Sheekh Shariif ka caawiyaan heshiiskaa . Waxaa kale oo taladaa ka mid ahayd in Madaxweyne Sheekh shariif faraha ka qaado Somaliland Dawladaha ay xidhiidhka wanaagsan la leedahay oo la tuhunsan yahay inay ka mid tahay dawladda Ingiriisku , oo Sheekh Shariif cabasho iyo walaac ka muujiyey xidhiidhka wanaagsan ee sii xoogaysanaya ee ka dhaxeeya Somaliland iyo Ingiriiska, kadib doorashadii Somaliland oo Ingiriisku gacan weyn ka geystay.
Waxaa jirtay bishan an soo dhaafnay in Masuulka cusub ee UN-tu u soo magacawday Arimaha Somalia  Ambassador Augustine Mahiga uu Nairobi kaga dhawaaqay in Xafiisyadii UN-ta ee Arimaha Somalia qaabilsanaa loo soo rari doono Puntland iyo Somaliland , qorshahaas oo la tuhunsan yahay inuu dabada ku hayo waano UN-tu ka heshay aqoon yahannada qabanqaabinaya shirka dhawaan ka dhici doona Djibouti .

Qalinkii : Dr Mohamed Abdo
Kensington & Chelsea , London , UK
mohamed-abdo@hotmail.co.uk

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
%d bloggers like this: