CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

  • Blog Stats

    • 80,687 hits
  • Calendar

    August 2010
    M T W T F S S
    « Jul   Sep »
     1
    2345678
    9101112131415
    16171819202122
    23242526272829
    3031  

Free Cabdoo Shoode And Axmed Xuseen (Sitiin)

Posted by Admin on August 28, 2010

Ceelbardaale-Boorama-2010-08-28-Waxan codsanaynaa anaga oo ku hadlayna magaca dhalinyarada Reer Awdal gaar ahaan Boorama ,in sida ugu dhaqsaha badan loo soo sii daayo,labo siyaasi ee kala ah Cabdoo Maax Faarah iyo Axmed Xuseen Xasan,oo lagu xidhay waxa ay ka mid yihiin baarlamanka dawlada Somali wayn,hadaba inaga oo og awalba inay nimankan iyo in kaleba joogi jireen Boorama xilaydii dawladii Rayaale wax ay dhimi jireena aanay jirin oo ka soo horjeeda Somaaliland,maanta ma waxa la leeyahay waxa dhacay Rayaale ee Gadabuursi ha la is hambo raacsho tusaalena ha looga dhigo wax walba oo Somaliland ka dhaca.

Ogow oo Hargaysa waxa jooga dhamaan dawladii sheekh Shariif  wixii Isaaq ku jiray oo dhan xataa waxa jooga Ashabaab cid xidhaysa iyo cid wax odhaynsaa ma jirto,waxa la yaab leh sida dadka reer Boorama uga hurdaan hal doorkooda xidhan oo aanay ugu soo bixin wax jawaab ah iyagoo cabiraya in ka xun yihiin xadhiga xaq darada ah ee lagula kacay labadan siyaasi oo rag Gadabuursi Activiest kana cararay oo ka doortay inay ka tagaan Nidaamka Isaaqaysan ee Waqooyi Galbeed ka jira.

Hadab gabagabo waxan ka Codsanyaaa Dhamaan Saladiinta Gadabuursi in shir jaraa’id qabtaan oo ka hadlaan,xadhiga siyaasiyiintan reer ee Xabsiyada loo taxaabay ,si dhaqsa ah ugu  dalbaan in la sii dayoo oo xoriyadoodii loo soo cesho ama la horkeeno cadaalad iyo waliba qalbiga ku haya in kuwii Isaaq Hargaysa iyo Burco joogan iyaga oo ka badan sodomeeyo xildhibaan iyo wasiirba.

Gabagabo hadaan la soo dayn sida ugu dhaqsaha badan Siyaasiyiinta xidhan ee ku xidhan xaq darada iyo oo aan waxba galabsan, waxa dhaca waxa ka masuula kuwa xidhay ee u haysta in waqooyiga Galbeed wax dawlad la yidhaa ka jirto.Oogwna nin waliba reer buu noqon oo uu ka soo jeeda,arinkuna noqon maayo iska xidh amaba ku day.

Waa in loo soo daayo sida ugu dhaqsaha badan.

FREE CABDO SHOODE FREE SITIIIN.

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
%d bloggers like this: