CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

  • Blog Stats

    • 80,687 hits
  • Calendar

    August 2010
    M T W T F S S
    « Jul   Sep »
     1
    2345678
    9101112131415
    16171819202122
    23242526272829
    3031  

War aan gun lahyn oo daandaansi ah oo kasocda Gabilay nala akhrista

Posted by Admin on August 26, 2010

Waxan hoos ku qoran wuxuu yahayba oo ay shabakada Gabilay News ku magacowday badheedhaheeda ayaa waxa ka muuqata nacayb iyo isku dir. Waxaan la yaabnay qoraalkan aan murti iyo run midnaba lahayn ee bal nala akhriya..

Aug.26 – (Ceelbardaalenews)-Inkasta oo ay deg degt tahay dhaliilo iyo dhaleecayn korka looga tuuro dawalada cusub oo hadda uun bil jirsatay, ayna hubaal tahay inay meelo badan u baahanyihin wadatashi iyo in laga fiirsado wakhti ku filana la siiyo hadana waxaan indhaha laga qarsan karin arrimo amaandaro horleh abuuri kara oo baryahan dambe si xawli ah uga socda gobolka AWdal.

Xukuumaddu waxay durba qaaday talaabooyin hor leh oo dhinaca dhaqaalaha ah laakin waxa iyana taasi ka sii muhiimsan oo laf dhabarta nolosha ah dhinaca Amaanka iyo Nabadgalyada guud taasi oo aanay la,aanteed dawladi inay jirto macquul ahayn.

Hadaba waxa muuqata inay waxoogaa gaabis ku jiraan hay’addaha dhinaca amaanka oo u baahan in si deg deg ah loo dar dar galiyo, waxanan la soconaa in gobolka Awdal ay olole ka bilaabeen kooxo u jeedo fog xambaarsan oo kawada halkaas shirar doceedyo laga dhabar jabinayo Qaranimada somaliland isla markaasna loogu hanqal taagayo somaliweyn.

Hadii aynu kooxaaas waxa ka taabano waxa kamid ah:

1.Saraakiil iyo Xildhibaano ka tirsan Barlaman ku sheega Somaliya oo ay u gacan haadiyeen kooxo iyo shakhsiyaad liddi ku ah qaranimada somaliland oo hadda ay suurto gal u noqotay inay gabaad ka dhigtaan Gobolka Awdal.

2. Kooxo wakhti hore ka jabay iyo qaar ka tirsanaa Xukuumadii Madaxweyne Rayaale oo gobolkaas kawada Olole ka dhan ah Somaliland oo lagu dhiiri galinayo laguna wacdinayo inay Awdal Samaysato Maamul Goboleed u gaar ah.

3. Qaybta Sadexaad oo ah koox Aqoonyahano gobolkaas kasoo jeeda oo ay horgalayaal u yihiin Ilma Ismaciil Samatar oo la magac baxay AWDAL TOL COUNCIL kuwaas oo hore u dhigtay Baroosinka gobolka Awdal hadana aad moodo inay heleen jaanis ay fikirkooda somaliweyn kaga faafiyaan gobolka kana raaridaan dadka inay samaystan waxay ugu yeedhen Ismaamul u gaar ah oo layidhahdo AWDAL LAND, dad badan ayaana is weydiinaya laab lakaca Reer awdal ee somaliweyn halka uu sal dhigan doono

Intaas waxa iyana soo raacda kooxo dimiimeed aan sal lahayn dhinaca ku haya kuwo dawlada ka agdhaw oo u hanqal taagaya kuwa ka dagaalamaya Somaliya, ayna u sahlanaan karto inay ka midho dhalin karaan damacooda guracan ee xagjirnimada iyo maamul doonka ku dhisan.

Isku soo wada duuboo arrimahaas aan kor ku sheegnay iyo kuwo lamid ah oo ka socda Awdal iyo meelo ka mid ah Somaliland waxay soo dedejin karaan cimriga dawlada cusub hadii aanay ka qaadan talaabooyin adag oo hor leh.

dhinaca kale waxa wax aad loola yaabo noqotay in Taliyihi dhanaa ee ciidanka policeku aanu ka war iyo wacaal ahayn Nabad galyada Wadanka isaga oo markii shalay la waydiiyay inuu ka war bixiyo Kooxda Barlamanka somaliya ka tirsan ee Awdal timid oo ku tilmaamay war aan jirin oo been ah ilaa uu cadeeyay arrintaas Badhasaabka iyo taliyaha qaybta Policeka Gobolkaas AWDAL, wuxuna taliyaha Booliska Mr SAQADHA isku markhaati furay naanaystihii hore ugu baxday ee ahay TALIYE WAR MOOGE.

Guntii iyo gabo gabadii xukuumadda waxa la gudboon inay dardar galiso ajandaayaasheeda dhinaca amaanka qaranka.

BADHEEDHAHA GABILEYNEWS: laab lakaca Somaliweyn ee ka curtay Awdal xaguu saldhigan doonaa!

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
%d bloggers like this: