CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

  • Blog Stats

    • 80,701 hits
  • Calendar

    August 2010
    M T W T F S S
    « Jul   Sep »
     1
    2345678
    9101112131415
    16171819202122
    23242526272829
    3031  

Mudaharaadki Boorama iyo Halka uu Salka ku hayo.

Posted by Admin on August 3, 2010

August 03 – (alnuur)-Warsanmag-Waxan ku noolahay Caasimadda gobolka Awdal ee Borama.Waxanan aad iskugu hawlay bal inan idiin soo gudbiyo xaqiiqooyin ku saabsan
Mudaharaadkii Borama ka dhacay todobaadkii dhoweyd ee lagu diidana dhismaha Xukumadii U soo dhisay Madaxweyne Siilanyo.Waxa aan shaki ku jirin Samiga ay ka heleen Xukumadaas icusub (Wasiirada) Reer Awdal inuu aad u yaraa marka loo eego baaxadda Beelaha ku nool Gobolka oo Weliba waayey Jagadii dalka ugu muhiimsanayd oo ah Madaweynaha oo ay muddo 8 sanadood soo hayen.

Waxa runtii Madaxweynaha Cusub laga filayey inuu Beshiisa dhexe Qadiyo haday cidi qadayso Sidii Rayaale Yeelay ee u qadiyey Beeshiisa isagoo weliba Sameeyey 50 wasiir oo beesha dhexe ah.Cidina ma filayn in beelihii darifyada la qadiyo oo beesha dhexe ay Qaadato golihii Wasiirada 75% oo ay ku jiraan Lixdii Wasaradood ee ugu muhiimsana.Sacad Muuse oo ka kooban afar (J/Abokor,Xuseen/Abokor,Abdale/Abokor, iyo Ugaadh/Abokor) oo u dhigma Yoonis Muse oo ka kooban afar (Nuur Yoonis,J/yoonis,Aden/Yoonis iyo Cali/Yoonis) ayaa Sami uhelay ugu yaraan Afar Wasiir oo ay ku jiraan Wasiirkii Maaliyadda iyo Arimaha Dibedda.Halka Yoonis Muse oo lahaan jiray (Madaweyne J/Y, Wasiir R/NUUR iyo Wasiir ku xigeen Aden/yoonis) dawladii hore uu imika Saami u helay Hal wasiir oo kaliya R/nuur.
Makahiilkii kale isna hadalkiiba daa waxba kama ay helin xukuumadda cusub. Waxay uqatanyihiin Sidii Rayaale Uqadiyey, Maxad case la mid. Waxa intaa soo raaca hal Wasiir oo ay heleen habarcarfaan.Madweynaha siilanyo iyo M/xigeenka Saylici Golaha wasiirada kuma jiraan oo cidna loo tirin maayo waa u dhex Sland oo dhan oo iyaga waa la doortay.

HaddabaTusaale ahaan : markaad Yoonis Muse iyo Sacad Muse oo isku dhigma tiro iyo tayaba aad isgarab dhigto Saamiga ay kala heleen xukuumadan Cusub waa kaaf iyo kala dheeri,Waxanad halkaas ka garan taa in Madaxweynuhu uu eexday amaba uu Qaldamay.Haddaba markuu arinku sidaas u dhacay ee la arkay gefka Xukuumadda cusubi ka gashay Samaroon.Waxa haboonayd in la maro jidka aad garta ku helayso oo ah in Madaxweynaha gar loo dhigto oo ay utagan Duqay iyo waxgarad Samaroon oo dhan ka kooban oo madaweynaha la hor dhigo halka ay gafka ka tirsanayaan.Iyagoo Siinaya Tusalahaas aan kor ku soo sheegay Sida Sacad Muse oo 4 Wasiir leh iyo Samaroon oo dhan laba Wasir leh.Waxa Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisaba la weydiin laha sababta ay sidaas u dhacday ????.

Waxan hubaa in Samaroon Madaxweynaha ka gar heli lahaa.Kadib uu garawsanlahaa madaxweynuhu gafkaas,ka dibna uu wax ka qaban lahaa. Hadii Madaxweynuhu Garta qaadan waayo!!!! inkastoo aanan filayn. Duqayda Samaroon Talo kale ayey iskuugu noqon lahaayen.Waayo Madaxweynuhu maaha mid xukun milatari ku yimid ee waa mid tageero shacab u baahan oo doorasho galaya dhawan tii Barlamanka iyo Tiisiiba Shan sano ka dib.Waa Madaweyme Ictiraaf Raadis oo dhawraya sumcadii wanaagsanayd ee S/land ku heshay habkii ay doorashadu u dhacday oo ahaa mid amaan badan lagu helay.Waa Madaxweyne gobolka Sool iyo Sanaag ee bari ay colaadi kaga furantahay oo jecel in Galbeedka S/Land uu nabad ahaado.

Haddaba iyadoo weli arimahaa saluuga Saami qaybsiga xukuumadda Suaalo la iska weydiinayo? guud ahaanba gobolka Awdal iyo Salal iyo sidii wax looga qaban lahaa ama talabooyinkii ku haboonaa wax ka qabashadooda.Ayaa Mudaharaadkii dhacay Subaxnimadiiba ,waxan arkay dhalinyaradii iyo haweenkii oo maraya suuqa Borama iyagoo muujinaya erayo ay ku saluugsanyihiin Saamiga Xukuumadda cusub ay ka helen Samaron oo ay ku tilmaayeen wax aan la qaadan karayn.Waxan filayey marka mudaharaadka oo si nabad ah u dhacay dhamaado in hogaankii ama madaxdii soo abaabushay mudaharaadkan ay soo baxan,ka dibna ay shir jaraaid qabtaan oo ay sheegaan Badheedhahooda.
Cid soo baxda lama arag dadkuna waxay bilaabeen inay is weydiyaan ayaa arintan soo abaabulay iyo yaa hogaaminaya ??

Maalintii labaad subaxnimadedii ayaa hadana dhalinyaradii ay ku cesheen Mudaharaadkoodii.Dabcan dhalinyaradu waxa ay saluugsanyiihin waa wax jira ,laakiin habkan mudaharaadka iyo hogaan la,aantan waxay kaynaysay in dhalintii iyo ciidamadu amaanku ay isku dhacaan ugu dambaysta khasaare dhimasho iyo dhawaacba leh uu dhaco.

Duhurnimadii maalintii labaad ayaa odayaasha iyo General Maxamed xudhun ay dhalintii la hadleen oo u caqli celiyeen una sheegeen in cabashadooda ay Mudantahay in Gar loo dhigto Madaxweynaha ku saabsan arintan saamiga golaha hase yeeshee mudaharaadka lagu dagdagay.Waxa kaloo Canaan ay usoo jeediyeen kuwa ku dhuumanaya dhabarka dhalinta yar yar ee waayey raginimo ay isku muujiyan. kuwasoo doonayey inay rasaastu dhacdo oo dhalintu dhimato oo dhiigu daato oo Madaxa la iskugu dhufto Xukumadda Cusub iyo Awdal.

Waxa sida aan wararka ku helay isoo gaadhay inay ragaasi ka tirsanaan jiren Xisbiga Kulmiye ee talada haya wakhtiyadii hore.Sida wararku sheegayaan ma aanay doonayn wax xal ah oo dhex mara xukuumadda iyo Awdal waayo labadaba aad unecebyihiin.1991 waxay ka qayb qaateen dhagartii ka dhacday Dila iyo Borama ee Samaroon lagu laayey iyagoo kaliya eegaya inay dhiigga Tolka Mansab ku helaan sida imikaba dhiigga dhalinta ay ugu doonayeen inay masab ku helaan ay hore u waayen.

Waxa dhalintu ay waten calamo astaan u ah Gobolka Awdal oo ah Buluug iyo Cadan ah oo inta badan dhalinta qurba jooga reer Awdal ay ASTEEYEEN KUNA XARDHAaN SHABAKADAHOODA.Waxana arintu mudaharaadka loo ekeysiiyey in ay abaabuleen Qurbo jooga Reer Awdal.Gaar ahaan Hogaanka Tolka Gadabuursi oo dhawaan uun la sameeyey,Tol leadership Council(TLC).

Markii an u dhaba galay hogaanka cusub ee TLC waxan ogaaday in hogaankaas dhawan uun la sameeyey welina anu haysan awood uu abaabul ila mudaharaad gaadha aanu samayn karayn.Kadib laba shir oo ka dhacay Minesota USA iyo Gatinau Ottawa Canada.Waxa ay keliya ku guulaysten inay ka jawaabaan su,aasha ah Hogaan la,aan Haysata beelaha samaroon ee qurbaha jooga.Waxa keliya e imika ay ku hawlanyihiin waa uun cilmi baadhis (Research ) sidii hogaankaas Tolka TLC looga dhaqan gelin lahaa dhamaan goboladaas Geeska Africa ee Tolka Gadabuursi deganyahay.

Faarax Geelle

Borama

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
%d bloggers like this: