CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

  • Blog Stats

    • 80,687 hits
  • Calendar

    July 2010
    M T W T F S S
    « Mar   Aug »
     1234
    567891011
    12131415161718
    19202122232425
    262728293031  

Inta Aanad Gadabuursow Garaneyn, Goloyaasha aad Saqiirka Ku Tahay, Ayaa Baanad Garanayen, Guushaadu Waxey Tahay.

Posted by Admin on July 30, 2010

Waa XIGASHO (CAMUUDNEWS)Xuun baa beri u yimid Shini Malab sameyneysa, Markaas buu Xuunkii Shinidii ku yidhi Waxaan kaa codsanayaa in aad i barto habka loo sameeyo Malabka, Shinidii baa Xuunkii ku tidhi oo ma waxaad iigu timid maanta in aan ku baro sidda aan Malabka u sameeyo, wuxuu yidhi Xuunkii Haa, Waxay Shinidii ku Tidhi Xuunkii waayahay ee waxaad soo qaadaa Biyo, Xuunkii baa yidhi waayahay ka dibna inta uu labadiisa baad kala furey duuley wax yar ka dibna waxa meeshii Shinidu joogtey uu keeney Biyihii ay u dirtey, Markaas bey hadana Shinidii Xuunkii ku tidhi waxaad soo gurtaa Ubax (Flowers) Halkii ay siddii markii horre oo kale ka sugeyso waayahay ayuu Xuunkii Shinidii ku yidhi iska daa immikaan gartey waxa aad Malabka Macaan aad ka sameyso dabadeedna waa duuley Xuunkii isaga oo aan dhameysan Cashiradda lagga barto habka loo sameeyo Malabka, Maalintaas ka dib Xuunkii waxaa ku dhacey Jahwareer, Jiho kasta ayuu u duuley ilaa iyo Maantana wali muu garan Habka loo sameeyo Malabka, Taas waxaa ka daran Xuunku meel kasta oo uu galo waa lagga neceb yahay, Guri buu gali waa lagga saaraa, Geed buu ku hadhso odhan waa lagga kiciyaa, Gidaar buu ku gabani waa lagga duuliyaa, Xuunkaas daal uma hadhin, waayo intaas oo dhan waa duulayaa, Xiin buu kicinayaa walina meynu arag Malab uu sameeyey.

Hadaba waxaan sheekadaas ka waddaa markii ay Bur burtey Dawladdii Dhexe ee ka talin jirtey Somalia ayaa 1991-kii Magaaladda Burco looga baaqey Waxgaradkii, Aqoonyahankii iyo indheer garadkii Reer Awdal, waxaa laggu yidhi Maanta lagga Bilaamo weynu Go,ney, markaas bey Hormuudkii Reer Awdal ee shirkaa ka qeyb galey yidhaahdeen oo ma Gooni baan isu taagney, Markaas baa laggu yidhi Haa waa siddaas ee la socda, Waxaana intaas loogu darey Dawlad la yidhaahdo Somaliland ayaan ku dhawaaqney taasna maankiina gasha, Hadaba Halkii Hormuudkii Reer Awdal ee shirkaa ka qeyb galey lagga sugayey su,aasha ah Saami qeybsigeenu siduu noqonayaa? ayey Siddii Xuunkii yidhaahdeen iska daa immikaan garaney waxa aad noogu yeedheen dabadeedna Burco ayey ka soo boqooleen iyagga oo aan sugin Qaabka loo qoondeeyey Saami qeybsigga Kuraasta Goloyaasha Somaliland, markaas bey Borama yimaadeen iyagga oo Rayn Rayn iyo Farxad foolashooda ka muuqato dabadeedna Bulshadii Reer Awdal ee Borama joogtey ayey ku war galiyeen Bishaaradda ah, Maanta lagga Bilaabo Waxa aynu ka mid nahay Maamulka Somaliland.

 

Dunidda korkeeda intaan joogey Sheekaba Sheeko ka daran baa Duhnigeyga soo martee, sidda ay Damiirkeyga la tahay Sheekadani maanta taagan waxa weeyi Dadka Reer Awdal oo 20 Sanno la mid ah Xuunkaas aan korka kagga soo sheekeeyey, habase haatee Waxaan Taariikhda dhaxal galka ah ee aan Tolka Maanta kagga tagayaa ay tahay, Tiraabta ah: Tabaabushuhu waa Nin iyo Nasiibkii, Taashka Sharaftana adaa iska Tuuree Taaha Yareyso Tixdan Qaaligga ahna iga qabo, Balanteenuna waa Marka aad soo Barato Habka loo Sameeyo Malabka Macaan.

 

 

Inta aanad garaneyn Gobanimadu waxey tahay

Inta aanad garaneyn Gurmadkaagu wuxuu yahay

Inta aanad garaneyn Garaadkaagu halkuu yaalo

Inta aanad garaneyn Garabkaaga waxa jooga

Inta aanad garaneyn Geesta aad beri u socoto

Inta aanad garaneyn Gacmahaaga waxa ku jira

Inta aanad garaneyn Garashadaadu halkey jiifto

Inta aanad garaneyn Galdaloloyinka aad leedahay

Inta aanad garaneyn Gurcudkaad gudeyso wayadan

Inta aanad garaneyn Gayigaga gabax yidhi malmahan

Inta aanad garaneyn Garbo raarka faalka kuu baxey

Inta aanad garaneyn Girgiraha kugu shidan saaka

Inta aanad garaneyn Gucundhada ku hoos wadhan

Inta aanad garaneyn Garaa,idka birta kugu xeeran

Inta aanad garaneyn Guhaada xarago beelka ah

Inta aanad garaneyn Galeydhka iftiin sii dumaya

Inta aanad garaneyn Gardarada ku guud furan

Inta aanad garaneyn Gumaadkii laguu geystey

Inta aanad garaneyn Geerida kugu gadaaman

Inta aanad garaneyn Geedkii laguugu dhabarey

Inta aanad garaneyn Goobtii lagugu gowracey

Inta aanad garaneyn Geesiyaashii kaa baxey

Inta aanad garaneyn Guntadey dhoola tuskaa

Inta aanad garaneyn Garan waga diley sharaftaa

Inta aanad garaneyn Giigsanaanta goob dagaal

Inta aanad garaneyn Goor dambe raali la cararka

Inta aanad garaneyn Gar loo gale gube markhaati

Inta aanad garaneyn Gurmo’go hadal gudhey kaliil

Inta aanad garaneyn Gudin dhaca geed Ergo laalush

Inta aanad garaneyn Gunuunuca gefka ku xardhan

Inta aanad garaneyn Googaaleysiga xulad shidka ah

Inta aanad garaneyn Gawsahaa laxowgu garaacayo

Inta aanad garaneyn Garbo duub xadhig u xidhankaa

Inta aanad garaneyn Garsoorka jiran ee kaa sii jeeda

Inta aanad garaneyn Guddigii gar eexo gogosha laab

Inta aanad garaneyn Golayasha aad saqiirka ku tahay

Inta aanad garaneyn Galad sheega fooraha sirgaxan

Inta aanad garaneyn Garab yaal damac ugaadhsade

Inta aanad garaneyn Gafuur taaga tuurta wabarisadey

Inta aanad garaneyn Gobolada aad degto qiimahooda

Inta aanad garaneyn Gayi lagu dhaxo inaad tahay

Inta aanad garaneyn Gogol lagu gam’o inaad tahay

Inta aanad garaneyn Gashi lagu dhargo inaad tahay

Inta aanad garaneyn Gama’a haben waxa kuu diidey

Inta aanad garaneyn Gadhka dhiiga waxa kuu darey

Inta aanad garaneyn Garaadka gabaygaygu wuxuu rabo 

Ayaa baanad Gadabuursow Garaneyn Guushaadu waxey Tahay. 

 

Curiyaha Sheekadda

Abdirasaaq Hammaal

Senior Camuudnews Editer.

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
%d bloggers like this: