CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

  • Blog Stats

    • 80,687 hits
  • Calendar

    July 2010
    M T W T F S S
    « Mar   Aug »
     1234
    567891011
    12131415161718
    19202122232425
    262728293031  

Xukuumada Cusub oo laga Saluugay Saamiga golaha laga siiyay Awdal loogana Arkay in ay tahay Xukuumadii Mahadnaqa

Posted by Admin on July 29, 2010

Shirar iyo Abaabul Mucaaradeed oo durba la bilaabay Borama
Awdalpress(Borama) 28 July,10– Magacaabista xukuumada cusub ee uu magacaabay M/weynaha cusub Axmed Siilaanyo ayaa ahayd mid si weyn loo sugayay magacaabisteeda, iyada oo la raagsaday ku dhawaaqista xubnaha xukuumada cusub mudada bisha ahayd ee xilka lagula kala wareegayay, xukuumada cusub oo looga yimid ka mid noqoshadeeda qurbaha iyo gobolada dalka, ayaa markii uu maanta ku dhawaaqay durba saluug ka muujiyay shacabka ku dhaqan Boorama.
 
Dadka ayaa suuqyada la dhexmarayaywaraaqo magacyo ku qoranyihiin duhurnimadiiba, taas golaha wasiirada ee 20ka ahaa laga siiyay laba wasaaradood oo ka mid ah kuwa aan muhiimka ahayn, waxay dad badani sugayeen in isku dheelitirka xilalka iyo gobolada uu m/weynuhu si cadaalada u mgacaabi doono, dhinaca kale waxa dadka reer Awdal filayeen maadaama xilkii M/weynaha ee ay hayeen si fiican ay uga degeen ay heli doonaan bedel fiican, fikirkaas oo uu qabo Xasan faarax wuxuu yidhi marna uma daban in Axmed siilaanyo oo aan lahaa waa siyaasi qaran oo qiimayn doona beelah darafyada uu Borama siiyo 2 wasiir, halkaasi waxa ka cadaatay in uu ka aargudanayo tartankii doorashada ee ay wadagaleen.
nin isna magaciisa ku sheegay Shay Xuseen xareed ayaa isna yidhi xukuumada cusub waa mid aan anigu filayay, waana mid reer u dhisan oo marka horaba ilaahay laga baryay, waxaan xasuustaa heestii kulmiye ee ahayd Beeshu wey haraaday..!!
 
Si kastaba ha ahaatee waxa maalmahan u dambeeyayba badnaa shirar doceedyada, gaar ahaan taageerayaashiii xisbiyada laga guulaystay, kuwaas oo ujeedada shirarkoodu ahayd ka warsugida dhismaha xukuumada cusub iyo ku talogalka G/Awdal ee Axmed Siilaanyo M/weynaha cusub, goobaha la iskugu yimaad ee magaalada Boorama ayaad ku arkaysay iyada oo meel walba kooxi ku murmayso, isla markaana la isweydiinayo muxuu ina siiyay ? iyo reer hebel muxuu siiyay.
Dhinaca kale qaar ka mid ah Ganacsato, Oday dhaqameedo iyo Haween aan wax ka weydiiyay aragtida ay ka qabaan dhismaha xukuumada cusub ayaa si isku mid ah iigi sheegay in ay Jawaabtooda aanay la degdegayn, balse ay u arkaan in aanay arkayn wixii M/weynaha cusub sheegay in uu cadaalad dadka ku dhiqi doono, Maxamed Jaamac ayaa isagi yidhi Hadii cadaaladii uu sheegayay sidan tahay, ma ahayn uu wasaaradaha ku daro wasaarada cadaalada, waayo marnaba cadaalad uma dhawo, Siyaasigan maxamed jaamac oo isagu hore uga tirsanaa xisbiga Kulmiye wuxuu intaas raacshay, Hadii uu cadaalada iyo xaqa sidaa u yaqaan M/weyne Siilaanyo waa mid cadceed sacab ku qarin.
Xukuumadan cusub ayaa iyadu muqata mid ah mahadnaq, waana mid m/weynaha cusub uu uga mahadcelinayo dadkii codkooda siiyay, waana fikir ay qabaan dad badan.

Awdalpress

Sorry, the comment form is closed at this time.

%d bloggers like this: