CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

  • Blog Stats

    • 80,701 hits
  • Calendar

    July 2010
    M T W T F S S
    « Mar   Aug »
     1234
    567891011
    12131415161718
    19202122232425
    262728293031  

Siilaanyo oo si rasmi ah ugu dhawaaqay Qabiiloland (Isxaaqland)

Posted by Admin on July 29, 2010

July 29 – (alnuur)- Golaha wasiirada ee uu ku dhawaaqay Siilaanyo waxay muujinaysaa si cadaan ah inuu durba u hirgaliyay himiladiisii isbadal doonka. Wuxuu Siilaanyo cadeeyay isbadal inuu ku sameeyay wixii loo yaqaanay Somaliland oo uu ku badalay Qololand oo hoosta ay kaga xariiqantahay Isxaaqland.

Somaliland waxay ku salaysnayd dimuqraadi iyo cadaalad u dhaxaysa qabiilooyinka daga waqooyi iyo rajo laga qabay inay noqoto wadan ay qabiilooyin ku heshiiyeen si wada jir ahna loo dhiso. Waxayse u egtahay inuu Siilaanyo daaqada ka tuuray oo uu doorbiday inuu ku badilo Somaliland wadan qabiilo qudhii dusha ay kaga joogto.

Reer Somalilandow Muuse wakaa. Reer Awdalow ku quusta oo Siilaanyo wakaa rajadiinii aad Somaliland ka qabteen daaqada ka tuuray ee talow Awdalland hamigeegii ma jiraaaaa????

Dowladii uu ku dhawaaqay Siilaanyo oo hoosta ay kaga taalo Somaliland waxay isku badishay Isxaaqland waatan:

1.Dr. Maxamed C/laahi Cumar Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Xidhiidhka Caalamiga – Isaaq(H/awal)

2.Dr. Maxamed Cabdi Gaboose Wasiirka Arrimaha Gudaha – Isaaq(H/yoonis)

3.Eng. Maxamed Xaashi Cilmi Wasiirka Maaliyadda – Isaaq(H/Awal)

4.Dr. Sacad Cali Shire Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka – Isaaq(H/Awal)

5.Xuseen Axmed Caydiid Waiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka — Isaaq(Arab)

6.Samsam Cabdi Aadan Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare – Isaaq(H/awal)

7.Dr. Xuseen Muxumed Maxamed Wasiirka Caafimaadka — Isaaq(Ciidagale)

8.Axmed Xaaji Cali Cadami Wasiirka Gashaandhiga — Harti(W/Gali)

9.Cabdirisaaq Khaliif Axmed Wasiirka Gacanasiga, Warshadaha iyo Dalxiiska – Harti(Dh/hante)

10.Dr. Axmed Xaashi oday Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Deegaanka iyo Horumarinta Reer miyiga – Isaaq(H/awal)

11.Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta—Harti(Dhulmahante)

12.Prof. Ismaaciil Muumin Aare Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka — Gadabuursi(Reer Nuur)

13.Sh. Khaliif Cabdilaahi Axmed Wasiirka Diinta iyo Awqaafka – Isaaq(Arab)

14. Ilhaan Maxamed Jaamac Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada – Isaaq(H/jeclo)

15.Dr. Maxamed Yasaiin Xasan Wasiirka Kaluumaysiga, KHayraadka Badda iyo Maamulka Dekedaha—Isaaq(H/yonis)

16. Dr. Xuseen Cabdi Ducaale Wasiirka Macdanta, Biyaha iyo Tamarta—Isaaq(H/jeclo)

17.Maxmaed Xaashi Madar Wasiirka Ciyaaraha, Dhalinyarada iyo Dhaqanka — Ciise(Mamaasan)

18.Prof. Faarax Cilmi Maxamuud Wasiirka Beeraha—-Gadabuursi(H/cafaan)

19.Maxamuud Xaashi Cabdi Wasaaradda Duulista iyo Hawda—Isaaq(H/jeclo)

20.Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) Wasaaradda – Warfaafinta – Isaaq)

Siilaanyo isagaa u badheedhee waxay u muuqataa inay Somaliland ku dhacday dariiqii burburkeeda. Waxay ku dambaysana eegi doone.

Midna waa iga xasuuse reer Awdalow, Siilaanyo hadii uu afweyne iska diiday inana waa inaan isaga iska diidnaa ee hamigii Awdalland halkay ku dambaysay boodhka aan ka duulinee bal inoo raadsha.

Waa inoo maqaalka kale oo xiiso badan yeelan doona…….

Suleiman A. Dugsiiye
Alnuur

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
%d bloggers like this: