CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

  • Blog Stats

    • 80,687 hits
  • Calendar

    March 2010
    M T W T F S S
    « Jan   Jul »
    1234567
    891011121314
    15161718192021
    22232425262728
    293031  

Qaybtii 3dexaad,ee Taariikhda Ugaasyada GadaBuursi….waa Socotaa wali

Posted by Admin on March 24, 2010

11-UGAAS NUUR UGAAS ROOBLE:-Haddana waxa boqornimadii qaaday wiilkiisii Ugaas Nuur Ugaas Rooble,wuxuuna ku dhashay gobolka Awdal kolkuu sanadku ahaa 1835kii miilaadiga,hooyadiina waxay ahayd Maro Geedi wuxuuna boqornimada qaaday markay taariikhdu ahayd ahayd 1848dii,boqornimadiisa waa dhamaa,waxana lagu boqray ceelka la oran jiray Bagi,sidii caadudu ahayd wuxuuna ahaa nin midab ahaan Maariin oo aad u dheer,gadh yarna wuu lahaa wuxuuna ahaa nin lugo waawayn oo gacmo dheer,lahaana indho yaryar,wuxuuna ahaa nin fardo fuulka jecel iyo ugaadhsiga,wuxuuna ahaa hadalka miisaama wuxuuna ahaa nin wixii mahmaah ahaa ee Somalidu ku hadli jirtay wadda yaqaanay oo dusha ka wada hayay,wixii maahmaah ah ee lagu hadlana waxaa loo nisbayn jiray isaga ,oo waxaa la odhan jiray Ugaas Nuur baa yidhi.

  Hadalada uu caan baxay waxa ka mid ahaa kalmado uu ku tilmaamay dabeecada qabiilooyin ka mid Somalida oo dhamaan deris iyo dhaqan wadaagba la leh Gadabuursi,waxa ay erayadaasi ahaayeen:-

1-Gadabuursi wuu kasaa mase karo kibirna ma dhaafsho.

2-Isaaq waa karaa mase kaso wuxuu karana kibir baa dhaafsha.

3-Daarood wuu kasaa wuuna karaa laakiin kibir baa dhaafsha.

4-Ciise mana karo mana kaso kibirna ma dhaafsho.

Waxa kale oo hadaladiisa ka mid ahaa:-

1-Gadabuursi waa loo guura ee looma godeeyo.

2-Gadabuursi inta nabad lagu yeelo colaad laguma yeelo.

3-Gadabuursi bowlad ma karee boqol buu karaa.

Waxa Ugaaska laga hayaa in uu yidhi kalmad dhagahayga gashay amaba aan maqlay ma iloobin.

Ugaas Nuur wuxuu ahaa nin ilaah raganimo u dhamayay oo aanay waxba ka dhinayn,wuxuuna ahaa gabayaa wayn oo anuu jirin Somali nin la gabay ahi,wuxuuna tiriyay gabayo badan oo siyaasadda iyo xikmad ah sidan ku sheegi qaarkood xaga dambe ee taariikhda Ugaas nuur,waxan laga hayaa inuu ugaas Nuur yidhi kol haddii aan gabay maqlo ma iloobin,wuxuuna xafidsanaa  gabayo badan waxana ka mid ahaa gabayadaas gabayo ay tiriyeen Ugaasyadii ka horeeyay iyo kuwo ay tiriyeen rag somaliyeed sida Raage Ugaas.

Isaga iyo wiilkii uu adeerka ahaa ee Cilmi Warfa Ugaas Rooble oo siyaasada isu qabtay waxa dhex maray gabayo badan oo ay ku xafiiltamayeen,oo dad badani ay yaqaaneen oo ay ka mid ahaayeen gabaygii ka bilaabmayay:

 Gorayadu ilmaheeda waxay dhigtaa meel arooriya

Shimbirtuna aroos kay dhistay ubadka gaysaaye

Wuxuuna ahaa Ugaas Nuur nin aad u ilaaliya Xeerka uu ka dhaxlay awoowadii,wuxuuna ahaa nin cadaalada ku xeel dheer oon xeerka aan ka weecan wax badan oo xeerer ahna ayuu ku daray intii uu Boqornimada hayay,xaga cadaaladana arimo badan ayaa soo maray mana jirin xaga cadaalada nin la mid ahaa,waxaana daa’iman la joogi jiray ragga xeerka iyo Dhadhaarada,wuxuuna ku dadaali jiray kolka arinta la goynayo inuu kala tashado madaxda Gadabuursiga,isagoo ah nin aan cidna kala baqayn arimaha fulintooda.

Ugaas Nuur wuxuu ahaa ugaaskii ugu horeeyay ee askar samaysatay oo rag badan oo askarta ka mid ahi ay goor waliba hareeraha ka taagnaayeen iyaga oo hubaysan sitana warmahoodii iyo gaashaankoodiba.

Waxana ka mid ahaa cadaaladiisii hadaan ka sheegno qaar ka mid ah,in nin la oran jiray Shire Axmed inuu yidhi gacantayda midig nin baa igu dhuftay oo gacantii naafo bay noqotay,kolkaa ninkaas caadadiisu waxay ahayd inuu gacanta qoorta ku dhajiyo kolka fidi la yidhaa gacanta wuuna qaylin jiray,ninkii baa arintiisii la bixin waayay oo xal loo waayay,rag badanina waxay yidhaahdeeen waqti gacanta ninkan ha loo helo,kolkaa Ugaas Nuur wuxuu ogaaday ninkani markuu hoyanayo in uu sii mari jiray doox dhexdii kolkaas baa Ugaas Nuur u yeedhay afar nin oo askartiisa ugu wanaagsanaa,wuxuuna ku yidhi laba dhinac ha fadhiistaan dooxa labadiisa dhinac,wuxuuna ku daray labo nin oo xeer yaqaanadiisa ka mid ah,wuxuuna ragii ku amray inay labadii dhinac kaga soo boodan iyagoo oo odhanaya (WAAR NINKA XUN DILA) Markay sidii yeeleen ayuu ninkii gacantii uu lahaa waa naafo ,warankii ku qabsaday sidaas ayaana lagu ogaaday inaanu waxba qabin,magtii uu raadinayayna uu ku waayay.

Waxa kale oo ka mid ahaa cadaaladiisii in mar labo nin isu qabsadeen geenyo yar oo dhalatay markaas uun,oo nin waliba yidhi geenyadaydii baa dhashay,farduhuna meel bay wada daaqi jireen,arintii baa adkaatay sidii look ala saari lahaa kolkaa Ugaas Nuur waxa uu yidhi kolka dixdu soo rogmato labada Geenyo dhinac ha la geeyo,Geenyada yarna dhinaca kale ha la geeyo, kolkaa ta daadka soo jiidha laba Geenyo e eta yar u tagta taas ayaa dhashay Geenyada yar oo lagu laysku haysto,sidii baa la yeelay,kolkaa labadii geenyo mid ka mida ayaa daadkii jiidhay oo kolkiiba u tagtay geenyadii yarayd.

Mudidii Ugaas Nuur uu boqranaa kolkay taariikhdu ahayd 1876 ayaa dawlada Masaaridu qabsatay dhulka Somaaliyeed,Dawlada Masaarida caadadeedu waxay ahayd in nimanka boqorada ay kadeedaan,Kolkaa Ugaas Nuur way isxilaafeen dabadeedna waxa ay damceen,in ay Faraska jiidhsiiyaan,kolkuu faraskii ku soo dhawaaday Ugaaskii ayuu adimada dhulka la galay oo ninkii Faraska saara dhulka ku dhacay oo uu gacanta midig ka jabay,markii ninkii Masarida ugu sareeyay loo sheegay arintan,waxa uu yidhi sidii horeba la iigu sheegay ninkani waa nin Karaamo leh,dabadeed waxa uu yeedhay Ugaaskii oo uu ku yidhi :raali naga ahow oo ninkan askariga ah ee Faraska ku jiidhsiin gaadhay wuu kugu ciyaarayaye inuu wax ku yeelana ma doonayn,dhacdadaa ka dib Ugaas Nuur aad iyo aad bay u soo dhaweeyay wuuna karaameeyay wuxuuna siiyay hal qori,wuxuuna ku yidhi dadkaaga adigaa xukumaya kuuna dhaafimayno,waxaanan ku siinaynaa madax banaani gaar ahaaneed adiga iyo dadkaagaba.

Ninkii Masrigii arrintii buu gaadhsiiyay ninkii dawlada Masaarida u madaxda ahaaee la oran jiray Ismaaciil Baashe,ka dib markii uu maqlay karaamada Ugaaska Ismaciil Baashe wuxuu amar ku bixiyay in loo keeno ninkaa boqorka ee karaamada leh (Ugaas Nuur) lana soo raaciyo wafti dadkiisa ah,ka dib markii Ugaaskii waftigii uu watayba waxa ay u kicitimeen ilaa iyo Qaahira si ay ula kulmaan Ismaaciil Baashe,waftigaa dadkii raacay waxa ka mid ahaa Cilmi Warfa (Cilmi dheere),Caamir Dhurwaa iyo Kulmiye Guuleed.

Kolkuu Ugaas Nuur gaadhay magaalada Qaahira waxa ka hor yimid Ismaacill Baashe wuxuuna u soo dhaweeyay si aad iyo aad ah wuxuuna ku dejiyay daartii martida wuxuuna yidhi aragtidaada waan ku faraxay waxaanan jeclaa inaan ku arko, waxana la ii sheegay inaad tahay nin xikmad badan, dabadeed waxa uu huwiyay dhar badan oo xariira ah iyo jubado badan oo qaarkood lagu daleeyay dahab oo ilaa hada ay jirto jubadii ugu fiicnayd ee Ugaasku qaadan jiray,waxa kale oo la siiyay boqol Bunduq oo uu ka mid ahaa bunduqii uu ku laynayay Maroodiga wiilkiisii Ugaas Rooble,waxa kale Ismaaciil Baashe siiyay Ugaas Nuur iyo waftigiisii lacag badan iyo Cadar noocyo kala duwan ah oo farabadan,Ugaaska iyo waftigiisii markay joogeen mudo farabadan ayay ku soo laabteen wadankii isaga oo faraxsan.

Kolkay taariikhdu ahayd 1884kii dhulkii waqooyiga Soomaaliyeed waxa soo gashay dawladdii Ingriiska wuxuuna wakhtigaa uu joogay Ugaas Nuur magaalada Herer waxayna wakhtigaas ahayd markii Masaaridu ka baxaysay dhulkii waqooyiga Soomaliyeed ,waxaana Ugaas Nuur iyo Cilmi Warfa la kulmeen oo u yeedhay Major Hunter iyo Ridwaan Baashe,waxana ay ka codsadeen inay keenan ciidan badan oo Somaaliyeed si ay u noqdaan Askar caawisa boqorka cusub ee Herer Cabdala C/Shakuur (Waali Herer),askartii u ururiyeen waxayna u ruriyeen rag ku dhaw 3000 seddex kun,kolkuu Ridwaan Baashe ka tagay Herer ee uu ku noqday Qaahira wuxuu u geeyay Ugaas Nuur wuuna is baray,wuxuuna u sheegay in uu Ugaas Nuur yahay nin xikmad iyo aqliba badan lana tashado Ugaas Nuur.

Markii uu hayay boqornimada Ugaas Nuur kolkay ahayd Taariikhdu ahayd 1887dii, waxa soo weeraray magaalada Herer iyo dhulkey xukunto boqorkii Xabashida ee la Oran jirey Minilik,waxa halkaas ka dhex dhacay somalidii reer Herer ee madaxda u ahaa Cabdala C/shakuur iyo Xabashidii dagaaladag,dagaalka oo ku magic dheera dagaalkii Jalaqo,kaas oo laba dhinacba rag badani ku dhinteen,dagaalkaasi kolkuu dhowr sano socday nin khaa’in ah ayaa kula taliyay Xabashida inay magaalada dhinaca bari ka soo galaan,markaa Xabashida iyada oo aan laga war hayn ayay ka soo galeen dhinaca bari,magaalada dhexdeedana dagaal aad xun baa ka dhex dhacay oo dad badani ku  shahiideen dagaalkii ay ku difaacayeen magaalada muslimiintii Somalida u badnayd,waxana ku jirey dad badan oo u dhawaa Boqorka dadkaa goobta lagu laayay.

Ninkii Minilik soo diray ee Herer qabsaday wuxuu ahaa ninkii la oran jirey Ras-Mokonon.

Ugaas Nuur wuxuu ka mid ahaa dadkii ahaa ee halkaas ka dagaalamay wuxuuna halkaa ka tiriyay gabay murugo ah isaga oo aad uga xunmaday dhulkii ay Xabashidu qabsatay,Hadaba intii ka horeysay may soo gaadhin dhulka somaalida,mar dambe Mokonon wuxuu u yeedhay Ugaas Nuur wuxuuna yidhi dhulka Gadabuursi waxaan u dirayaa askar ilaalisa,arintaas Ugaas Nuur wuu diiday aad iyo aad ayuuna uga hortagay si aanay u dhicin.

Mar dambe Ugaas Nuur iyo Minilik waxay ku heshiiyeen inuu Ugaas siiyo Xabashida boqol wan,wuxuuna yidhi Ugaas Nuur ma ogoli inay Xabashi dhulkayga soo gasho ,Hadaba intii uu Ugaas Nuur noola nin kaliya oo Xabashi ahi ma soo galin dhulka Gadabuursi.

Ugaas Nuur wuxuu dhintay 1898dii miiladiga waxana lagu aasay meesha la yidhaahdo DIRRI oo u dhxaysa Aw-bare iyo DHar-wanaaje.

Richard Burton wuxuu buuga uu qoray ee (First Foot step in east Africa) ku sheegay, inuu Ugaas Nuur ugu tagay Fayaan-biiro , halkaasna Ugaas Nuur si fiican u soo dhaweeyay , waxa kaloo uu sheegay inuu halkaa ku arkay ugaas Nuur oo laagu dabaal degayo 500 faras, wuxuuna yidhi waxa aan la yaabay sida ninkaas dadkiisu u jecel yihiin.

HERAR WARAYSA:

Wuxuu qoray Kitaabkani ku magic dheera Herer-waraysa oo uu qorey nin Masri ah oo ahaa raggii dhulkeena soo galay,waxa uu sheegay ninkaasi kolkii Herer inay ciidankoodii ku dejiyeen meesha la yidhaa JALDEYSA ,meeshaa soo ah dhul Gadabuursi,waxayna galbeed ka xigtaa magaalda Herer,waxa kale oo qoraagu sheegay in dadka Gadabuursi yahay dad Carab ah oo aad iyo aadna ugu horumaray xagga ganacsiga,waxa kale oo uu yidhi dadka Gadabuursi waxay aad ugu hadlaan luqada Carabiga.

12 UGAAS ROOBLE UGAAS NUUR

Hadana waxa la wareegay  boqornimadii Ugaas Rooble Ugaas Nuur oo ahaa Rooblihii 2aad waxaana la boqray markii aabihii dhintay,waana loo dhamaa boqornimadiisa,waxaana lagu caleema saaray Bagi,Hooyadii waxay ahayd Faadumo Hirsi,caleen saarkii u horeeyay waxa ku tuuray Sheekh Barkhad Cabdilaahi Ugaas Rooble oo halkaana ku duceeyay.

Ugaas Rooble wuxuu ahaa nin haybad badan oo shilis oo dheer wuxuuna ahaa nin lugo waawayn oo kubab waawayn oo madax wayn ,wuxuuna aad u jeclaa Fardo-fuulka iyo Ugaadhsiga wuxuuna ahaa nin xarago badan oo arimaha ku degdega,kuna hinaasao badan boqornimada.

Wuxuu ahaa nin laynta Maroodiga jecel,sababtoo foolka Mardoodiga ayuu dawladaha iyo Boqorada kale hadiyad ugu diri jiray,wuxuuna ku layn jiray qorigii laba-aflaha ahaa ee uu Ismaciil Baashe (Baashihii Masar) soo siiyay aabihii ugaas Nuur,ta kale hadii uu maqlo libaax ba dad waxyeelay wuu doonan jiray oo kama baqi jirin,xabad markuu ku ridana dhulka uma dhici jirin ee waxa uu ahaa nin Shiishyahana(Sharp-Shooter) aadna waxa uu jeclaa Ugaadhsiga.

Ugaas Rooble waxa uu la kulmay xiligii gumaystaha ,sadexda Dawladood ee Fransiis,Ingriis iyo Xabashudaha wuxuu ka qaadan jiray Mushahar,taasina waxa ay ku tusaysaa inuu Gadabuursi xoog ku lahaa sadexda dalba.Ugaas Rooble wuxuu ahaa nin ajaanibku aad u qadariyaan,wuxuuna siin Haraga libaaxa ,iyo Ugaadha kaleba.waxa uu ahaa Ugaas Rooble nin deeqsi ah,oo martidana aad u sooryeeya,wuxuuna ahaa nin diinta aad u yaqaan.

WALI WAY SOCTAA TAARIIKHDU……………………………

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
%d bloggers like this: