CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

  • Blog Stats

    • 80,701 hits
  • Calendar

    March 2010
    M T W T F S S
    « Jan   Jul »
    1234567
    891011121314
    15161718192021
    22232425262728
    293031  

Taariikhdii Ugaasyada Gadabauursi 1603 ilaa Hada

Posted by Admin on March 3, 2010

 1-UGAAS CALI :

   Ugaas Cali Abokor Muuse (Cali Makahiil-dheere) wuxuu ahaa Ugaaskii

 barakada lahaa ee ugu Horeeyay Ugaasyada Gadabuursi waxana lagu caleema saaray Gabiley,dabadeedna waxa la geeyay Bagi sidii cadaadu ahayd ,halkaas ayaa dharkiisa hore lagaga badalay,loona galiyey dharkii boqornimada.

Ugaas Cali waxa uu boqornimada qaaday kolkay taariikhdu ahayd 1607dii Miilaadiga,waxuuna ku dhashay meesha la yidhaa Dhoobo kolkuu sanadku ahaa 1575 Miilaadiga,Hooyadii waxa la odhan jiray Khadiija Sheekh waxayna Daarood (Gari-aba-yoonis).

Ugaas Cali wuxuu ahaa nin aad wax u yaqaan,oo wuxuu aad ugu xeel dheera diinta Islaamka.wuxuuna wax ku bartay Harar iyo Saylac.Sheekhyadii wax baray waxa u waynaa Amiir Nuur (Sheekh Nuur Yoonis Muuse) oo ka mid ahaa culimada ahaana ina adeerkiii.

Ugaas Cali luqada Carabiga wuu akhriyi iyo qoriba jirey,wuxuu ahaa nin caalima ah wixii dhib ahna ka durka,wuxuuna ahaa nin aad u qurux badan oo dheer,waxan uu lahaa gadh wayn oo laga habadaysto.

Ugaasku waxa uu lahaa aftahanimo kol haduu hadlana laga wada dhagaysto,waxaana la sheegay kitaab quraan ah oo uu ku qorey gacantiisa inuu jiro kolkii uu boqornimada qaaday.

Ugaasku waxa uu noqday nin aad loo adeeco,oo dadkii kala tagsanaa ayuu isu keenay,isaga oo ku dhaqmaya xikmadiisii (Gadabuursi Bah maahee waa beel) ,aad ayuuna ugu daadaalay sidii qabiilka looga fogaan lahaa ee loo midoobi lahaa.

Ugaas Cali waxa uu geeryooday 1639 Miilaadigii,wuxuuna ku geeryooday oo lagu aasay Gabiley,waana la siyaarta qabrigiisa.

2-UGAAS CABDI :

Ugaas Cabdi Ugaas Cali oo ahaa wiilkii Ugaas Cali ayaa dabadeed la bokhrey (boqrey).

Ugaas Cabdi waxa uu ku dhashay qabri-Baxar (dur-dur cad) sanadii 1609 miilaadiga,

Hooyadiina waxa la odhan jirey Xabiiba Sheekh Suleebaan.

Ugaas Cabdi waxa lagu caleemasaaray Bagi,kolkuu sanadu ahayd 1639 Miilaadiga,wuxuuna ahaa nin aad daacad u ah oo diinta Islaamka u jecel,goor walbana quraanka akhriya aad ayuuna u yaqaanay luqada Carabiga.wuxuuna ahaa nin qurux iyo haybad leh,dherer ahaana dhexdhexaada ,wuxuuna lahaa gadh wayn.Ugaas Cabdi intii uu noola wuxuu la kulmay dhib badan oo waqtigiisi waxa dhulka dhacay abaar iyo colaad badan oo lala dagaalamayay Gaalaha(Oromada) oo ayaamihiisii dambe dadka dhib u gaystay.

Ugaas cabdi taariikhdiisii wax aad lagama hayo waxana uu dhintay 1664 Miilaadiga waxana uu ku aasan yahay Araabi (dooxada Harawe).

3-UGAAS XUSEEN :

Hadana boqornimadii waxa qaaday wiilkii uu dhalay Ugaas Cabdi ee Ugaas Xuseen oo ku magac dheeraa Ugaas Ugaadh,waxa uu dhashay Gaarisa hooyadiina waxa la odhan jiray,lamayna kulmin boqornimadiisa.

Wuxuuna boqornida qaaday 1664 Miilaadiga wuxuuna ahaa nin aad u dheer oo aad u xoog weyn,wuxuuna nin aad u dabeecad adag oo aan lahayn wax naxiirsa,xaga akhlaaqda iyo xaga dad la socodka wuxuu nin aad u dabeecad adag,waxana uu jeclaa fardo fuulka,waxuuna aad jeclaa dagaalka,agaana nin jar iska xuura oo aan cidna wax ka maqlin.Boqornimadii kolkuu qaaday ka dib wuxuu damcay inuu weeraro meeshii uu ku noola boqorkii Gaalahu (Oramadu) ee ku magac dheera AALA-BOORE isaga oo aan ugu talo galin xooga boqorka lagu weerarayo,anuu diyaarna u noqon oo aanay jirin wax lagu difaaco,arintaas oo tolkii ku khilaafay,waxana isaga iyo tolkii ka dhex dhacay khilaaf fara badan aakhirkiina waa ka cadhooday.wuxuuna goor galab fuulay faraskiisii Bulaale ,wuuna baxasaday oo la waayay,lamana oga meel uu tagay ilaa maanta.

Waxaase loo malaynayaa inuu u tagay reer Abtigii oo ahaa Habar-Awal (sacad-Muuse) oo halkaa aad ugu ugu soo dhaweeyay ,waxan la waayay  1665 miilaadiga.

4-UGAAS CABDILE :

Hadana waxa boqornimadii walaalkii Ugaas Cabdile Ugaas Cabdi markuu sanadu ahay 1665 Miilaadiga,wuxuu ku dhashay Boorama oo kolkaas aanay ka dhisnayn Magaaladan Boorama,Hooyadiina waxa la odhan jiray Ceebla Xasan,waxan uu boqrnimada qaaday kolkii la wayaayay walaalkii Ugaas Xuseen,boqornimadiisa waa loo dhanaa,wuxuuna nin tolkii nin aad aad u jecel yihiin oo aan ahayn sidii walaalkii haybad badan leh oo qosol badan oo dareen badan.

Wuxuuna intii boqornimada hayay la kulmay dhib badan sidii aabihii,arintaas oo ay u wayneyd dagaalkii u dhexeeyay Gadabuursiga iyo Gaalaha,oo dad badan ku naf waayeen,laba dhanba,waxaana la sheegay inta boqorka jirey in dhulka Gadabuursi ka dhacday abaari,taas oo ahayd muddo todobo sanno ah waxaan jirtay in isaga walaalkiisii baxsaday isu qabteen oo khilaaf badan iyo colaadi labadooda ka dhex dhacday taas sabab u noqotay in mudadii uu noola Ugaas Cabdile ay Gadabuursiga dhib fara badani heshay,wuxuuna ahaa nin la kulmay dhib badan,wuxuuna geeryooday sanadku markuu ahaa 1698 Miilaadiga.

5-UGAAS NUUR UGAAS CABDI :

Hadana waxa qaaday walaalkii Ugaas Nuur Ugaas Cabdi,taariikhdu markay ahayd 1698 Miiladiga,waxana lagu caleema saaray Bagi,waana loo dhamaa boqornimadiisa waxana uu dhashay meesha la yidhaah Haliso (ee Boorama u dhow) hooyadiina waxa la odhan jiray Aamina Bare.

Wuxuuna nin aad u cad oo sunayaal waawayn aadna waa uu dheera,wuxuuna ahaa geesi nin geesi ah oo arimahana aad u fiiriya,waxa kale oo uu ahaa nin qani ah deeqsina ah siyaasadana ku xeel dheer dagaalkana aad u jecel.Wuxuu nin jar iska xuura oo aan cidnaba ka baqayn tolkiina aad u jecel yihiinwaxana la sheegay in markii uu boqonimada qaaday uu damcay in uu sameeyo khiyaamo uu ku khaarajiyo boqorkii Gaalaha ee Aale-Boore.

Kolkaa waxa uu kaxaystay Afartan nin oo fardo fuula ah (Da’samo kowaad ee ahay tii uu Alla-baryay Sheekh Makaahiil Ismaciil) waxay ugu tageen meeshiisii goor habeena ah waxaana uu yidhi boqorku waxaan la soconaa nabad,ka dib Boqorkii Aale-Boore wuxuu yidhi nabad waan jeclahay ee ila soo degga,dhamaantiin waxaan u dhisayaa gabadh qurux badan ,Ugaaskana wuxuu u dhisay gabadhiisii la yiqiin ee Faayo Aale-Boore,oo ahayd tii Ugaas Shirdoon dhashay wuxuuna kula heshiiyay inayna dhulkoodii ku noqon waxayna la deganaayeen ilaa ay dumarkii loo dhisay ay noqdeen afar dhal.

Dasamadiina (waa 40 kii nin ee Ugaasku hogaanka u ahaa) waxa gaalihii u noqdeen abaan duulayaal dagaal oo aan laga hoysan dagaal.

Markaa Aale-Boore iyo tolkii waxa ay u gureen dooxada Faafan,Ugaaskii ragii la socdayna waxa kula heshiiyeen inay u soo diraan Muur-qaad(awr) iyo hablo alaabta rara,goobta ay deganaayeena waxa ay Dooxada Harawe gaar ahaan Buurta JAJI-ABAYO.

Sidii caadadu ahayd kolkii ay soo gaadheen hablihii iyo Awrtii,dumar koodiina way soo kaxaysteen wayna soo guureen.Hablihii loo soo dirayna way soo afduubeen wayna ku soo noqdeen dhulkoodii hooyo Lo’ badana way soo kaxaysteen oo way soo guureen,waxayna yimadeen meesha la yidhaa Dhoobo,halkaas oo ay reeruhu deganaayeen hablihii soo rarayna dib baa dadkoodii loogu celiyay oo rag lagu daray

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
%d bloggers like this: