CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

  • Blog Stats

    • 80,701 hits
  • Calendar

    November 2009
    M T W T F S S
    « Oct   Dec »
     1
    2345678
    9101112131415
    16171819202122
    23242526272829
    30  

VIRUS-KA Ceelberdaaleyntu Waxa uu u Baahanyahay Caqli, Cimli iyo Daaweyn.

Posted by Admin on November 11, 2009

juryNov 10,2009. VIRUS-KA Ceelberdaaleyntu wuxuu u baahanyahay Caqli iyo Cilmi. Murti caafimaad baa nuxurkeedu yahay: “Marka cudurka la garto ayaa daawadiisa la heli karaa”. Waxan filayaa in qof kasta oo akhriya mawduucani uu markaaba isla heli karo ujeedada ama tilmaanta uu qoraalakani bixinayo. Sooyaalka taariikhda caafimaadku waxay inna bartay in haddii cudur cusubi soo baxo oo uu noolaha haleelo in loo hawgalo daaweyntiisa si inta uu helayna looga badbaadiyo inta aanu wali helinna loo baro waaya-aragnimada laga helay soo saarista dawadani oo markaa kadibna lagu kordhin karo “ka-hortagga” cudurkaba. Sidaa darteed; Jamhuuriyadda Somaliland – Shacbi iyo xukuumadba waxay maanta wada ogyihiin inuu jiro “VIRUS” magaciisu yahay “CEELBARDAALEYNTA” oo muddo 50 sannadood laga joogo haleelay laba beelood oo walaalo ah, Gacal iyo xigaalo ah oo isku deegaan ah; kuwaas oo haddii ay laba qof ka soo hadhaan ay isku noqonayaan Oday iyo inankii, Wiil iyo Abtigii,Wiil/Gabadh iyo hooyadood ama habaryartood,Gabadh iyo inaabtigeed iyo nin seedigii iwm. Viruskani wuxu ku dhacaa maskaxda,kaasi oo qofka uu haleelay yeelanayo astaamo lagu garto xanuunkani (Symptoms) oo ay ka mid yihiin kuwan soo socda:- 1- Xumad miyir beel ah oo u sawirta tafiirtiisu inay yihiin qolo kale oo ka soo horjeedda(Qabyaalad aan caadi aheyn). 2- Waxa u xalaaleystaa wixii Ilaahay xarimay sida dhiig bania-adam oo uu si hawlyar ku daadiyo ama naftaba kaga gooyo. 3- Salaadda wuu tukadaa marka uu ka baxana dagaal iyo dil buu abaabulaa. 4- Markuu dilo inankiisa ee uu mayd ahaan u arko, wuu ooyaa; markuu aasona wuxu bilaabaa siduu kii hadhay u dili lahaa. 5- Waxa iskaga qaldama waxa uu doonayo iyo waxa uu diidayo sida dadqalnimo iyo dawladnimo ama boqol mag ah wuu ogglyahay, badhigooyana wuu diidayaa. 6- Hadii lagu yidhaa “waar dawo ma u baahantahay?” jawaabtiisu waa “CEELBARDAALE” 7- Marka la weydiiyo “Ceelbardaale” waa halkee? Wuxu yidhaa “Halka cagtaydaasi taabataaba waa ceelbardaale”. 8- Ma kalidaa baa leh mise cid baa kula leh? Jawaabtu waa “Qabiilkeyga oo dhan baa ila leh”. 9- Yaad isku haysaan ceelbardaale? , waxan isku haynaa: -Walaashay -Edoday -Abtigay -Seedigay -Inankayga -Inanteyda -Habaryartay -Inaabtigay -Inabtiday -Awowgay 10- Dadkani aad tirisay waa raaskaagii ee maad gurigaaga wanaag iyo heshiis ka dhex abuurtid oo isugu yeedhid si aad u wada hadashaan. 11-Haba-ka-yaabin inaan wada hadalno ee “Aaway Dawladdii dhulka ha ii xukuntee!!!!”. Hadaba; viruskan khatarta baddani kuma ekaanayo deegankani uu ka bilaabmay ee wuu baahayaa; waxayna dhibtiisu saameyn ku yeelan doontaa cid aan warba u haynin meel uu ka yimid. Sidaa darted, waxan ku talinayaa in caqli xeer yaqaan ahina isku xilqaamo; iyadoo loo adeegsado cilmi lagu furdaamiyo beelaha uu ku habsaday; isla markaana looga hortago inuu ku faafo somalilandnimada curdinka ah ee waxqabsiga iyo kala-dambeyntu ku adagtahay. Wa billahi towfiiq Haji Obsiyeh

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
%d bloggers like this: