CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

  • Blog Stats

    • 80,687 hits
  • Calendar

    November 2009
    M T W T F S S
    « Oct   Dec »
     1
    2345678
    9101112131415
    16171819202122
    23242526272829
    30  

Digniin ku socota soctada Reer Awdal iyo Gabiley inay iska Jiiran Dadqalada Beelaha Dhexe ka wadaan Deegaankooda

Posted by Admin on November 9, 2009

Picture12Socotada Reer Awdal waa bartilmaameedka ay ku cadho furfurtaan markasta oo  ay ciidamada jiida hore ee Kadleeye Army ay dhagaha kasoo tumaan dadqalatada uu hogaanka u yahay Mujrim Maxamed Maxamoud Rage.Kuwaasi   oo uu soo lugooyo damacooga qaawan ee aan aqoonin rag iyo rabitoona isla markaana ay hada kasoo wareegtay mudo 5 bilood ah markii ay ku qasheen socoto iskugu jirta baayacmushtar iyo aqoonyahanba oo Reer Awdal ah ay iskuna halaynayeen  xakuumada taagta daran ee uu hogaanka u hayo Dahir Rayale hadii ay is hubayn lahayeen maadaama uu dariiqu yahay mid aan lagu kalsoonaan karin markasta oo uu dagaal ku dhex maro Ceel-Bardaale  Kadleeye Army iyo Dadqalatada Reer Gabiley taasi oo aanay amaankeeda sugikaraynin xakuumada UDUB oo aan ilaa hada waxba ka qaban haldoorkii Samaroon ee ku mayd-beryey kursiga Dahir Rayale hoostiisa aanu ka doorbiday inuu soo qabto danbiilayaashii danihiisa siyaasadeed ee ku salaysan kursi jacaylka.
 
Hadii ay cudud iskugu gaynlahayeen dadka reer Awdal in ay samaystaan dekad ay waxkalsoo degaan si aanay waxba uga baahan dariiqa ay fadhiyaan dadqalatadu  haboonaanlahaydaana  sida Lughaya oo ay ka samaystaan dekad macmal ah oo ku meelgaadha  inta loo helaayo dhaaale lagu hirgalinkaro dekad caalamiya oo ay kusoo xidhan karaan maraakiibta waaweyn ee shixnadaha qaada waa lagama maarmaan in aan isku gayno quwad Samaroon oo samaysa dekad ku meelgaadh ah oo lagasoo dejiyo badeecadaha kala duwan,raashinka,shidaalka,bagaashka sida dharka oo kale iyo dhamaanba baahiyaha ka maqan gobolka Awdal ee loo doonto dekada Berbera kuwaasi oo lagasoo waarido (The Middle East) sida Emaaraata Carabta,Yemen iyo Sacuudiga taasi oo ay baayacmushtarka qaarkii usii gudbiyaan wadamada geeska Africa sida Ethiopia oo kale.
 
Foojignaan fogaatay waa in loo yeesho weerarada dadqalatada oo la qaato hubabka fud-fudud sida Baastooladaha casriga ah ama tooriyo haamaha wax goynkara  qofkasta oo doonaya in uu u safro Hargeiysa maadaama ayna jirin ciidan Police ah oo suga amaanka musaafiriinta iskaga gooshaaya Awdal to  Hargeiysa markasta oo ay horjoogsadaan dadqalatadu hadii ay isku dayaan in ay laayaana waa in ay kaga horeeyaan musaafiintu oo ay difaacaan naftooda taasina xaq iyo xaquuqba waa u fasax in qofkii naftiisa halis la galiyo inuu is difaaco markasta iyo meelkastaba waanay fashilmi doonaan dad qalatadu hadii laysku dayo in layska difaaco oo dhaco gacanka hadal ka yimaada dhinaca musaafiriinta waayo marka qaar laga laayo waa fulay oo markaaba way baxsandoonaan kuwa lagalaayeyna iskuma dayayaan in ay qaataan dhaawacooga ama dhimashadoodaba waxaana soo bixidoonta magacaanta saxda ah kuwii googooyey jidhkooda musaafiriintii iyo baayacmushtarkii hore kadib waxaa dhici doonta in la ugaadhsado si dhibyarna laguwada khaarajindoono madaxda dadqalatada iyo dadqalatada laftoodaba sidaana lagu maridoono amaan dariiqa Gabiley iyo Dilla u dhaxeeya oo ay suurtagalna tahay in marlabaad ay soo qaadaan weerar la mid ah kii hore.
 
 
Mahammed Abdirahman Sharif
 Yemen Sana’a.

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
%d bloggers like this: