CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

  • Blog Stats

    • 80,701 hits
  • Calendar

    November 2009
    M T W T F S S
    « Oct   Dec »
     1
    2345678
    9101112131415
    16171819202122
    23242526272829
    30  

BAYAAN KA SOCDA BEELAHA SAMAROON IYO HARTI.

Posted by Admin on November 9, 2009

 

 

 November 09, 2009 .

sayidNiyadjabka dadku ka qadeen qabilaysiga beelaha dhexe waxa uu sababi doonaa buruburka Somaliland
Baaqan oo soo gaadhay qaar ka mid ah saxaafada xorta ah ee Somaliland waxa uu si qoto dheer uga hadlay marxaladaha kala duwan ee somaliland soo martey, waxa kale oo uu ka hadlay dulqaadka iyo samirka beelaha Somaliland siiba labada beelood ee Samaroon iyo Harti ay ka muujiyeen jiritaanka somaliland mudadii dhawrka iyo tobanka sano ahayd ee inasoo dhaafay.

Hadaba Baaqan ay labada beelood ayaa waxaa na soo gaadhsiiyay labada nin oo magacooda la kala yidhaa Maxamed Ibrahim Hassan iyo Barkhad Muuse Looyaan ayaa sidatan hoos ku qoran u dhignaa..
Marka hore shacabweynaha somaliland salaan qaali ah ayaanu hawada u marinaynaa dhamaantii meel kasta oo ay dunida ka joogaan. Marka labaad dareenka maanta lagu dhaliyey inaan baaqan si wadajira u qoro waxa uu yahay mid dadku ka dheregsan yihiin dibad iyo gudaba.Bilawgii sagaashanaadkii waxa dadku ku hawshooday sidii Jamuuriyada Somaliland iskeed isku maamuli lahayd qaranimo horey uga halawdayda ula soo noqon lahayd!.Taasi waxay keentey shirkii Borama ka dhacay ee socday mudada lixda bilood iyo ku dhawaadka.
Maanta tariikhda somaliland soo martey cidna looga sheekayn maayo waana mid lagawada dharagsan yahay balse waxaan halkan kusoo bandhigaynaa dulqaad aan horey aduunka looga arag oo labada beelood ee Samaroon iyo Harti ay ka sameeyeen jamuuriyada Somaliland laakiin ilaa hadda aan cidina u ogayn marmarka qaarkoodna afglaado loo weydaariyo.
Labadan beelood ee Samaroon iyo Harti waxay ka mid yihin Saddexda Beelood ee uu ugu waawayn beelaha degga somaliland kuwaas oo kala ah Isaaq, Harti iyo Samaroon waana sida ku taala kutubta gumaysigii Ingiriisku ka tagay ee aduunka taala. Mulkiyadaa beelaha Somaliland ka dhaxaysay ma ayna ahayn mid marti sooryo laga siiyo qolo ka tiran qolooyinka Somaliland sidana waxa yeelay Beesha Isaaq oo maadaama labada belood ee kale ay xushmeeyen wada noolaanshaha iyo midnimada Somaliland oo ay waliba ogolaadeen in Madaxtooyadu noqoto guri Isaaq u aragtey inay awood majoorati ah ku haysan karto beelaha kale ee Somaliland ee ay kamidka yihiin Harti iyo Samaroon isla markaana leexisay axdigii Boorama ee ahaa midnimada iyo wada noolanshaha in la kobciyo .
Saami qaybsiga Baarlamaanka Soomaliland ee xaaraanta ah ee Isaaq is beekhaamiyay una haystaan inaan beelaha kale reero iyo isbeekhaamin aqoon isagana cidna looga sheekayn maayo waana shay adduunka iyo Soomaaliduba ka dheregsan tahay. Isaga laftiisa labada belood ee Samaroon iyo Harti iyagoo duudsan ogna inay duudsan yihiin waxay ka doorbideen nabada iyo wada noolaansho daris wanaag lagu wada noolaado,iyagoo waliba qayb libaax mar walba ka qaata aqoonsiga Somaliland.
Beesha Isaaqu intaa kumay joogsane waxay bilowday sidii magaalooyinka waaweyn ee la wada degi jiray ay dib u dajin ka samayso waxana meesha ka baxay is dhexgalkii iyo dhul wadaagii dadku wada lahaa ilaa maalintii Illaahay wada abuuray beelaha wada daga.

Tusaale:

1)Beelaha Harti ee dega magaalada Ceerigaabo xaafado dhan ayaa laga faro maroojiyey intaana waxa u dheer tuulooyin iyo dhul beereed ay horey u lahaayeen beelaha warsangali oo iyaguna meesha ka baxay mashaariic gaara ahna ay ka samaysteen Beelaha Isaaq.

2)Magaalada Burco xaafad ka mida oo ay degi jireen Beelaha Harti guryihii ku yaalay ee ilaa Ingiriiskii dadku wada ogaa iyagana dhismayaal kale ayaa ka danbeeyey dadkii lahaa in lagu khasbo inay lacag yar qataan ama laga dumiyo ayaa iyana timid.

3)Dhinaca Hargeysa, Xaafad la odhan jiray Isha Boorama oo ay degi jireen Beelaha Samaroon maanta dhawr guri oo Samaroon ah ayaa ka jira intii kale lafo hoose oo Isaaqa ayaa qaybsaday dadkii guryahooda ka maqnaa ee dibada u qaxayna lacag yar oo khasaba ayaa lagu dirqiyey ama qaarkood waaba lagala wareegay bilaa hadal (Isha Borama maanta waxa loo yaqaanaa magac kale ) waxbana kama duwana sida Xamar ka taagan sheekadani.

4)Magaalada Gabilay waxa la wada ogaa oo caalamkoo dhami ogaa oo xitaa buugaag taariikhiya laga qoray in nus magaalada ka mid ah ay deganaayeen Beelaha Samaroon,oo waliba cidii u horaysay iyadoon magaalaba meesha ka jirin ugu soo hordagtay ay ahayd Samaroon,maantana Gabiley iska dhaafe dhulbeereed gobolka Awdal ku yaala oo la yidhaa Ceelbardaale,Baki iyo duleedka magaaalada Dila ayaa lagu haystaa Beelaha Samaroon,taasoo ah daandaansi cad iyo baabi’in wixii lagu soo tabcay iyo qaranimadii aan higsanaynay.

Dhinaca Dhaqaalaha iyo ganacsiga:

1)Beelaha Warsangali oo sida Soomaalidu ka wada warqabto ahaa badmareeno caalami ah dhinaca ganacsiga baddu maanta waxay u jeebleeyaan Beelaha Isaaq maraakiibtooda,doonyaha Warsangalina iskood waxba uma qaadi karaan.

2)Dhulbahante isaga warkiisaba daa Puntlandna waa laga xidhay dhinaca Somalilandna awalba xidhiidh ganacsi lama uusan lahayn markaa abaaraha iyo darxumada dadka reer Sool ka muuqata waad wada aragteen.

3)intaa waxa u dheer in handidaad iyo cago juglayn lagu hayo aqoonyahanka beelaha sool isla markaana aanu shaqsi u dhashay Sool si xora u booqan karin dadkiisa oo jooga magaalada Laascanood.

4)Intaa waxa u dheer in garaadadii laga xishoon jiray loo haysto maanta minooyin wakhtigii Siyaad Barre ka talin jiray dhulka ay askartii iyo jabhadihiiba ku aaseen dariiqa geeskiisa kuwaasoo dhawaan qaraxyo dhimasho keenay geystey.

5)Haddaba waxa ugu daran waa marka qofku ku yidhaa waxma qabsan kartid, Waxaad wada maqasheen in dhawaan lacag malaayiin doolar ah oo laga soo ururiyey Beelaha Harti iyo maaliyado kale oo shirkado dibada ahi ku deqeen si loogu dhiso madaar caalami magaalada Buuhoodle la is-hortaagay bilaa sabab .

Madaarkaasi waxa lagu diiday cidina ma qeexi karto marka laga reebo nacayb beelaha Isaaq ayna rabin dadka kale ee somaliland inuu waxqabsan karo. Madaarkaa dawlada Somaliland waa lala socodsiiyey cashuurtiisana dawlada Somaliland ayaa heli lahayd hadii la dhiso dadka Somalilandna waxa uu u noqon lahaa horumar dhinaca duulimaadka hawada ah,laakiin sababta loo diiday waa inay dadku ogaadaan inay tahay dad aad u haysato inay dadkaagii yihiin waa Isaaqe oo xaasidnimo awgeed aan horumar kuu ogolayn oo hadana kaa doonaya midnimo wadan,qaranimo iyo inaad aqoonsi la baadi goobto,markeebay haddaba Isaaq waalan yihiin ma marka ay xasadka iyo xiqdiga iyo sadbursiga indha la’aanta ah wadaan mise marka ay leeyihiin qaran baynu nahay mida.
Lacagtii Madaarkaa loo qoondeeyey dib ayay shirkadihii ajaanibka ahaa ula noqdeen intii kalena dadkii laga soo ururiyey ayaa dib loogu celiyey inta wadanku cadaalad helayo ee inta riyada laga baxo runta loo soo noqonayo.

Garaad ka tirsan garaadada beelaha Dhulbahante oo ku sugan magaalada Buuhoodle ayaa yidhi haddii lacagtan la odhan lahaa Burco ama Hargeysa ayaa madaar aanu uga dhisaynaa marnaba lama horjoogsadeen markaa Buuhoodle miyaanu dad dadkaa la mid ahi deganayn horumarna miyeyna u baahnayn? Jawaab waafiya cidnina maysiin,waayo xaqiiqda waa la wada ogyahay oo cidi ma qancin karto.

6)Dhinaca Awdal: Waa dhul gari go’an ah oo wax horumar ah iyo dhaqaale toona laga horjoogsaday,waxaanad la socotaan in Madaxweynihii hore ee ina Cigaal uu si kas ah ugasoo wada raray hay’adihii samafal ee ka hawlgali jiray Boorama ururadii samafal ee reer Boorama uu baabiiyey si uu ururo kale oo reerkiisa ah uga sameeyo Hargeysa.
Dabadeed reer Boorama shaqaale jaban ayay u noqdeen ururadii cusbaa ee dhalinyarada reer Hargeysa uu u sameeyey ina cigaal .
Ururadaa waxa ka mida ururka AFAYACO oo siduu ku samaysmay dadku wada garanayaan aqoon badana aan u lahayn hawlaha samafal balse maanta mutacalimiintii reer Boorama shaqaale jaban u yihiin,taasoo la hubo inay dhawaan soo afjarmi doonto.

7)Ganacsiga xoolaha: Ganacsiga xoolaha Boorama lama ogola inay Jabuuti tagaan waxana lagu khasbaa in ganacsatada Isaaqa si qasab ah looga iibiyo si ay dib uga sii macaashaan isla markaana dhoofiyaan.

8)Intaa reer Boorama waxa u dheer jidxumo, Madaar xumo iyo waliba shaqo la’aan cadaadis aan lasoo koobi karin beelaha isaaqu ku hayaan marketkoodii.

9)Cadaalad darada: Dadka reer Boorama sida xoolaha ayaa loo gawracaa cid ka hadashana lama arag waxana ugu danbeeyey afar marxuum oo dhawaan si bani’aadanimada ka baxsan hilbahooda ay u jarjareen Beelaha Isaaqa ee la dega Samaroon Gabiley,dadkaa la gawracay waxa ku jiray macalin Pro. ah oo macalin ka mid ahaa macalimiinta waxka dhigi jiray jaamacada Hargeysa oo aan ilaa imika aan xitaa laga xusin jaamacadii uu shaqaalaha jaban ka ahaa ee Hargaysa,tanoo ay maanta aarsan karaan Samaroon,laakiin ay wali dulqaad ka muujinayaan sugayaana inta Isaaq soo dhiibayo dhagar qabayaashii,caalamkoo dhamina ogayahay hadday bilaabaan aargoosi beesha Samaroon sida uu ku dambayn doono aayahay Somaliland,taasoo ay maanta dadyow shisheeye ah oo ku nool wadamo kale ku booriyaan beesha Samaroon aargoosi laakiin beeshu ku gacansaydhay.
Isku soo wada duuboo cadaalada darada ay beesha Isaaqu hormoodka ka tahay ee ay u haysato inaan la fahamsanayn ee ay kula kacdo beelaha kale ee Somaliland waiba Samaroon iyo Harti maaha mid halkan lagu soo koobi karo waana mid caalamka iyo umada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto ka dheragsan tahay dibad iyo gudaba,waana qodobka ugu wayn ee hortaagan aqoonsi dalkani helo.

Arintan ayaa dadka badankiisu u fahmayaan inayna beesha Isaaq wax dawladnimo ah diyaar u ahayn waayo raadkii dawladnimo marnaba lagama arko kumana taagno,waxayna u haystaan in hadii madaxtooyadu Hargaysa tahay wax wal oo kalana ay iyagu u badsan karaan,taasoo xitaa caasimada lafteeda in laga doodo ay tahay oo tobankii sannaba loo caleemo saaro magaalo kale oo ka mid ah magaalooyinka waawayn ee Somaliland si isku dheeli tiran dhinac walba ihi u yimaado.

Ta ugu dambaysa ee caalamka iyo Soomaalida kalaba is waydiiyaan ayaa ah samirka Beelaha kale ee Somaliland gaar ahaan Samaroon iyo Harti intee in le’eg ayuu sii jiri doonaa.

Wa Billaahi Tawfiiq

USP Beelaha Samaroon iyo Harti

Hargaysa,Somaliland.

 

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
%d bloggers like this: