CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

10kii Oday ee Habarjeclo,Gartii ay qaadeen Reer Nuur wuxuu ka yidhi,”Habajelooy waa kuwaa Odayadiinii”.

Posted by Admin on October 26, 2009

 
rr army Xiagsho-Somalilandeye-(Ceel-baradaale-news)
Dhibaatada ka taagan Dooxa Ceelbardaale ee Ku yaal Degaanka Dilla ee  Nuur yoonis (Reer Maxamuud) waxaa abuuray Dad riixaya oo ka dambeeya Dagaal soo Sokeeye oo ka dhaca Awdal iyo Maroodijeex,(Hargeisa). Dadkaasi oo ay ka mid yihiin Hogaanka sare ee Xisbi ku sheega Kulmiye iyo Madax Sar-sare oo ku jirta Dawlada Maxaweyne Rayaale Kaahin.Ragga sida tooska ah iyo sida dadbanba ugu jira Colaadaasi,kana tirsan Dawlada Madaxweyne Rayaale Kaahin,waxay ku baahsanyihiin dhamaan maamulkaasi.
a).Badhasaabka Gobolka Gabiley ee ay dagantahay Beesha Dad Qalatob
b)Taliyaha Ciidanka Dawlada Mr, Nuux Basto
c) Taliyaha Ciidanka Poliska ee Degaanka Dadqalato ee Gabilay iyo ku xigeenkiisa.
d))Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleeban Gaal
e)Gudoomiye ku xigeenka Golaha Wakiilada C/siis Samaale iyo qaar aan ku daba jiro sida ay uga midka yihiin Kooxdan Dambilayaasha ah ee sida xorta ah u mara Suuqa Hargeisa.

Hadaba si loo qarxiyo Dagaalkaasi,waxa Mufdaaxa u wayn noqday,Mudane Saleebaan Gaal oo Horjooge ka ah Golaha Guurtida ee laga duway wixii loogu talogay oo ahayd Golaha ugu sareeya Wadanka lala daalaa dhacayo 20kan Sanadood in la sugo Xaduudkiisa iyo in laga badalo Gobolda Bari Lacagtii Siad Bare oo ilaa manta ka shaqaysa Magaalada Burco.Saleebaan Wuxu soo xulayn 10 Oday oo ka kooban Qoyskiisa iyo 2 Oday oo ka soo kala jeeda Samaroon iyo Ciise.Gudoomiyaha Kooxdaasina wuxu ka dhigay mid ka mid Odayada 10ka ah ee ka soo jeeda Beesha Habarjeclo ee ay ka soo jeedaan isaga iyo Axmed Siiraanyo oo ah Ninka loo wado meesha loo yaqaan”Cadkan-oow ama ku cunay ama ku ciideeyay”. Kooxdaasi u u soo xulay Saleeebaan waxay qorshihii ay wateen la fadhiisteen Tulada Kala baydh ee u dhaxaysa Dila iyo Gabilay.Muddo markii rog-rogayeen taladii lagu jabin lahaa Dawlada Rayaale kaahin,ayay isla garteen inay soo afjaraan Nabadii Ugacda ahayd ee ku jirtay Cufka Rayaale kaahin.Waxaanay xoog ugu dhawaaqeen in Beertaasi tahay Degaan ay leeyihiin Reer Dadqalato.Sidaa darted,maanta laga bilaabo Dhulkaasi lagu wareejo dadka loo xaqay.Hadii Dawladu sidaa yeeli waydana ay dhici doonaan dhubaatooyin ay adkaato ama la waayo sidii loo maaraynlahaa.

Maamulka Sare ee Beesha Reer,oo u Hogaaminayo Suldaanka guud ee Beesha Reer Nuur,Mud.Suldaan Suleyman Cali ayaa Cambaareeyay hadalkaasi ka yeedhay Guurti isku sheega,kuna sheegay Rag loo soo xulay u jeedo ka duwan tan laysku hayo.Waxa kale oo ay soo saareen Maamulka sare ee Reerku Bayaan ay ku iftiiminayaan,kuma cadaynayaan sida ay wax u jiraan.Bayaankaasi oo u soo saaray Suldaan Suleyman Cali wuxu cadeeyay sida xaqa ka fog ee arrinta loo maamulay iyo sida ay suurogal u tahay arin Hal Reer ay ka garnaqaan inay guulaysato,tii oo Halkaa Reerna lagu ogaa fudayd hore loogu maahmaahay Suldaan ay doorteen.

Marka layku wada duubo Nuxurka Jawaabta ay Reer Nuur ka bixiyeen hadalka ka soo yeedhay Guurti isku sheegii Horseeday Dhiigii Raggi Samaroon ee Dariiqa loo joogsaday,wuxu ahaa :Habarjecloo wataa Guurtidii Xulka ahayd ee Habarjeclo,wanaa kaa Gudoomiyihii Guurtida ee soo xulay,isku Reerka ay ahaayeen

Axmed Adan (Dit Camash Geeddiqsi)

 

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
%d bloggers like this: