CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

UJEEDDO: Bayaamin iyo Baaq ku saabsan Colaadda Beelaha Ab iyo Abtiga ah.

Posted by Admin on October 23, 2009

UJEEDDO: Bayaamin iyo Baaq ku saabsan Colaadda Beelaha Ab iyo Abtiga ah ee

Gabiley,Baki & Dilla.
Bayaamin iyo Talo ku saabsan Coladda CeelBerdaale.

Oct 23,2009.

KU: Xukuumadda Somaliland

KU: Golayaasha Sharci dajinta(Guurtida iyo Wakiilada)

KU: Dhammaan Ahsaabta Siyaasadda ee Somaliland .

KU: Dhammaan Madaxdhaqameedyada Somaliland .

KU: Dhammaan Shacbiweynaha Somaliland .

Bayaamin:

Murti soomaaliyeed ayaa tidhaa “Arrin dhammaan weyday waxa u sabab ah: qodob aan meeshaba ku jirin oo lagu daro iyo mid saldhigba u ah waxa laga garsoorayo oo laga saaro”.

Waxan hadaba dhammaan inta ay warqadani tooska ugu socota u bayaaminaya in murtidani ay soo koobayso sababta ay u dhammaan weyday colaadani soo jireenka ah

ee la dhex dhigay dadka walaalaha ah ee ka soo jeeda deegaanada ujeedada ku xusan.

Haddii aan sii iftiimiyo, colaadani waxay bilaabantay 1950 kadib markii uu ninkii la odhan jiray Sheekh Muxumad Raage uu ka yimid dalka Ethiopia; isagoo markiiba abaabulay xer diimeed oo uu ka urursady beelahani is-dhalay, gaar ahaan “Reer Xareed oo isagu ka soo jeeday iyo Reer Maxamuud Nuur oo ahaa dad aan degmo iyo deegaan u kala soocneyn – markaa intii xertiisa ka mid noqotay ayuu u abaabulay inay helaan dhul ay beertaan, sidaas ayaanu u soo dhex degay oo uu ku fadhiistay goobta la yidhaa “Ceelbardaale” oo aan Gabiley iyo Dila midna ka fogeyn; halkaasi oo laga siiyey beer sheekhnimo loogu gartay – wuu degay, beertiisiina waxay noqotay mid wax soo saarkeedu ka bato beeraha kale ee gaar gaarka loo leeyahay sababta oo ah xoog badan oo xertiisa ahna wuu haystay,khibrad beerasho oo uu ethiopia ka watayna wuu ku isticmaalay.Halkaa waxa ka bilaabmay in sheekha iyo xertiisa uu dhulkii ku yaraaday; isla markaana helay gacan dawladeed isagoo ku xidhmay madaxii ugu sareeyey Wasaaradda Beeraha ee Soomaaliya(Maxauud Ciise Jaamac – Wasiirka Beeraha ee Soomaaliya) oo run ahaantii ahaa nin cilmiga beeraha ku takhasusay waaya-aragnimo badanna u leh. Wax la is tusayba Maxauud Ciise Jaamac wuu ka soo ruqsaystay wasiirnimadii Wasaaradda Beeraha oo wuxu ku soo biiray xertii Sheekh Muxumad Raage isagoo abuuray mashruuc loogu magacdaray”Ceelbardaale” ama ceelbardaale Project; kaas oo loo helay maalgelin Maxamuud ka soo diyaarsaday Wasaaradii uu madaxda ka ahaa iyo hay’adihii mucaawinada bixin jiray sida USAID oo ugu badneyd maalgelinta la helay.

Sheekh Muxumad Raage wuxu bilaabay inuu xertiisii u kala qabiil sheego oo intii ay isku hayb noqon waayeen laga eryo mashruucii iyadoo lagu bilaabay in si qarsoodi ah loo dilo qarkood oo kuwii loo filayey inay ka horiman karaan ka mid ahaa; markii dambena dawladdaaba loo adeegsaday iyadoo loo tusayo inay nabadgelyada khatar ku yihiin oo ay mashruuca is hortaagayaan; taasina waxay keentay in dadkii xerta iyo mashruucaba ka midka ahaa ee ka soo jeeday beelaha Maxamuud Nuur, Basannayo, Jibraacin, iyo Gobe oodhamaantood Gadabuursi ah laga raro kolba halka ceelbardaaleynta la soo gaadhsiiyo; waxana dadkaasi aad loo laayey oo laga fogeeyey deegaankoodii iyo guryahoodii kadib markii Maxamad Siyaad Barre u waddanka xukunka milatari ku qabsaday – waxana la wada ogyahay in Siyaad Barre noqday Muxumad Raage isagoo sidoo kalena Muxumad noqday Siyaad Barre.

Hadaba; labada baadil ku heshiiyaa waqti ay gaadhaba waxa hubaal ah inay isku dhacayaan sidii ay Siyad iyo Ina Raageba ay ku dambeeyeen; iskoodna uga carareen xaaraantii ay muddo ku tamatuceen.

Guudmarkaa taariikheed oo sabab u ahaa colaadda la magacbaxday “Ceelbardaaleynta dhulka” waxan ula jeedaa in aanay macquul aheyn in loo adeegsado colaad sokeeye oo kala rarta dadka isku isirka ah ee wada dhashay ee is dhalay oo waliba dano siyaasadeed lagu dhex fushado dhiigga dadka walaalaha ah ee xaqdarada lagu daadinayo.

BAAQ:

Waxaanu aad u soo dhaweyneynaa cid kasta oo daneyneysa inay fahamto khilaafkani majara habowsan ee dhammaan la’ muddo qarni iyo siyaado ah; isla markaana dooneysa inay ka qayb qaataan xallinta iyo soo afjaridda colaadda sokeeye ee beelahani walaalaha ah. Waxaanu si gaar ah gacma furan ugu soo dhaweyneynaa baaqii “Beesha Ciidagale” ee ku talinayey dhameystirka iyo soo afjaridda arrintaasi.

Waxaanu cid kasta oo arrintaa isku xilqaanta u soo jeedineynaa inay saddex miduun u adeegsadaan xallinta colaadani:-

1- Xeer dhaqan oo loo xulo “Xeerbeegti” Somaliland oo la hubsaday aqoontooda xeer dhaqameed.

2- Sharciga Islaamka oo loo xulo guurti sidoo kale la hubsaday aqoontooda diimeed iyo Allah ka cabsigooda, maxaa yeelay muranka iyo mashaakilka diimeed ee nin walba Kitaabka Quraanka Kariimka ah iyo Sunnaha Nabiga(CSWS) u daliishanayo ayaan lagu wada kalsoonaan karin.

3- Sharciga baniaadamku sameeyey(siiba reer galbeedka) ee maxkamad la aqoonsanyahay dabaqdo oo isagana loo xulo dad aqoontooda la hubiyey.

Wixii ay saddexdaasi iska waafaqaanna waa wax cadaalad lagu hubo.

Ugu dambeyntii waxaanu ka digaynaa in laysku hawlo qaabkii horeba loogu khasaaray ee waxba lagu dhmaeyn kari waayey; waxana looga bixi karaa in marka hore la fahmo asalka dhibta jirta kadibna la gudagalo qaabka loo xallin karo ee aanay arrintu noqon qof cudurka “cancer” hayo in laga daweeyo “Hargab”.

Allah Mahad leh.

Wabillahi Towfiiq.

Maxamad Cabdullahi Xaaji Obsiyeh

Riyadh – Saudi Arabia .

Email: hajiobsiyeh@yahoo.com

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
%d bloggers like this: