CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

Shirar Gabiley ka dhacay iyo Go,aamo Isburinaya oo soo Yeedhaya.

Posted by Admin on October 21, 2009

 
 
dhiiraneWaxa beryahan socday shirar is daba joog ah oo u socday J/Abokor sida ay wararku nagu soo gaadhayeen.Shirarkaasi waxa ay ku saabsanayeen xaaladda colaad ee u dhaxaysa beelhooda iyo beelaha R/Nour.Waxa muuqatay in Darbi madaxa lagu soo dhuftay oo ujeedooyinkii colaadan loo abuuray aan haba yaraatee guul laga gaadhin.Waxa colaadan loo abuuray oo buuraha loo galay in:
1- la abuuro xaalad colaadeed oo keenta dagaal sokeeye oo galbeed ka dhaca oo ugu dambaynta loo kala Safto isaaq iyo Gadabuursi nabadda yar ee meesha lagu hayana lagu kala tago.
2- In maamulka yar ee meesha ka jiraa lagu bedelo jabhado is cunaya.
Inkastoo aan Teelo loo dhigan dadka ku nool degaanka dilla iyo Baki dhibaato iyo dhimashana loo gaystay hadana sidii loogu tala galay oo ahaa xasuuqweyn in loo geysto dhamaan beelaha Samaroon Min Gabiley ilaa Lawayacado ma dhicin. 

Waxana dadka degaankaas ku nooli ay muujiyeen difaac iyo dhabar adeyg Geesinimo leh iyadoo Culeys badan la saaray oo aan loo kala hadhin Iyadoo la isticmaalyey ciidan beeleed Taageero ka haysta Saraakiil Sare oo xukumadda ka tirsan oo aan daacad u aheyn maamulkooda iyo hanti ka imanaysay dhinaca mucaaridka gaar ahaan Kulmiye iyo Golaha Guurtida Gaar ahaan Garabkii Suleyman Gaal ee soo xulay gudidii Dhexdhexaadinta ee Diiriye ee fulinayey Ujeedooyinka Qarsoonaa ee suleyman Gaal.
Haddaba sida wararku ay sheegayaan khilaaf badan iyo is mari waa ayaa ka dhacay shirarkaas J/Abokor oo lo kala saftay Koox Muslaxo doon iyo koox uu hogaamanyey Dadqal Raage oo aminsan in mashruucii lagaga baxay fulinayey ujeedooyinka an kor ku xusay.Sidaa awgeed nin qoyani biyo iskama dhowree hawsha halkii hore ka wada.Waxana kooxdaas cabsida ugu weyn ee haysaa ay tahay heshisyadaas ay keeni doonan in Cadaaladda la hor keeno faldambiyeedkii ay ka geysteen Jidka Kalabaydh7/11 oo ay ku qasheen haldoorkii Samaroon.Iyadoo kooxda muslaxad doonka ahi aanay u muujin wax damaanad qaad ah oo ku saabsan jidgooyadii ay gaysteen ee gilgishay amaanka S/Land.
Waxa hadaba shalay aan maqlaynay Go,aamo lagu soo qoray Al-Jamhuuriya oo ku gabanaya magac Beeleed(Xareed).Lakiin waxa go,aanka soo saaray waa 25kii nin ee gaystay Jidgooyadii Kalabaydh ee 7/11 oo uu hogaaminayo Dadqal Raage.Kooxdii muslaxo doonka ahayd wax go,aano oo ay soo saareen ma jirto haba yaraate.Hadaba waxa kaliya ee loo baahanyahay nabadda iyo heshiis run ah oo belahaas walaalaha dhex mara saldhig u noqonkara Min Gabiley ILaa Lawyacaddo in la soo dhiibo 25 ka nin ee geystay Falkii jidgooyada isla markaana khatar galey nabadii lagu soo caano maalay 18 Sano.
Waxa kaloo aan maqlayey maalmahan intii ka dambaysay odhaahdii Caanka ahayd ee Faysal Cali Waraabe ee UNta Ceelberdaale iyo baaqii Prof:Ismaciil Mumin ee Ceelberdaale in xukuumadda laftigeedu ay bilowday dhaqdhqaaq ku saabsan khilaafkaas Ceelberdaale.Waxa Madaxweyne Rayaale uu la kulmay Odayaal ka socda Makaahiil(Samaroon) iyo Sacad Muse(H/Awal) oo uu doonayo inay Furdaamiyaan arinta Ceelberdale.Arin kasta oo muslaxo doon ah oo dadka walaalaha dhibtan Hargeysa laga soo abaabulay lagaga saarayo ma xuma.Lakiin inkastoo arintu ay bilow tahay midda kaliya ee ii muuqatay waxa weeye in arinta loo galo Makaahiil iyo Habar Awal.Waayo Sacad Muuse waxa uu u dhigmaa Yoonis.Yoonis waa Afar Sida Sacad Muse.
1-Nour Yoonis 2- J/Yoonis 3-Aden Yoonis 4-Ali Yoonis.
Sacad Muse isna waa Afar udhigma afarta ilma yoonis.
1-Xuseen Abokor 2- J/Abokor 3-Abdale Abokor 4-Ugaadh Abokor
Marka Makayl dheere(Reer Ugaas) Bahabar Cabdale iyo Celi Makahiil waxay udhigmaan Ciise Muuse oo aan shirka ku jirin.Markaa waa in Ciise Muse lagu soo diraa oo ay noqotaa Makaahiil iyo H/Awal.Jilibada Makahiil iyo Ciise Muse oo colaada aad uga fog marka loo eego Yoonis iyo Sacad Muse degaan ahaan wax bay ka qaban karaan wayna furdaamin karaan arintan hadii laga saaro gacanta siyasadda ee la xiriirta doorashooyinka ee ah AWR KACSIGA .

Mohamed dhiira

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
%d bloggers like this: