CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

Rayaale markuu Maqlay Reer Nuur Iyo Ciida-Gale buu Olale bilaabay Miyaa?

Posted by Admin on October 21, 2009

 

Daahir rayaale Waxa wax lala yaaba ahayn inuu Rayaale bilaabo oo uu yidhaa waxan samaynayaa arin dhexdhexaadin ah aan kala tashanayo docaha u dhaw dhaw laba reer J/abokor iyo Reer Nuur,isagoo markaa u yeedhay odayaal reerka uu ka soo jeedo ee Jibriil Yoonis,iyo Odayaal Sacad Muuse oo ah reer kale uu u yeedhay.lehna waxaan soo afjarayaa ama xal u raadinayaa colaada ceelbardaale ee gardara iyo kibirka ku curatay.

Arintani hadaba waa waxba kama jiraan,uu Rayaale wado waayo waxa meesha yaal muu is waydiiyay iyo isaga qaybta uu ka yahay iyo sida uu ilaa bilow ilaa hada uu u wado.

Hadaba Rayaale ma is waydiiyay arimahan:-

 

1-Dhulkan ma J/abokor baa sheeganaya mise Ina –Raage oo leh waa mashaariic aan waraaqo u haysto.oo dhul laba reer isu haystaan mise waa dhul nin sheeganayo

2-Ma degaanka Gabiley baa Mise waa Baki/Dilla.

3-Muxuu ka ogaa ergadii Xukun qarqooshka ee Kala-baydh,ee beenta sheegtay, ee uu soo diray ,hana la waydiiyo isla ergadaa cidii dhulkan ku dacwiyaysay.

4-Yaa weererka iyo dagaalka bilaabay aase maanta ummada Somaliyeed og tahay falalkii axmaqnimada lahaa ee Musaafirkii lagu qalay ,wiilkii 10 jirkii la xabaal nololiyey iyo Gabadhii iyo odaygii curyaanka ahaa ee iyagana lagu dilay iga oo xoolahoodii la jooga.

5-Rayaale ma soo qabtay raggii waxaa falay waa uu og yahay halka ay joogaane.

6-Dadka uu leeyahay reer Nuur Bay tol u yihiin Reer Nuur Muu ku qanacsan yahay tonimadooda.

7-Rayaale ma og yahay dhul intee le’eg baa reer Nuur ka maqan guud ahaana Gadabuursi.aaway arintii Banka Wajaale iyo Madar iyo Qadow.

8-Rayaale ma ogyahay cida Gabilay leh,ayuuse u haystaa inay leeyihiin.
9-Isaguse qayb intee le’eg buu ku leeyahay.amaba uu ka ogyahay xaalka dhulka reer Nuur ee duulanka lagu yahay iyo waliba inta ka maqanba.

 

 

Hadaba anuu waxan uarkaa arin vote in uu wado oo uu leeyahay Reer Nuur Ina-Cali waraabe bay  raaceen,maantana tolnimaa u dheeratay.ee bal soo dhaqdhaqaaji arintii Ceelbardaale,hadaba gabagabo waxaan sheegayaa anoo kor ugu dhawaaqaya Rayaale Reer Nuur Iyo Gadabuursiba dhabka ayaad ka toogatay waxaan ku hoos dhamaanayna ee na lagu xasuuqayna waa xunkaaaga hoostiisa,J/Abokor waan is naqaan ninka wax u haystaana waa adiga,waxaan ku leenahay qaado tolnimdadaada ,hadaal tol tahay boqolaalka ciidanka ee isu haybta ah maad dul dejiseen dhul aan dhibi ka jirin oo aan cidi isu hayn ,reer Nuur se waxay kuu hayaan tii C/raxmaan tu ka daran,oo wiilka wiilkiisu iloobayn.

 

Ciida-Galana waa tolkayo ama ku farax ama ku dhimo siyaasigayaguna waa Faysal Cali-waraabe isaga ah next president of Somaliland

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
%d bloggers like this: