CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

IRIN Warbixinteedu waa hal dhinac ,waana calooshooda u shaqeystayaal.

Posted by Admin on October 17, 2009

 
 
dhiiraneWarbixintii IRIN ee ku soo baxday Hiiraan waxay aheyd warbixin dhinac kaliya u xaglineysa oo xaqiiqda ka fog dhibta ka
taagan degankaas.Waxa taas kuu cadaynaya waxa ay wareysteen laba qof oo J/Abokor ah.Kuwaas ah dhinac kaliya difaacayey kuna soo ururiyey hadalkoodii dagal u dhaxeeya xoogaga R/nour oo xukumadii maxamed siyaad bare taageerayey iyo J/Abokor oo taageerayey SNM.Iyagoo iska indha tiray mashruucan ceelberdaale cidda samaysay ee shirkadda ku aheyd in ay aheyd xukuumaddi siyaad bare iyo Ina Raage oo ah J/Abokor oo dhacay dhulkii R/Nour. Markii Xukuumadii Siyaad bare dhacday ay shirkadiina baaba,day dhulkii la dhacay ayaa dadkii xaqa u lahaa soo degeen welina way deganyihiin

IRIN waxa xogta siiya ceelberdaale una turjuma Haatuf News.Haatufna rag ka tirsan waxa ay qeyb ka ahayeen boobkii mashruuca Ceelberdaale ee dhulka R/Nour laga dhacay wakhtigii Kacaanka iyo ka hor ba oo Maxamud Ciise oo ahaan jiray Wasiirka beeraha ee xukuumadi Cabdi rasaaq 1960ki.Waxa uu shaqadiisi uga tagay inuu Mashruucaas boobka ceelberdaale uu maareeye ka noqdo waanu ka noqday isagoo hanti xaddhaf ah oo xukumadeed galiyey si boobka dhulka R/nour e ceel berdaale loo suura geliyo.
Haddaba manta weli IRIN iyo Haatuf waxa ay weli qorayaan wax laga yayaqsooda waxana ay wareysanayaan J/Abokor oo Keliya oo ah hal dhinac.Mar kaliya ayey wareysrteen IRIN masuul ka tirsan Degmada dilla oo ah Ceelaabe Maxamuud taas ayaa kuu cadaynaysa in warbixinta IRIN aanay dhexdhexaad ahayn ee ay yihiin calooshooda u shaqaystayaal. Turjumadda ingiriisigina ay ka caawiso Haatuf oo qeyb ka ah colaadda ceelberdaale.IRIN S/Land ma aminsana Isaaq iyo Samaroon inay jiraan waxay ka jeceshahay inaanay jirinba.sidaa awgeed warbixinteedu waa uun dira diraale aanay dani ugu jirin dadka dhibtu ka dhaxayso ee dhimanaya.

Mohamed dhiirane

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
%d bloggers like this: