CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

Mashruucii beeraha Wajaale halkuu ku danbeeyey‏!!!!

Posted by Admin on October 15, 2009

Jufa Uurey Ruqi-Waxa aan halkan kan kaga hadlayaa oo aan doonayaa inaan idin xusuusiyo halkuu ku danbeyay mashruucii ay lahaayeen ilaa  gumaystitihii ee  markii danbane ay dawladii siyaad bare  ay iskaashatooyinka uga dhigtay ee ay lahaayeen beesha reer Nuur maanta halkuu ku danbeeyey.
Haddii wax yar aan idiin bal balaadhiyo markii ay dawladii siyaad bare dhacday 1991 intii kadanbaysay ilaa 1997  waxa gacanta ku hayey dadkii lahaa intii ka danbaysay ayaa waxa soo dhex galay rag u dhashay awdal oo ka tirsanaa dawladii ina cigaal dana gaar ah ka lahaa dhexgalkaasi.ayaa soo jeediyey in la xidho oo aan cidina qodan oo dawlada lagu wareejiyo oo dadkii iyo xoolihiiba laga qaado oo  ciidan meesha la soo dijiyo.
Hadaba ma u dhacday sidii go;aanku ahaa , maya lama yeelin ee dhinac ayuun baa laga xidhay oo lagala wareegay beerahoodii dhinacaasi waa dhinaca waqooyiaga ee beesha reer nuur  ee dhinicii bariga xigatay ciidana lama soo dijin xoolahoodiina looma diidi ,
Imika hadaba waxa aad aragtaa in meeshii rag magac dawlo sheeganayaa ay iibsadaan oo dadkii lahaa xoolahoodii laga celiyo oo laga iibiyo ganacsato aan deganka ahayn  oo ku naaxsada xoolahooda kuwii lahaana xitaa iibkii ayaa loo diiday ,
kuwii xaqa u lahaana in  xataa laga iibiyo waaloo diiday waxa waxa wadaana waa rag magac dawlo huwan oo hadana reer ah
markaa dadkii lahaa mashruucaa ee imika xooga laga haysto ma cadaalad baa sidaasi mise
waxa la doonayaa in beesha reer nuur lagala dagaalamo dhaqaalaha ,madaama loo diiday xoolahoodii in ay daqaanba,
mida kale imika waxa aad arkaysaa kiwii ku lamida in lagu wado oo hadana markii kaa laga hadli waayey in hadana dagaanadii kale ii reer Nuur weerar lagu soo qaado oo ciidan la dulkeeno oo reerihii la qixiyo oo xoolihii la xado iyadoo hadana shaadh dawlo xidhan .
Markaa waa dagaal cad oo lagu hayo beesha reer nuur oo aan geedna loogu soo gabaneyn wali lama hayo dad degaankoodii xoog laga haysto oo aan ahayn beeshaa Reer Nuur aan kor ku soo sheegay hadaba maxay tahay dawladan la sheegayaayi  ma tu loo samaystay baa beesha reer Nuur  oo degaankoodii ku soo duushaybaa mise sidan bayba cadaalad mooday in la cadaadiyo beesha reer oo aan neefna soo galin.

Beesha Reer Nuur hore waxa u ahayd tii baa’ba iyo dagaalka joogtada ah ay SNM ku haysay iyagoo baa’biyay magaalooyinkoodii,iyo degaanadoodii waxtarka lahaa,wali wax  lama hayo wax wanaag ah oo Somaliland u soo Reer Nuur oo aan ahayn qaxin dagaal joogta ah oo dhan waliba,maantana Somaliland waxay hiil u soo raaceen Dadqalka Ina-Raage kaas oo ahaa ninkii fuliyey falkii lagu xasuuqay safarkii wadda 11\july 2009,oo ciidama ku sheega Reer Isaaq (SNM) ay hiil iyo garab siinayaan Dadqalka ,dadkii falkii gaystana ahaayeen kuwaa loo hiilinayo ,waxa maanta degaankii Ruqi,Gali-Galool iyo Ceelbardaale la soo dejiyay ciidan hiil ah,oo dhul fidsi wadda.

Waxan Ummada Gadabuursi u sheegaynyaa in dhulkii Gadabuursi Rayaale ka soo duubayo Bari ilaa Boorama,please maanta wax aad dhawrataan ma jiro,waad arkaysaan inaad Gabiley la idin waydaarshay oo rag maanta sheeganayaan.

Waar ogaad marbay Geeridu Nolosha dhaanta.

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
%d bloggers like this: