CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

Aqoonyahanka reer Awdal oo ka hadlay arimaha siyaasada ee Rayaale

Posted by Admin on October 4, 2009

 

                                    awdalflag              

  Boorama(Awdalpress)Oct 3– Xisbiga Kulmiye ee G/awdal ayaa maanta kulan lagu taageerayey go’aanadii beesha caalamku u soo jeediyeen khilaafka siyaasadeed soomaaliland ee dhawaanta ay kala saxeexeedeen saddexda xisbi Qaran ,ku qabtay xarunta xisbigaasi ku leeyahay Boorama .Kulankan oo ay kasoo qaybgaleen xubno ka tirsan G/dhexe ee xisbiga Kulmiye ,masuuliyiinta maamulka xisbigaasi ee heer gobol, salaadiin iyo taageerayaasha xisbigaasi ee degaanka Boorama iyo haweenka iyo dhallinyarada xisbigaasi


 

 

Ugu horreyn waxa halkaasi ka hadlay Suldaan Cabdi Geelle ,oo yidhi “waxan halkan isugu nimi in aan taageerro heshiiskii dhawaan axsaabta qaranku ku soo afjareen khilaafkii siyaasadeed,Waxan ammaan u jeedinayaa cidkasta oo heshiiskaasi kasoo shaqaysay ,kuwaasoo uu ka mid ahaa Gudoomiyaha G/guurtida suleyman maxamuud aadan iyo xitaa golaha wakiilada ,madaxweynaha oo an markii hore adadayg ka dareensanayn.Waxa kale oo iyaguna kasoo shaqeeyey labada guddoomiye xisbi mucaarad oo kala faysal Cali waraabe iyo Axmed Siilaanyo.Soimaaliland weligeedbamarkay yaabto ragbaa u soo baxa oo ka saara Xaaladdaasi ,ilaahayn wuu la garab galaa,sidaa darteedna waa inaan ku taageerro”

Prof Ismaaciil Muumin Aare oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “sida horeba loo sheegay xisbiga Kulmiye ee G/awdal ,aadbaan ugu faraxsannahay inaan maqallo heshiiskaasi ,anan bogaadinno hawlihii laba bilood iyo laba sannadoodba la isku haystay .wax qof leeyahay la iskuma dilo.waxan ku faraxsannahay in kurbabdii dalka ka baxday .Guriga madaxtooyada waxa ka muuqday waaad arkayseen ,waana ka muuqday wiii dalkani ku dhisnaa ee ahaa wada tashi iyadoo ay ka muuqatay waddanimo ,haddaan kulmiye nahayna sidaan doonaynay ayey ku dhammaatay ,ciyaar ciyaarna kuma iman ,qaybaha bulshaduna uma kala hadhin iyadoo Ramadaan lagu jiray ,intii ka shaqaysay allaha ka jesaai siiyo .Waxa si gaar ah loo xusay sida guurtidu arrintaasi u fulisay aadbaanan ugu hambalyeynaynaa mar hadii ay dalka badbaadiyeen.Wadashaqayn uunbaan wax ku nahay .Waxanan maamulada gobolada ,ciidamada iyo masuulyiinta dawladda had iyo jeerna xisbiyada mucaaradka moodaya inay yihiin cadow dalka ku soo degay u sheegeynaa inay arkaan xidhiidhka ka dhexeeya iyaga iyo dawladda sare .

waxa hoggaankii dalka iyo xisbiyada mucaaradka ka dhexeeya ee ah waddaninio.Waddadii caddayd ayuu cagta saaray dimuqraadiyaddii mana oggolin cid doc ka wareen ku samaysa .

Haddan kulmiyenahay waxa waajib ah ,in mar haddii heshiiskaasi dhacay ,waxan diyaar u nahay inaan dadka u soo bandhigno waxqabad xisibigu ku talo jiro iyo isbeddelka uu maagganyahay Xagga saxaafadda ,waa la korey ,waa loo soo halgamay waxayna maanta ku biireen xoogagga nabadda raadinayey,sida Yuusf Cabdi Gaboobe iyo cukuse ,waxase maalmahan jiray in Haatuf naga faasfiso warar an sal iyo raad toona lahayn.Weriyaha Boorama labadayada guri way isku dhawyihiin Ismaaciil baa lagu celceliyey,wuu i weydiinn karayey waxa afar casho ka hor uu faafiyey.waan ka xumahay ,waaxan leehay walaalkay naga ilaali iskudhufashada oo nabadda nala tol.

Ismaaciil Isaga oo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Guddoomiyaha guurtida ayaan baaq u dirayaa, baaqaas oo ah Ceelberdaale saleymaanoow miyaad dhammayni mise beesha caalamkaad ugu yeedhi ,raggii xuquuqal insaanka ee soomaaliland aadbaan u dhaliilaynaa sida ay uga aamuseen wixii ka dhacay jidgooyadii kalabydh iyo dila, arrintaasi nabadda geeska Afrika ayey wax yeeshay, welina lagama jawaabin falkii dhacay, xukuumaddaaa lahayd waajibkeeda,wayna ku faylgarowday”, Waxaan leehay hadii laga aamuso qadiyadaas waxaan gaadhsiin doonaa Caalamka oo waxay noqon doontaa mid weyn.

Axmed Xuseen oomane ,wasiirkii horre ee kallumaysiga ,oo isna halkaasi ka hadlay ayaa isna yidhi “ujeedada aan isugu nimi waa la sheegay .oo waa bogaadinta heshiiska dhacay .Hehsiikaasi kuma iman si sahlan kuma iman .,waa looso halgamay ,habeen iyo maalinbaa loosoo jeeday ,qaylaa afkka lakala wasxay .Halkan waxan maqalayey qolooyin an hambaloyo mutaysan oo la hambalyeynayey .saleeman iyo raggaasi way mutaysteene,waxan leehay hadday garteen inay baqaan way mutaysteen in la bogaadiyo ,markay daaqadda ka arkeen mujaahidiintiin oo tuute sidata ,ayaa heshiiska la aqabalay.Waxan intaa ku darayaa ,waxan maqlaa yaa guuleystay yaa se laga guuletstay .waxan leehay waxa guuletstay soomaaliland ,waxa guuleystay sharcigii iyo dimuqraadiyaddii ee cid kale ma guuleysan .sannad iyo badh wixii la isku hayey ayaa fanali ninkii lasoo qaban kari la’aa oggolaaday .soo joogso ninkii laga waayey soo jiifso ayaa laga ahelaa .

Waxaa lagu heshiiyey ee lixdaa qodob ah,gacantii qaadqaad barata gudmudkaa dhaqdhaqaa,kalsooni kuma qabo UDUB,beesha caalamkana waxan leehay waar ha naga tegina Shakibaan ka qabaa .in wixii uu saxeexay uu filyo ninkaasi, horaan nusoo aragnay ,shalay markii la galay qodobkii u horreyeyba meel an meel ahayn buu istaagay ,waxa uu yidhi hala eryo gebi ahaanba komishan ka halkii laga eryi lahaa afartii nin.haddii kale allaahu yaclam waxay noqon doonto.

Xoghayaha xisbiga KULMIYE ee G/awdal ,cawil Cali Bile oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi ‘waxan marka hore hambalyo u dirayaa golaha guurtida oo raacay ama go’aansaday inay fuliyaan waxay shacbigu doonayeen .shacbiugu wuu ka cadhaynsaa kordhinta .Waxa kale oo aan hambalyo u dirayaa madaxweynayaasha xisbiyada qaranka .

C/laahi Ismaaciil Oogle oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “waxan hambalyo u dirayaa Suleymaan maxamuud adan ,waxanban cambaareynayaa ninka la yidhaa Boqor Buur madow ,oo noqday makarafoon isagoo dhawaan soo hadalaqaaday arrimaha komishanka, ragga moodaya in Rayaale gobolkan wax u tarayoow ogoow inaanu irbad dun u gelinin ‘

Gudoomiyaha  xisbiga Kulmiye ee G/awdal Ibraahim Aaden Qaalib oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi ” waxaan ogaanay inaanay jirin cadaawad ka dhaxcaysa xisbiyada qaranka ,waanad arkayseen siday isku salaamayeen markii ay heshiiska saxeen. Asalkaba lama helo waxaad doonayso inaad sidiisa u hanato ,wax tanaasulaasd la yidhaa ayaa la sameeyaa oo lagu gaadho guusha .waxanse ku niyadsannahay dhaqangelinta heshiiskaasi inay dhinacyada saxeexay fulin doonaa,.dastuurka soomaaliland wuxu leeyahay ,shareecada islaamka wax kasta oo maamul ah la hoos keenayaa .in taloo wadaag lagu qaato go’aanada ,isku dheelitirka golayaasha hoos u daadejinta maamulka dawladda ee madaxweynaha uun xil kasta loo tiriyo ,khayraadka dabiiciga ah oo la qaybsado .si loo soo celiyo kalsoonidii dawladnimada waa inaan qodobadaasi loo tarjuman nin kastbaa sida uu doonayo ,xasaasiyad bay keenaysaa, hana loo daayo fulinta heshiiskaasi dhinacyada uu khuseeyo sida xisbiyada iyo golayaasha .

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
%d bloggers like this: