CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

BAAQ DIIDMO HAWLAGALADA CIIDAN BEELEEDKA ISAAQ EE DHUL FIDSIGA KU JIRA

Posted by Admin on September 23, 2009

Somaliland flagKU: SALAADIINTA REER AWDAL IYO GABILEY (GADABUURSI).

KU: SIYAASINTA XORTA AH EE AWDAL (NON-ISAQ IDEALOGY)

KU: SARAAKIISHA CIIDAMA AWDAL IYO GABILEY.

KU: NAFTOOD HURAYAA KADLEEYE-ARMY EE DEGAANADA DILLA IYO BAKI.

OG: QURBA JOOGA AWDAL/DJIBOUTI/GABILEY/JIGJIGA

OG: AQOONYANKA IYO URARADA DIBADA (AF, AADRA, FAV, DA’SAMO)

 

Waxan wadda ognahay tacadiga iyo xasuuqa lagu hayo ummadda Gadabuursiga ee degan Awdal iyo Gabiley,iyadoo la arko dhacdooyinka maalinba maalinta ka dambaysa isa soo taraya iyadoo nabadii Gadabuursi-Bari faraha ka baxday.

Hadaba ka dib markii J/abokor ogaaday inay kaligood maamulkii Gabiley gacanta ugu jiro iyagoo Isaaqiya ka faa’idaysanaya laguna taakulaynayo,dadkii degaankaa  lahaana ee Gadabuursina maanta aanay waxba ku ahayn ee ay gacanta ugu jirto reer kaa yar ee ka faaideysatay kala daadsanida Gadabuursi ,nabad jaceylka ,tolaay iyo dhul fidsi Isaaq isu og yahay,ee ay waligood ku taamayeen taas oo dadkii lahaa Gabiley ina-Rayaale ku badashay Madaxnimo maxlal ah,oo wax dan ah noogu jirin, maantana aan arkayno dhibteed ii isaguna carar ku dhaw yahay.

Hadaba iyadoo 100% maamulka dawliga iyo degaankaba uu gacanta galiyey reer Minorty ah oo SNM baan ahayn iyo reer Sheekh Isaaq maanta gacanta uu galiyey Rayaale,tolkiina looga oon ognahay laga bilaabo Bulo-xaar ilaa Wajaale in bilaabeen ku qabso ku qadi mayside,ka dibna uu ugu Rayaale daray Gobol la yidhaa Gabiley,maantana colaadoodu tahay degmo gobol u guuraysa oo dhul booba hubsana meesha ay dabada ku hayaan,

Hadaba amaana kugu raagtay yadaa la mooda baa la yidhi,J/abokor nabad baa laga door bidiyey muran iyo dagaal dhul hadana way soo kaceen waxa ay ku soo riyoodeen dhul aanay walugood arag oo ula baxeen ceel-bardaale(Ceelbardaale waa beertii Cige Caateye Odawaa) waana la garanayaa inta ay le’ekayd hadaba ama Mashruuc ku sheeg ama Iskaashato ku sheeg ,waxad Gabiley,Arabsiyo,Kala-Baydh ,Madar ,Qadow iyoKalabaydh nabad ku seexan markaad ogaaalato xadkii 1945 ee Isaaq iyo Gadabuursi,uu Ingriis inoo kala madeeyey ee ahaa METERKA taas maanta waraaqaheedii la hayo,waayo adaa waraaqaha jecel iyo Ingriisba ayay nabadi iman.

Baaquna waxa weeyi ciidamadan la soo dhul aan abid rasaas askari lagu arag ee la soo dhoobey dhulkoo xoola daaqeenka ah ee reer Isaaq ,waa in loo sheego inaan dhulkan laga rabin,haddii ay Darfuur ka dhigayaana dagaal waa kaa socda,waxan leenahay waa in aan loo ogolaan in la idiin dawladeeyo,Nuux baasto waa nin bilaa dhul ah,ilaa 2005 waxa bilaabay J/abokor dhul u raadi General Xudhuun waa kuwii xeeb isu rasaaseeyay markii wareer ula tagay.

Hadaba Gabagabo Ciidanka Caawa Ruqi jooga eel eh waxan wadnaa nabad ee ciidamada ha la kala qaado waa ceeb waa khalad inaad ogolataan maaha la dagaalama ,hubkana ka qaata waa 100 nin oo toban tiknika ah wata.

Kuwa sooryeeyayna waxa idiin haystaan inaad laaluushaysaan.

Xoolihiinii la dhacayna iyaga ayaa inaga dhacay,kuwa raggii qalayna waa iyaga,kuwa maalin waliba duulanka idinka idin ahina waa iayaga ,ee Afganistan waa Nato waxa ay difaacayaan,Odayaal dhalintu kaalintoodii way ka soo baxeen ,waxa laga jabay kaalintii Saraakiisha ,Aqoon yahanka ,iyo Odayada.

Waxanan Hambalyo u dirayna Kadleeye-Army oo si geesinimo leh u jabiyey dad-qalatadii iyo Dumarkii Durbaanka la daba-boodayay oo dubaanaddiina laga reebay.

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
%d bloggers like this: