CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

BAAQ KU SOCDA REER ADAL (AWDAL-WEST& AWDAL-EAST)

Posted by Admin on September 22, 2009

 
 
awdalflagSept 21, 2009. Anagoo ah ururka codka madaxa banaan ee Adal (Adal independent Voice) Waxaan aad uga tiiraanyeysanahay shuhadadii ku dhimatay ama ku dhawacantay weerarkii Gardarada ahaa ee lagu soo qaaday dadka reer miyiga ah ee dagan degmooyinka Dila iyo Baki. Ma aha weerarakani kii ugu horeeyey laakiin waxa uu ka mid ahaa weeraro isdaba joog ah oo muddo sanad ah si badheedh ah loogu soo qaadayey dadka degaankaas degan. Waxa weeraradaasi ay bilaabmeen bishii Oct.2008 markii loo diiday dadka degaankaas degani inay is diiwaan geliyan. Weeraradaas Gardarada badheedhka ah oo ay dad badan oo Reer Adal ahi ay ku dhinteen qaarna ku dhawaacmeen qaarna ku Baro kaceen.Waxa soo raaca dilkii foosha Xumaa ee ka dhacay Jidka ee lagu qashay Haldoorkii reer Adal ee 7/11 2009. Tasoo aan hore uga dhicin geyiga aan ku noolnahay.

Dilkaa foosha xun ilaa iyo maanta lama hayo cidii falkaa geysatay. Dawlad iyo shacbiba waxaan aaminsanahay in aad looga gaabiyey wax ka qabadkiisi. Dad reer Adal wax talaabo ah oo ilaa iyo hadda ka qaadeen ma jirto waxanay ka dhur sugayaan in xukuumad iyo shacbiba arinkaa jawaab laga keeno cidii falkaas geysatay. Dad badan oo S/land ah iyo Soomalida kaleba ayaa idinku amaanay sabirka ay muujiyeen Reer Adal anaguna waan la qabnaa sidaas.

Hase yeeshee taas macnaheedu maaha inaan ilownay dhiigii walaalahayo oo Safar ah oo lagu qashay jidka Kalabaydh. Raggi la dhashay ragaas oo hubeysan oo aar goosankara ayaa ilaa imika Reer Adal horjoogaan oo garba duub loo hayaa si aanay u dhicin aar gudasho foolxun oo la mid ah tii jidka ka dhacday. Waxaanan waxaas oo dhan u yeelaeynaa inaanay dad aan waxba galabsan gacani waa miiskiine birtu ku dhicin.

Iyadoo xaaladahaas aan ku jirno ayaa hadana waxa noo soo raacay in duulaan joogta ah iyo weerar lagu hayo dadkayagii deganaa degmooyinka Dila iyo Baki. Weeraradaas oo keenay dhimasho iyo dhawac hor leh. Dadkaas dhimanaya waa reer miyi aan haba yaraatee wax shaqa ku laheyn sababta dhimashadooda oo ah Herdan Kursi oo ka socda Hargeysa. Waxa u dambeysay weerarki shalay dhacay oo sida la sheegay loogu aar gudayey dadkii askartu ku dishay mudaharaadkii Hargeysa.
kaasoo qeyb ka ah herdanka iyo loolanka kursiga madaxtooyada ee Hargeysa.

Sabirka iyo dulqaadku mar buu Raganimo yahay, laakiin hadii xadkiisii uu dhaafo wuxu ku dhaxalsiiyaa nacasnimo. Sidaa Awgeed reer Adal wixii aan u samirnay ee rageenii u garbaduubnay aarsankari lahaa iyo waxa la inoogu Jawabay waa kala haab. Waa kaaf iyo kala dheeri.

Sidaa Awgeed waxan ugu baaqeynaa Salaadiinta ,Waxgaradka Dhalinyarada,Culimada,Hooyooyinka agasha sida iyo dhamaan Ururada iyo bulshaweynta Reer Adal inay Bayaano Cad soo saaraan oo ku aadan xaladahaas dadkeenii ku habsaday.
Waxan rabnaa inaad muujisaan bayaan cad:

  1. In la helo oo la qabto dadqalatadii geysatay falkaas foosha xun .
  2. In dambiilayaashaas iyo intii ka dambeysaba sharciga la hor keeno.
  3. In weerarada gadarda ah la joojiyo ee lagu beegsanayo dadka reer miyiga ah ee degan degmoyinka Baki iyo Dila.
  4. In dhamaanba la joojiyo dacaayadaha iyo cagajugleynta ay faafinayaan saxaafadda iyo idaacadaha u adeegaya herdanka iyo loolanka ka socda Hargeysa ee lagu xalaaleysanayo dhiigga reer Adal.

Cawaaqibka :

  1. Hadii la soo qabanwaayo dadqalatadii geysatay falkaas foosha xun ee 7/11, Ragii la dhashay haldoorkii jidka lagu qashay waan ka fureynaa Garbaduubkii cawaaqibkeedana idinkaa iska leh.
  2. Dadkayaga degan degmooyinka Dila iyo Baki cidna ma weeraraan waxay naftu baday is difaacaan. Hadii markale la soo weeraro sidii caadada aheyd marka Herdanka Hargeysa ee kursiga la isku mariwaayo. U DULQAADANMEYNO WAXAANAN U ARKI DOONAA WERAR LAGU SOO QAADAY BULSHAWEYNTA REER ADAL. JAWAABTEDANA WAAN BIXIN DOONAA.

Hadaanu nahay codka madaxa baanan ee Qurbajooga Adal (Adal independent Voice) AIV Waxaan idinka sugaynaa bayaankaas Cad hadaad tihiin Reer Adal ka ku nool dhulkii. Waxan sidaas uleenahay Codkiina lama dhayalsankaro, iska daa qabaail Somali ah oo dani idinka dhaxayse eh. Mustacmarkii Ingiriis oo ahaa Super Power ayaad codkiina Aqbalay oo aan dhalyasan oo aad Harag ka saxeexden badda Saylac 1884.

Mohamed Dirane
Adal independent Voice

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
%d bloggers like this: