CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

Hargeysa gubanaysa maxaa iiga gidhiisha

Posted by Admin on September 12, 2009

HargaysaCeelbardaale-news(Dilla) Waxaa cadaadtay inuu Rayaale iyo xukuumad ku sheega Isaaq aanay warba u hayn inay tacadiga lagu hayo shacbiga reer Awdal iyo Gabiley,taas oo aan wali la soo qaban dadqalatii fulisay dilkii foosha xumaa ee ka dhacay deegaanka Xuunshay ee u dhexeeya Dilla iyo Kalbaydh.iyadoo raggii falkaa gaysatay ay wali iska joogaan Gabiley iyo Hargaysa.Dawlad soo qabataa aanay jirin.

Hadaba miyaanay ogayn in Ilaahey caadil yahay oo,tacadiga lagu hayo dadka masaakinta ee degan beriga Baki iyo Gabileyba ee (Gadabuursi-Bari),dadkaas oo xoolahadoodii maalkoodii ,beerahoodii  la dhaco iyo xaqii ay ku laahayeen inay maamulaan naftooda aanay marnaba ka helin maamulka Rayaale, iyadoo qabiilka Isaaq u adeegsanayo nidaamka Somali-diidka ee Hargaysa ,iyada oo waliba ciidamo la dejiyay degaankii ay xoolahadooda iyo iyaguba deganaayeen, ciidankaas oo uu soo dejiyay Gaashanle Nuux-Baasto,oo dhul raadis u ah tolkii.Rayaale oo asal ahaan ka soo Gadabuursi-Galbeedna aanu marnaba tacsi iyo ficiltoona ka muujin.wax arxana u galin.

Hadaba Ilaahay waa Caadil e,waataa maanta Hargeysa ka dhacaysa, sii socon doonto haddii aanay garawsan Isaaq dulmiga ay kula dhaqmayaan dadyowga kale ee kula deegaanadaas aanayna ka waantoobina,anigada iyo hunguri waynida iyo wax waliba isla jaceylka iyo waliba dulmi isku garabsiinta qabiiliyeysan.

Gadabuursina waxaan leeyahay Ilaah ha inaga dad dareen leh,oo wax ku qaata waxa dhacaya ee aad arkaysaan.ee waa inaad Hargeysa isaga guurtaan,waayo walaalayaal khatar baad ku sugan tihiin.

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
%d bloggers like this: