CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

Xasuustii Dhacdadii 7/11 July 11 2009.

Posted by Admin on September 11, 2009

 
 
zpp4Ceelbardaale(Xigasho-Warsanmag)Labo bilood ayaa ka soo wareegtay 7/11(July11/09)Maalintii Madowbeyd ee haldoorkii Samaroon oo Safar ahaa Jidka Kalabaydh lagu qasahay. Isla sidoo kale Sanad ayaa ka soo wareegay oct/o8 Malintii Xabadda lagu bilaabay dadka degan degmooyinka Dila iyo Baki oo loo diiday inay is diwaangeliyaan.

Waxa dhacdooyinkaa ku naf waayey dad tiro badan oo aan waxba galabsan oo dhiigooda loo xalaaleystay in Kursi lagu fuulo.Dabkii halkaas laga shiday waxa uu gaadhay Maanta Hargeysa wakaa Barlamankii Rasaas la isku beegsaday.Sabtida sida la sheegay way ka darnaan oo waxa la filayaa isku dhac hubeysan oo dhex maraya xoogaga kursiga ku herdamaya.Ninkii u heystay dabka galbeed laga shidaa meel kale gaadhi maayo,Waxan ku sheegaynaa dabkaad Galbeed ka shideen Hargeysa ilaa iyo GAR-ADAG ayuu Gaadhidoona.
In badan ayaan Kor iyo Hooseba u hadlay oo aan Niyad u qoray BAAQYO NABADEEDoo aan lahaa colaadda HARGEYSA laga soo maleegay dadka ha laga daayo.in badan baan qoray NABAD BAA CAANO MACAAN. In badan baan ka digay colaadda degaankaas ka bilaabataa halkaas ku joogi meysee kaa daaya.
In badan baan idhi aar umadan masakiinta ee xoolaleyda iyo beeraleyda ah ee siyaasad aan shaqo ku laheyn ka dayaa hagar daamada.
In badan baan sheegay in aanay jirin dad dhul isku heystaa oo ay marag utahay 18 sano oo aan deero deero hirdiyin oo nabad lagu caano maalay Galbeed.
In badan baan ka digay in nabar laga bogsaday aan dib loo damqin.
In badan baan ka digay in aan Kursi Colaad iyo dhiig lagu doonin.
Waxaas oo dhan dhag looma dhigin dhiigga dadkayga waxaa loo daadinayey intaas aan samreynay ee ka digeynay si Cadwtinimo leh iyadoo waxaas oo dhan HARGEYSA laga soo abaabulay Sida Golayaasha iyo Axsaabta iyo Xukuumadba oo aan naloo kala hadhin.Wixii naga dhintay alaha ha u naxariisto ,wixii naga dhawaacmay alaha ha shaafiyo.Lakiin Maanta Gardaradii iyo kibirkii kursi doonka ahaa ee la nagu maagay midhihiisii ka soo baxay ayaa Hargeysa ay guranaysaa Todobaadada soo socda oo hordhiciisii yahay Sabtidan Sept/12/09.
Mohamed Dhiirane

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
%d bloggers like this: