CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

Dagaal Qadhaadh Oo Meesha La Yidhaa Jaldhaabaha Ku Dhexmary Ciidan Ku sheegga Somaliland Iyo Ciidamada Kadleeye Army .

Posted by Admin on September 9, 2009

rr armyHargeysa (bakipress)-Dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa ka duwan ayaa shalay oo bishu 8/09/09 ka dhacay degaanka jaldhaabah. Dagaalkaas oo dhexmaray ciidan ku sheegga dawladdu keentatay jiidda ceelbardaal, kuwaas oo weerarka bilaabay gacan saarna la leh dadqalatadii jidgooyada samaysaa 7/11 ee madaxa u ka yahay Ina Raage Qaate Dagaalkan ayaa si kadis u qarxay siday waraku sheegayaan jiidda nooga imanayaa,

ka dib markii Ciidamada Kadleeye sahankoodu soo sheegay inay nimakii dadqalatadii duullaan ay ku soo qaadayaan iyagoo Rasaas iyo saanadba ka heley ciidan ku sheegga Somaliland ee meesha la dejay. Ciidamada kadleeye ee jiidda ayaa waxay damceen inay bartooda dadqalatada ugu tegaan intay goori goor tahay. Iyagoo ku sii jeeda bartii dadqalatada ayaana ciidamada meesha Rayaale keenay ay Weerar oogta kaga qaadeen ciidamadii kadleeye army, taaso ku kulliftay inay iyaguna iska daafacaan huwanta isku beesha ah ee xaaraanta ku heshiisay.

 

Wax dhimasho ah oo dagaalkaasi sababay sida labada dhinacba ay sheegeen ma jiro, iyadoo dagaaliina iskii u joogsadat xalay fiid ku dhawaadkii

 

Dhanka kale ciidan ku sheegga meesha la keenay ayaa ku andacooday inay 12 qof oo ka tirsan kadleeye army ay gacanta ku dhigeen kadibna xabsigana ay u taxaabeen, halka nin u hadlay kadleeye aarmina ay bakipress u xaqiijiyay inu warkaasi yahay midan sal raad toona an lahayn.

 

Arrintu si kastaba ha ahaatee, Warar kaloo dheeraad oo aanu ka helnay magaalada Gabilay ayaa iyaguna sheegaya in xilkii laga qaaday sarkaalkii ciidamada pooliska gabilay ka madax ahaa. Xilka qaadistaa  ayaa loo aanaynayaa isagoo wax ka qaban waayey inu soo qabto dadqalatadii jidgooyada samaysay oo la sheegayo inay qaarkood iska dhex joogaan magaalada gabilay gudaheeda iyagoo an wax walwal ah qabin.

 

Wariye: siciid xandulle

 

Bakipress,  Hargeysa Desk

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
%d bloggers like this: