CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

Ergadii iilatay ee Reer Hargaysa

Posted by Admin on September 8, 2009

geedBoorama(Awdalpress)Annaga Oo Tix-Raacayna Maqaalka Wargeyska Ogaal Codadkiisii 851 Soona Baxay 20 August, 2009 Ciwaankiisuna Ahaa Guddiga Daminta Shaqaaqadii Ceel Bardaale Oo Warbixin Jeediyay, Iyada Oo Dulucda Iyo Ujeedadu Ahayd “RAAD GAD” Ay Leeyihiin Waanu Ka Hawlgalnay Sidii Aanu U Kulmi Lahayn Madaxwaynaha Rayaale Laakiin? ? ? ! ! ! Haddaba Annaga Oo Ka Jawaabayna Dulucda Maqaalkaasi Islamarkaasna Tix-Raacayna Warbixintooda Ugu Horeyn Waxaan Jecelahay In Aan U Saxo In Goobta La Isku Hayaa Ayna Ahayn Ceel-Bardaale Ee Ay Tahay Dibira Weynta Sare Oo Aad Idhihiina Ku Aragteen (Ergo Ahaan). Midda Labaad Waxay Noogu Muuqatay Ergo Islaam Balse Waxaa Nooga Soo Baxay Ergo Reereed Markaan Eegnay Warbixintoodii Ku Qornayd Maqaalkaasi.

Mid Kale Ergadu Wxay Ka Baxday Balantii Koowaad Oo Ahayd “IN AY BUDHCADII FALKII FOOSHA XUMAA GEYSATAY INAY SOO QABTAAN WAQTI KASTA HA KU QAADATEE, SHEEGENA IN AANAY KA TAGAYN GABILAY ILAA INTA LOO SOO GACAN GALINAYO” Iyaga Oo Ku Qancay Garawshiiyo Ay Bixiyeen Reer Gabiley Sida Ku Cad Qodobka Koowaad Ee Waxqabada Guddiga.

Waxaase La Yaable In Ragii Gaystay Falkii Foosha Xumaa Ay Wada Joogaan Goob Qudha. Haddaba, Waxaa Wax Xun Ah Inaad Ballan Alleh Ka Baxdo, Adiga Oo Muslinimo Sheeganaya Oo Ay Ka Xoog-Roonaato Midda Qabiilka.

 Mida Kale Ergada Waxaan U Sheegayaa In Tacsida Ay Reer Awdal Idinka Aqbaleen Ay Ahayd Tii Falka Foosha Xun Loogu Gaystay Dadkii Jidka U Dhexeeya (Dilla – Kala Baydh) Dhexdooda, Taasina Waa Arrin Budhcad Wadadeed Oo Ay Beesha Gabiley Gaysatay. Sidaa Darted Waxaan Bulshada Reer S/Land U Caddeynayaa In La Kala Saaro Arrinta Iska Hor’imaadka Beelaha & Falkaasi Oo Mid Walba La Siiyo Maqaankiisa Iyo Wadadiisa, Meesha La Isku Hayaa Maaha Ceel-Bardaale Ee Waa Dibira Waynta Sare Ee Yaan Dadka La Marin Habaabin Oo Kolba Meel La Isku Qaadin.

Ta Kale Ergada Loogama Fadhiyin Dawlada Ayaan Jawaab Idiinka Doonaynaa Ee Waxay Ahayd Dar Allah Ayaan U Soconaa Dar Allahna Waan Ugu Hawlgalaynaa, Xilkuna Annaga Ayuu Na Saran Yahaye Sidaa Nagu Aamina Oo Arinta Noo Dhiibta Waanan Idinku Aaminay Idiinkuna Dhiibnay Ee Maxaa Keenay Madaxwaynaha Iyo Dawlada Ayaa Balano Nagaga Baxday Ee Ergooy Waxii Lagaga Fadhiyay Ka Soo Baxa Mise Halkaad Ahayd U Dhuro, Runtuna Runteeda Ayay Tagi. Kuwa Aad Ergada Ugu Jirtaana Ma Aha Annaga Ee Waxaad Ergada Ugu Jirtaan Nabada, Waxaanan Hadalkayga Ku Soo Gaba-Gabaynayaa “Balaayo Madax Laqabtay Leedahay Ee Dabo La Qabto Maleh” Waanan Idiinka Fadhinaa Wixii Aynu Ku Balanay Ee Balan Islaam Ahaa, Nin La Sugayow Adna Yaad Sugi. Annagu Maanan Garan Waayin Waddo Loo Maro Dawlada Iyo Madaxweynaha Ee Xilku Idinka Ayuu Idin Saarnaa, Wabilaahi Towfiiq. Allaa mahad leh. Mgacyada Odayaasha.

 1. Suldaan Yuusuf Aw. Gasle ___________________

2. Maxamuud Xuseen Maxamed ___________________

3. Oday Xasan Sh. Muumin (Muude) ___________________

 4. Maxamed Xuseen Bulaale ___________________

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
%d bloggers like this: