CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

Mawqifka Beesha Harti ee Diiwaangelinta khaldan.

Posted by Admin on September 6, 2009

 
 
soolWaxaa ayaamanaba shir aad u balaadhani uga socday magaaladda hargaysa besha harti ee Somaliland, shirkan oo lagu gorfoynayay danta iyo masiirka ugu jira beshaas diwaangalinta, iyo sidii mawqif midaysan ay iskaga taagi lahaayeen arintan diwaangalinta ee lagu muran sanyahay.
Waxaana uu u qornaa bayaankoodu sidan: 

REF:HC/HRG/01/09 Taariikh:04/9/09

 

JAMHUURIYADA SOMALILAND

 

MAWQIF BEELEED

 

KU:Xukuumadda Somaliland

KU:Gudiga doorashooyinka qaranka Somaliland

KU:Xisbiyada Qaranka Somaliland (Ucid, Udub, Kulmiye)

KU:Labadda gole ee baarlamaanka Somaliland

OG:Dhamaan madax dhaqameedyada Somaliland

OG:Xafiisyada UNO, AU iyo wadamada qaadhaan bixiyaasha

OG:Dhamaan cidkasta oo daneeysa Somaliland

 

UJEEDDO:MAWQIFKA BEESHA HARTI EE SOMALILAND Vs NATIIJADA DIWAANGALINTA CODBIXIYAYAASHA.

 

Sida la wada ogsoon yahay, tan iyo bilowgii 1991 waxaa xusid mudan in beelaha hartiga Somaliland ay hormuud ka ahayeen dhammaan shirarkii is dabajooga ahaa ee nabadaynta, dib u heshiisiinta beelaha Somaliland iyo dhidib u taagidii asaaskii qaranimada jamhuuriyadda Somaliland.

 

Hadaba, anago oo si buuxda ugu diyaar ah una heelan horumarinta iyo sii xoojinta taabo galinta qaranimmada Somaliland, anaga oo maanka ku hayna is raacsanaanta iyo wada lahaanshaha dal ahaaneed iyo dawlad ahaaneed oo ku salaysan xuquuqda aasaasiga ah ee dastuurka jamhuuriyadda Somaliland oo ay waajib tahay ku dhaqankiisa iyo xushmayniisu .

 

Hadaba anaga oo ah xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka Somaliland, aqoonyahanada, culumaa,udiinka, bulshadda rayidka ah, odayaasha iyo siyaasiyiinta beelaha hartiga Somaliland, waxaanu halkan ku cadaynayanaa in beelaha hartiga saomaliland anaanay sinaba u aqbali dooniin uguna dhaqmi doonin natiijadda khaldan ee ka soo baxday diwaangalintii codbixiye yaasha, xataa hadii la damco in dib loo macmalo, isla markaana aanaan ku gali doonin doorashooyinka soo socda sababaha hoos ku qoran awgeed.

 

bilawgii diyaar garawga iyo qorshayntii hawlgalkii diwaangalinta waxaa si wada jira isu hortaagay asxaabta siyaasiga ah interpeace iyo kumishinka doorashooyinka qaranka, in diwaangalinta laga qabto goboladda sool, bariga iyo koonfurta sanaag iyo togdheer (Buuhoodle) .
sida kucad xeerka diwaangalinata codbixiye yaasha xeer nr 37/2007 oo qeexaya in hawsha diwaangalinta kahor wacyigalin laga sameeyo gobaladda iyo dagmooyinka dalka oo dhan taas oo laga gaar yeelay deegaamada beelaha hartiga oo aan wax wacyigalin ah laga samayn.
kadib markii xildhibaanadda,siyaasiyiinta, waxgaradka kazoo jeeda beelaha hartiga ay culays saareen in diwaangalintu ka qabsoonto degaanadaas xukuumadu ogolaatay kharashka ku baxaya ayaa hadana markale lagu sameeyay carqalado kala duwan oo lagu curyaaminayo in diwaangalintu si habsami ah oo dhamaystiran uga qabsoonto degaamadaas, taas oo dhalisay inay ka hirgasho in ka yar 20% kaliya iyo wakhti ka yar oo ah mudo dhan labo maalmood oo kaliya .
natiijadda diwaangalinta ee khaldani waxay saldhig u noqon doontaa saamiga kuraasida baarlamaanka ee doorashooyinka soo socda, iyadoo doorashadii hore ee golaha wakiiladda 2005 oo aan ka qabsoomin deegaamadda beelaha hartiga ay keentay inay ku waayaan sideed kursi oo golaha wakiiladda ah .

gabo-gabadii waxaanu uga digaynaa asxaabta siyaasiga ah iyo cidkastoo u ololaynaysa in natiijadda khaldan ee diwaangalinta (unfair and fraud server result) lagu galo doorashooyinka soo socda, waxaanu u aragnaa inay yihiin kuwo doonaya kala qayabinta umadda Somaliland iyo inay jeexaan xuduud cusub oo horleh oo Somaliland yeelato.

Sidoo kale waxaanu rajaynaynaa in aanay dimuqraadiyadu wax u dhimin oo ay la jaanqaado lana korto,ilaalisana, nabadadda, dhaqanka, talowadaaga, waxwada lahaanshaha, xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadinka, midnimada beelaha iyo jiritaanka qaranimada Somaliland .

Anaga oo ka ka duulayna asbaabaha kor ku xusan, waxaanu marlabaad halkan ku caynaynaa inaanaan marnaba aqbali doonin kuna dhaqmi doonin, natiijadan khaldan ee ka soo baxday diwaangalinta, sidoo kale aanaan aqbali doonin dib u habaynteeda hadii ay dhacdaba , hasa yeeshee aanu diyaar u nahay in diwaangalin cusub oo dhamaystiran laga qabto deegaamadda beelaha hartiga taas oo kaliya ayaanu ku gali karnaa doorashooyinka soo socda

 

 

(Eeg lifaaqa saxeexayaasha go,aanka)

 

The Harte Members House of Representative (Golaha Wakiilada)

 

Full name position

1. Baashe Maxamed Cadde 2nd vise chairman

2. Said Haji Mohamed Cilmi member

3. Abdirahman Mohamed Talyanle member

4. maxamed Osman Bulqas member

5. Ali Mohamed adan (Ali bare) member

6. Mohamed Ahmed mohamud(dhakool) member

7. abdulqaadir jamac xamud member

8. baar said haji Mohamed member

9. hamse Mohamed gaadawayne member

10. Mohamed jamac cabdi member

11. abdiraxmaan muse jamac member

12. saleeban yusuf ali (koore) member

 

The Harte Member House of Elders

 

Full name position

axmed maxamed aadan (qaybe ) former chairman of bar lament
said jaamac ca 2nd deputychairman elder
c/laahi sheikh xasan cismaan member
maxamedwali warsame cali member
c/qaadir maxamed xasan
xasan cumar axmed
cusmaan cali cabdi
c/rashiid sheikh c/laahi adan
cumar faarax budeeye
xirsi ciise jaamac
muuse ciise faarax
cawil c/laahi caydiid
c/raxmaan xaaji cabdi faarax
axmed xasan saalax
faysal axmed ismaaciil
c/laahi maxamed huruuse
sayid cali nuux
maxamed xuseen huruuse
axamed nuur awcali
maxamed hiirad shirtag
c/salaan maxamed sayid

The elders, politicians and ineltectuals (Odayaasha, siyaasiyiinta iyo waxgaradka )

 

Full name

1. axmed cabdi maxamud (xaabsade)

2. axamed maxamud cali bayar (bireeg)

3. dr maxamud c/laahi sugulle

4. daahir xaaji maxamud (qayaad)

5. cismaan xuseen gurxan (kalash)

6. cali maxamed cumar

7. jibriil cali salaad

8. aadan gurxan cali

9. yaasiin maxamed axmed cabdulle shakraan

10. keenadiid maxamed maxamud (khaawi)

11. awdaahir xaaji xasan

12. cali maxamed cali (cali guray)

13. maxamed cusmaan suldaan

14. caaqil c/kariin axamed saleebaan mursal

15. caaqil iimaan jaamac madar

16. caaqil jaamac carab maxamed

17. caaqil xuseen maxamed qoorsheel

18. caaqil jaamac maxamud maxamed

19. cali axmed cabdi (cali cantar)

20. cabdale faarax aadan

21. cr maxamed jaamac dhulqas

22. c/nuur maxamed nuur

23. c/Jamaal cismaan maxamed

24. axmed aadan guray

25. naxamed diiriye xasan bille

26. xasan maxamed axmed bolt

27. mustafe xirsi jaamac (curdin)

28. c/qani maxamud cabdi

29. nuux rakaab xasan

30. eng maxamed cali warsame

31. cabdi maxamed diiriye

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
%d bloggers like this: