CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

WAR DEG DEG AH. Xaalka aaga Ceelbardaale

Posted by Admin on September 1, 2009

 
 
Somaliland flagCiidamo beekleedka uu taliyaha u yahay Gashanle Nuux Taani ayaa xarun cusub uga sameeyey dadqalatadii Ina raage iyo maleeshiyadiisa buurta loo yaqaan QARDHAAS GEEL oo bari ka xigta degaanka ceelberdaale.Waxa ay arintani ka dambeysay ka dib laba cisho ka hor markii xaruntiisii hore ay cagta mariyeen naftood hurayaasha beesha Reer nuur ee Kadleeye Army.Kuwasoo uu dadqalku kaga baxsaday faro cidood ka dib markuu ciidan beeleedka Nuux Taani ay digniin siiyeen.Waxay Kadleeye Army cagta ay mariyeen saldhigii iyagoo dhamaanba ka nadiifiyey degaanadii ay dadqalatadu ku dhumanyeen mudada dheer.Waxa khasab ku noqotay dadqalatadii iyo hogaamiyahoodiba Dadqal Raage inuu dhexgalo ciidan beeleedka Hargeysa ee agaas joogay si ay uga badabaadiyaan Kadleeye Army oo ku daba jiray.

Kadib waxa maantaa na soo gaaray in hadana Dadqalatadii la isku soo ururshay oo Saldhig kale oo woxoogaa ka durugsan Sameel iyo Ceelberdaale la dajinayo.halkaas oo ah Buurta loo yaqaan Qardhaas Geel.Sabata loo durkiyeyna waxa weeyey si ay uga badbaadaan weerarada kaga imanaya cutubyada Kadleeye Army oo saldhigoodii hore cagta mariyey.

Iyadoo hadaba arintu sidaas tahay oo ciidamao beeleedka Hargeysa ee nuux Taani oo ay ilma adeer yihiin dadqalka Ina Raage ayaa waxan arkayey Shabakadda Borama oo xayeysiis u sameynaysa ciidan beeleedka Nuux Taani oo leh.waxyaabaha hoos ku qoran sida ciidankii xukuumadda oo sifeeyey degankaas dadqalatada iwm.

Hadaba miyaanay mid is weydinin hadii uu jiro ciidan xukuumad ama mid Qaran meydkii haldoorkii Samaroon miyaanu Gashaanle Nuux iyo cirro ka soo qaadin. Miyey maalintas dhiigu qoyaana wax ka qabtaan aama lixdii bilood ee ka horeeyey ee degaanka uu dhibta ka waday.Dabcan hore iyo imika midna waxba ugama qaban inay dadqalatada kaalmeeyaan mooyane.shabakadda Boraama waxa ku kalifay arintan waa diidmo ay ka naxday guusha ciidamada reer Nour ee Kadleeye Army ay ka gaadheen saldhigyadii dadqalatada.Iyagoo guushaas siinaya kuwo qeybta ka ah dadqalatada ee ay ku sheegeen ciidamada.kuwasoo ah kuwa badbadinaya dadqalatada ee imikana Saldhiga ka siiyey Buurta Qardhaas geel si ay uga fogeeyeen in marka le gacanta lagu dhigo dadqalatada haldoorkii Samaroon ku qashay Gabiley. Waxan uga digeynaa Shabakadda Borama iyo Saw news oo ka sii qaadatay inaanay CADOWGA SAMAROON GARGAARIN.GUUSHA SAMAROONA AANAY QARIN SIDII AY IMIKA YEELEEN.
BURDI-XAAXLE

 

(cidii aan hore u akhrisan waa tan wixii ay qoreen shalay.Borama news iyo Saw news oo kasii xigatay oo ah yaayaqsi.)

 

 

 

Ceelbardaale(Sawnews)- Ciidamada Dowlada ee ku sugan aaga Ceelbardaale ayaa Hawlgal balaadhan ka sameeyay deegaankaas si ay uga nadiifiyaan maleeshiyo Beleedka halkaas ku sugan.

Hawlgalkan ayey Ciidamada Dowladu ku qabsadayn inta Badan deegaanada ay ku dhuumaalaystaan Maleeshiyaadka Beesha Gabiley iyadoo la burburiyey dhamaan gabaadyadoodi, waxayna Ciidamadan oo u Badan kuwa bariga Baki ay ku guulaystayn inay halkaas ka sifeeyaan Maleeshiyaadka oo noqday wax la qabtay iyo wax cararay.

Wararku waxay intaa ku daryaaan in Ciidanka Dowlada ay Hadda fadhiyaan Barahii ay hore u fadhiyeen Maleeshiyaadka Gabiley, waxana warar aan la xaqiijin Sheegayaan in Ina Raage oo ahaa Abaanduulaha Maleeshiyaadka Gabiley ciidamadu Gacanta ku dhigayn halka warar kalena ay sheegayaan inan isaga la qaban.

Ina Raage oo ah Udub-dhaxaadka Maleeshiyaadka iyo ninka inta badan abaabula Ciidankaas ee maalgalinta dhinaca Hubka iyo Mooralkaba isagu siiya ayaa haddii ay dhaboodo in gacanta lagu dhigay ay noqonaysa Guul ay gaadhayn ciidanku iyadoo dad badan filayaan in haddi ninkaas la qabto ay xaaladu caadi kusoo noqon doonto.

Hawlgalka Ciidanka Dowlada ayaa kusoo beegmay iyado Shalay uu Dagaal yari dhexmaray Labada Ciidan Beleed aaga Ceelbardaale kaas oo markii dambe ciidanku ku guulaystayn inay joojiyaan oo kala dhexgalaan.

Borama News Desk

Source:Borama News

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
%d bloggers like this: