CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

War degdeg ah:Ciidamada deegaanka Reer Nuur ee KADLEEYE-ARMAY oo Gacanta ku dhigay Maanta Saldhigii Buqdhada ee Dadqalatada

Posted by Admin on August 29, 2009

rr armySeemaal=(Ceelbardaale)  Ciidamada deegaanka Seemaal ayaa lagu soo waramayaa in ay Saaka kuruqaansadeen Saldhiga Dad-qalatada Gabilay ee Buqdhada, oo u jira 30KM halkaas oo Saldhig u ahayd Dad-qalka Ina Muxumed Raage iyo Dad-qaladiisu, waxay sheegayaan wararka laga helayo jiidahaaasi in aaanu ka dhicin wax dagaal ah oo ay ka sii xamaan gurteen ka hor intii aanu ciidanku ku Waabariisan saldhiga Buqdhada.

 Dhanka kale wararka dheeraaadka ah ee laga helayo madaxda Jiidahaas ayaa sheegaya in Kooxdii halkaas fadhiday ay u magan galeen ciidanka Booliska Gabilay ee Fadhigoodu yahay Bariga Tuulada BoodhkA, badhkoodna ay u baxsadeen dhanka Magaalada Gabilay, kooxdan ayaa ahyd kooxdii loo haystay dilkii Afarta qof ee laga Afduubay Xuunshalay iyo hantidoodiiba iyaga iyo Wadaadka ka madaxda ahba, lama garn karo meel ay ku dambayn doonaan. dhanka kale Sarkaalka haysta ciidamda xukuumada ka fadhiya jiidaas oo la yidha Shiine Faqash ayaa caawa isna soo gaadhay Magaalada Boorama,sarkaaaskas oo an hore loogu arki jirin Boorama, balse ka laba noqon jiray Hargaysa iyo Gabilay iyo Saldhiga Askartiisa, lama garan karo ujeedada imatinkiisa,waxase la saadalinayaa in ay tahay sii dayntii loo sameeyay dadkii la soo qabtay iyo arimo la xidhiidha shirqool oo maleegayo dadka degaankaas oo ay wadaan dabadhilifyada Daahir Rayaale ee danaysiga gaar ka ahi dhexeeyo tolkoodna jab inay u horseedaan raba ee uu horeeyo Indho-Qarsho  .

 

.

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
%d bloggers like this: