CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

Hawl galo baadi goob oo ay qaadeen Kadleeye-Army dadqalatadii dawladu ka seexatay.

Posted by Admin on August 29, 2009

rr army    Boodhka(Ceelbardaale-news) Ciidan Beeleedka degaanada Gubanka ee buuralayada Awdal gaar ahaan Kadleeye-Army ee difaaca kaga jira xuduudaha Saddexda degmo ee Dilla,Baki iyo Gabilay ayaa shalay galab ka soo qabtay meel dhanka Waqooyi kaga beegan magaalada Gabilay, Baabuur iyo laba nin oo saaranna,hawl galo ay ku baadi goobayeen dadqalatadda si isdaba jooga u fulinayay gawraca iyo tuudagada,ka dibna waxay u soo kexeeyeen dhanka deegaanka Kaxda, iyada oo dhacdadani si gaara ah u daba socdeen  dilkii lala beegsaday nin adhiila  ahaa oo ka soo jeeday Deegaanka Baysaare ee degmada Baki.

Hadaba sida uu sheegeen masuul u hadlay Ciidanka hawl-galka fuliyay ee KADLEEYE-ARMY  Magaalada Ruqi ,in ay sii daayeen labadii nin iyo baabuurkiiba  iyada oo wax dhib ahi gaadhin iyaga maalkoodiiba .ka dib markii labada nin noqdeen dad safar ah wax lug ahna ku lahayn falalka dad Qalatada iyo kooxdooda ,asal ahaanse ka soo dadka deeganka degmada Gabiley ee Isaaq,  tani oo ay sheegeen in ay tusaale uga dhigayeen in ayna ciidanka Deegaameedka Reer Nuur cid kasta oo  magaca sheegata ayna dilayn,aargoosina u socon,laakiin  karaan in ay dilaan cid kaste oo  magaca wadata sidi ay sameeyeen Dadqalata(maleeshiyada) ree Gabiley balse dilku ka dhexeeyo oo keli ah cida dagaalka kula jirta,wax aar goosi ahna ku jirin.ayna dhaqan gadabuursi oo dagaal waa sida ay hadalka u dhigeene.

Isla shalay waxay ay qabsadeen baabuur 4.5 Toyata Land Cruiser oo ay lahaayeen ciidamada Somaliland ku sheegu wateen iyagoo rabay inay  difaacan dadqalatada ay isu dhex milan yihiin ,laakiin xoogaga xaq u dirirka ee Reer Nuur  aanay qaadan gubina ayna iska ka dhaafeen markii ay ciidankii qaranku sheegu xajin karin waayeen weerarkooda, iyadoo ay ciidammada xaq dirirka degaanka reer Nuur gaar ahaan Kadleeye-Army ay ujeedada hadafka hawl galkoodu ahaa inay soo qabtaan gacan ku dhiiglayaashii gastay falkii dad-qalnimada,ayna balan ku qaadeen inay soo qabtaan dadqalka Ina-Raage iyo inta uu wataba laakiin aanay dagaalkula jirin ciidamadda dulimiga dhulkooda loo keenay haddi aanay ka waa toobin garab siinta dadqalatadana iyagana la gali dagaal aan loo aaba yeelin oo aan lahayn xeerin dambe iyo cafis dambaba.

Waa markii u labaad ee Ciidanka Deegaanka Reer Nuur ay fuliyeen hawl-galo ay ku baadi goobayaan dadqaladata uu ka seexday maamulka maqaar saarka ee Daahir Rayaale, hore waxay u ahaayeen kuwo ku jira is difaac.laakiin hada nidar ku maray in aanay difaac dambe ku jirayn oo godka laysugu gali doono.  wax lama filaan ku noqotay qaraabadii iyo shacabkii Gabiley oo dhan in si salmi ah raggii la qabtay loo sii daayay iyaga iyo hantidoodiiba  markii la ogaaaday in aanay wax xidhiidha la lahayn Dadqalka Ina Raage iyo kooxdiisa .iyagoo bad qabana ay gaadheen reerahoodii.

Dhanka kale wararkii sheegayay in ay maleeshiyada deegaanka Gabilay gudaha u soo galeen Bariga dooxada boodhka-Galigalool ayaa la sheegayaa in lagu arkay sahankooda balse ayna jirin ciidan soo degay meesha, ka dibna ciidamo xoogan oo ka soo jeeda Degmada Dilla ay gaafwareegayaan jiidaha Bodhka Bari, Buqdhada, Seemaal iyo meelo ay marka hore dib uga soo fadhiisteen, waxaana la sheegayaa in maleeshiyadii Gabilay ay ku daba dhuumanayaan Ciidanka Somaliland ku sheega ee degen Bariga Boodhka, Kuwaas oo ay isu dhex milan yihiin,ciidamadina yihiin ciidan ka soo jeeda gobolka Galbeed,laakiin aanay jirin ciidan goobta jooga oo soo jeeda Gobolka Awdal,taasi oo uu diiday inuu goobahaas uu geeyo ciidan ka tirsan Gobolka Awdal  Talyaha Booliska ee Gobolka Awdal  C/laahi Sheekh Ibraahim (Indho qarsho) isaga oo amar ka haysta Ina-Rayaale.meel ka dhacna ku xuduudaha Gobolka Awdal,waqtiyadii hore goobaha la gayn jiray ciidan Boliska ee Gobolka Awdal.ayna dhamaan Taliyayaashii ka Horeeyay Indho-Qarsheay fuliyeen.Indho Qarshe oo ah isna  nin dhib badan ku haya dadka uu ka dhashay ee Ruur Nuur fulinyana danaha Ina-Rayaale ,laakiin wararka soo baxayaa ay sheegayaan balan qaad saraakiisha reer Nuur inay si waliba u difaaci doonan tacdiga lagu hayo dadkooda aanay cidna uga haybeysanayn,meeshana cid cid ka xoog badani jirin,warkaa oo uu noo Sheegay Mujaahid Laalaad

Iyadoo hadaba maalmahan xaaladu aad ku kacsan tahay ayaa waxaa heegankii u dambeeya ku jira dhamaan Ciidamada degaanka reer Nuur ee  deegaanada Bariga Dilla,Maagalo-Cad iyo bariga Baki.Sida wararka na soo gaadhaya sheegayaan waxa  kordhaya  Saraakiil sare sare ku biirey ciidamadda Reer Nuur kuwaas ciidamadii qarankii Somalyeed magac wayn ku lahaa ,kana qayb qaadanayaan difaaca dadkooda iyo dhulkoodaba,maalinba maalinta ka dambaysana sii xoogaysanayaan ciidama xaq u dirirka ah.

 

Wararka Ceelbardaale

Boodhka -Galogalool

Nuuraani

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
%d bloggers like this: