CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

war deg deg ah dagaal ka dhacay Teebaha oo u dhaxaysa Seemaal iyo Baysaare

Posted by Admin on August 27, 2009

somali_war0xCiidanka dawlada oo ay ku hoos jiraan budhcadii dad qalatada ahayd  ayaa  saaka aroortii ku soo qaaday weerar degaanada Baysaare  gaar ahaan degaanada Teebaha oo u dhexeeya Baysaare iyo Seemaal,kadibna waxay is heleen  Xoolalaydii deegaanka markii muddo rasaas lays waydaarsay ,isla goobtana ninka mida xoolalaydii degaanka u dhalatay lagu dilay, alaha u naxariistee Murxuunka oo magaciisu yahay Saleeban Axmed Kheyre. Ciidankii Huwanta iyo dad qalatadii dib ayey u yaaceen.xaalada aaga hore ayaa maanta aad u kacsan oo ciidanka degaankaas reer Nuur ku ay jirtaan heegankii ugu sareeyey si ay iskaga difaacan huwanta  shaadhka beenta ah soo xidhatay ee isu sheegaya ciidanka qaran.

Hadaba waxa la kal garan la yahay waxa ka dhexeeya dad qalatada iyo ciidanka dawlada,iyadoo mar waliba  soo dhex raacayaan tuugta  adhi cunka ahi ciidamada dirayska sita watana Tiknikadii qaranka ee beelaha hore looga ururiyay taas oo maanta reer kaliya gacanta uu galiyay Ina-Rayaale .

Ciidan ku sheega ina Rayaale meesha keen saday oo u badan reer kaliya waa Sacad-Muse,oo uu Nuux Tani meelo gaara oo uu ujeedo ka leeyahay dejiyay ,degaanadaas ciidama la dejiyayna aanay dhibi ka jirin,wax isu horfadhiyaa aanay jirin,la iskuna haysanba oo dhibi hore uga jirin ,kuwaas oo bara kicin iyo caga juglayn ku haya, xoolayda iyo beeralayda degaankaas,taasi odayaasha reer Nuur ee degaankaasi cabsho ka bixiyeen inay had jeer Ciidanka dirayska sitaa caawinyaan isuna dhex milan yihiin dad qalata,dhibna ku hayaan dadka degaanka iyagoo isticmaalaya Gaadiidkii qaranka iyo hantidii iyo saadkii ciidka ee Ummada dhexda u ahaa.kuwaas maalinba maalinta ka dambaysa si badheedha u taageeraya dadqalatada.halkii ay ka soo qaban lahaayeen gacan ku dhiiglayaashii falkii Gawraca ahaa ka gaystay degaanka Xuunshalay,oo ay maalin waliba wada joogaan goobahooda.walina aan waxba laga qaban cabshaada odayada Reer Nuur.

 
Dhankale waxa maanta isku rasaaseeyey ciidan ku sheega dawlada ina Rayaale iyo Jabhada Reer Nuur ee difaaca aaga hore ee Shaadiro kadib markii ay Jabhada degaanka ee reer Nuur oo doonaysay inay soo baabiyaan meel ay dad qalatada u ahayd saldhig  ah goobtii afartii Marxuun lagu qalay,ayaa waxa ka hor yimiday ciidan ku sheega dawlada,  jabhada Reer Nuur oo doonaysay inay guntaba soo taabtaan ayaan gaadhin goobtaas dadqalatada salidhiga u ahayd , kadib markii ay ciidanku sheegu ka horyimeedeen ,tacshiiradina dhexmartay iyadoo ciidamadu adeegsadeen hubka culus ee Madaafiicda,waxa aad moodaa in ay difaaca dad qalatada u fadhiyaan ciidan Dawladu goobaha ay joogan oo dhan.waxaase yaableh ciidan ku sheega Daahir Rayaale ku barakiciniyo,kuna raali galinayo reer uu ka doonayo Vote,taasina ay  tahay godob uu ka galayo Beesha Reer Nuur isagoon waxaba xeerinayn si indha la’aana wax raadinaya dib aan u eegayn dhibta lagu hayo xaqiiq goobta taalna indhaha ka qarsanaya.

        Waxa kale oo yaab leh iyada oo tacadiyaada iyo dhagartaa laga galyo dadkaas Xoolayda ah ee degan degaanooda ay ku nolaayeen boqolaal sano,aanay wax gurmad iyo taakulayn amaba hadal hayna uga iman dhanka Maamulka gobolka Awdal iyo Xildhibaanadii laga soo doortay oo kala Muse Hoos-ujeed iyo Axmed Obsiiye “Abtiyo” iyo siyaasiinta muxaafid iyo mucaariba leh ee degaanadaas
wariye nuuriye
Baysaare
             wixii ka soo kordha dagaalada kala soco ceelbardaale.news

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
%d bloggers like this: