CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

WAKE UP OLD AWDAL AND CHANGE THE DEBATE

Posted by Admin on August 26, 2009

 

 

 

16734992oauwSxCAmR_phDadweynah ku nool Waqooyiga soomaaliyeed taniyo burburkii Dawladii Somalia waxay dalka intiisa kale dheeraayeen raysamaal weyn kaas oo ahaa NABAD. Nabadaasi waxay bohol gun dheer ku dhacday 7/11.

Dhacdadii 7/11 ee ku xusan gawrac iyo dhaqan xumo fulaynimo oo lagula kacay shan shahiid oo mid yahay wiil yar oo si ula kac ah nin boolis sheeganayaa ku toogtay bishii july 12 keeddi ka dib aaskii afartii shuhada.

 

Bal aan xusno magacda Shuhadada dhagarqabayaashu gawraceen iyo wiilka da’da yar ee gardarada lagu toogtay :

 

  1. Cali Maxamuud Nuur AKA Cali Bagaashle (Businessman)
  2. Daauud Xaashi Jaamac  (Engineer)
  3. Mawliid Xasan Omar (Businessman)
  4. 4.   Cali Aw Omar Barre(Educator
  1. Cabdifataax Maxamed qamaan ( Arday)

 

Biri-magaydaa iyagoo safar ah dhagarqabayaashu gawraceen waxay xabaashay nabadii dadku rajada saarteen.

 

Qofkaan wali dhandhansan waxashnimada Samaroon nin-doorkiisii loo gaystay fadlan ha akhriyo maqaalka Dr cabdishakuur sheikh Cali Jowhar.( Midnight forever Part I & part II http://www.warsanmag.com/index.php?art=438 ) oo wax ka sheegay waxashnimadii dadqalatadu muujisay, arimadaa oo docteerku ka soo xiqtay Sheekh u balad Sheekh cabdillali Sheekh cali oo maydkii shuhaadada dul joogsaday.

 

 

Ku noqon mayo dhacdadu siday u dhacday, faalo dheerna ka bixin mayo wixii ka dambeeyay, qofkaan wali u baahan wuxuu booqan karaan qoraalada aan ku faafiyay warsanmag, Ceelbardaale, Booramenews iyo kuwa kale ee wax sheegi kara! Waxaan idinku waaninayaa inaad dhuuxdaan qoraalada Souleiman cabdi dugsiiye waxna ku qaadataan.

Manta maqaalkaygu wuxuu tix raacayaa maqaalkii dhiirane ee ku soo baxay warsanmag.com ee uu ugu magac darey: “Reer Awdal &Selel Hal Talo ayaa idiin Taalee soo baxay august 22 keedii. 

 

Walaalayaal waad ka warqabtiin dhacdada waxashnimada leh iyo afkaarihii ay ka bixiyeen maamulka ssoomaliland iyo macaarid ku sheega laftiisuba. Waxaad kalood la socotaan faalooyinka iyo odhaahyadii ka soo yeedhay madaxdhaqameedyada beesha Isaaq. Murt ahaan afkaarahaasi waxay iskugu biyo shubanayaan: gurcud, gurcud dabeyaal.

 

Anigoon ku noqonaynin huwantaasi waxay ka qabaan dhacdadii 7/11 bal aan u daadago murtida maqaalka Dhiirane.

 

Dhiirane wuxuu ka dhawaajiyay xaqiiqada manta hor taal dadkii ay ka dhinteen( samaroon) shantii shuhadaa. Doqon baa laba—labeeyee, garaadku waa inuu runta ka hadlaa. In wax lagu qaato waan u soo joognay arimaha Waqooyiga ka dhacaya. Samirkuna meel uu ku soo afjarmo iyuu leeyahay.

 

Taariikhda dib aan raacno: Walaalayaal waxan loogu yeedho Soomaliland wuxuu waligiiba ahaa qorshe xaaraan ah. Horena waan u sheegi jiray tan iyo 1993.

Waxaan ognahay in shirkii Boorame ee 1993 ahaa shir la afduubay oo laga weeyciyay ajandihii laysku ogaa. Waxaan ognahay in shirkaasi qorshehiisu ahaaa in ay ku wada hadlaan Samaroon-bari iyo Isaaq-galbeed si looga arinsado nabada, ka dib dagaalkii sokeeye ee SNM masuuliyadeeda lahayd. Ina Sheikh Madar oo ahaa ragii afduubay shirkii Boorame ee 1993 iyaa laftiisu qirayaa in maamulka Boorame lagu soo dhisay ahaa mid xaaraan ahaa oon lagu talo galin.

 

Waxaa layska indho tiray in wada hadaalkaasi dhaco, shirkiina wuxuu noqday mid la siyaasadeeyay, arintaas oo uu ka dambeeyay Cigaal, ninkaas oo dhinaca Awdal ka helay dad si fudud wax looga dhaadhiciyay iyo dhowr ajande raqiisa watay ood wada garan kartaan.

 

Wax aan xalaal ahayn iyaa meeshii ka soo baxay looguna magac daray dawlad.

Waxaan ka warqabnaa dhacdooyinkii quudhsiga lahaa ee isa soo taraayay ee lagula kacay Awdal marka laga eego awood-qaybsiga siyaasadeed, awood-qaybsiga dhaqaale iyo awood-qaysiga baarlamaan iyo kan milatari. Dulunkaas fara badan leh waxay dadka qaar u habranayeen Nabad ku sheega dadka lagu khuukhinaayay. Taasi waxay keentay in Awdal&Salal la miinsaan noqdaan xagga siyaasada qabiil hoosaadyada Isaaqa kuwan ugu tirada yar.

 

Arimadaas lama moogayn, dad badan oo indheergarato ah iyaan ogahay inay ka hadli jireen awaaqib xumada maamulka soomaliland ka iman karta

 

Nasiib daro, dad u dhashay Awdal&salal iyaa si raqiisnimo ah wax u maareeyay hadday dibad tahay iyo hadday gudo tahayba. Shaqsiga fool xumada tilmaamana waxaa laga dhex arkayay qabiil. Kan ceebta dhaxal ha inooga dhigina yidhaa waxaa la odhanaayay Xamar baad nagu wadaa. Indheergarad badan oon lahay niyad jab iyay qaadeen markii cidiba dheg u dhigi wayday. Wax quustay iyo wali wax firfirleba way jiraan oon rajada tuurin.

 

Dhacdadii 7/11 waa gunaanadkii u dambeeyay ee ay dhashay quudhsigii aan dugsanaynay. Waa natiijadii aan ka goosanay siyaasadii nacasnimada ahayd ee daad-is-raacinta la baxday. Waa agabkaan ka goosanay iska-dhagatirkeenii waxgaradkeena.

 

Dhacdadii7/11 faalo male. Ficil bay u baahantahay. Wake UP Samaroon sons!!

 

Dhiigaygii oo qoyan, dhagartii oo taal, aan u cugano doorasho waa Xumihii oo cay laguugu daray. Hadaba talo waa halkee? Waa tii Dhiirane ka dhawaajiyay.

 

Yes DHIIRANE, it’s time to take ACTION. Yes Dhiirane, we have to change the DEBATE:

 

No way inaan sida Calibaysteenka ku milano saddex xusbi ku sheeg oo isku hadaf ah iskuna dan ah. It’s time to change the debate…

 

Dhiirane wuxuu yidhi: “Waxa idinla gudboon arin kaliya tasoo ah  Nidaamkaas ama maamulkaas dhagarta wada ee qeyb ka  qaatay inaad gooni uga istaagtaan,Waayo arintu maaha qof, koox iyo qabiil yar sida J/Abokor oo gacanta geysta. Waa arin ka culus kana baaxad weyn sidaan hore usoo sheegay”. 

 

TRUTH, THE WHOLE TRUTH ONLY THE THRUTH AND NOTHING BUT THE TRUTH.  –TOOSAAAAY-!!!         !

 

Dhiirane wuxuu u jeedaa oo Ilaahay garansiiyay inay Awdal&Salal is hayaan maamulka Soomaliland  oo ah mid u taagan danaha iyo himilada qabiil kaliya halka dad reer Awdal&Salal ihi ka moodayeen maamul-dawladeed dadka u dhex ah. Waa system amba nidaam waxa dhagarta galay.Waa systemkaa amba nidaamkaas waxaad dawlad u haysateen.

 

 

Dhiirane is right. Ka xaqiiqadaas diidanow saddexdii masuul ee maydka ka soo qaaday dad-qalatada fulaynimada aan ku ognahay bal magaacdooda, darajadooda iyo qoladooda aan ku xassusiyo:

Wasiirka Arimaha Gudaha: CAbdillahi Ismaaciil Cali- Cirro( Isaaq)

Talihaya sare ee Ciidanka qalabka sida: Nuux Taani (Nuux Baasto) Isaaq

Taliyaha sare ee Booliska: Maxamed Saqadhi dubad ( Isaaq)

 

Si’ kale haddaan u dhigo, waa saddexdii masuul ee madaxa ka ahaa NABADGELYADA ummada. Taliyaha boolisku oo ragiisii dul keenay Boorame wuxuu waliba jeclaystay in tirade dhimashada shan laga dhigo. “Haddii ay soo baxaan fura rasaasta!”. Waa amarkii u bixiyay. Mid fulaya oo ka baqay inuu mudaaharaadkii rasaas ku furo, iyaa gelinkii dambe 07/12 ku toogtay Cabdifataax Maxamed qamaan (12 jir) mar uu wiilkaasi watay Calanka soomalia oo uu xaq  u lahaa.

 

Yes, Dhiirane, we have to stand for Awdal&Salal interests’. No more Soomaliland, no more a weakened Awdal& Salal.

 

Aayaheena waa inaan ka tashanaa, aayaheena siyaasadeed ee mustaqbalkuna wuxuu ku jiraa inagoo ka go’na gooni-goosatada oo iskeen isu taagna. Therefore, we have to close the debate around the three Devils (UDUB, UCID, KULMIYE). Waan u khajilaa kuwa saddexdaa aalad-shaydaan wakhtiga iskaga lumiya een wali fahmin in loo samaystay sidii loogu xukumi lahaa ee waliba lagu kala qaybin lahaa Awdal&salal Resources.

Waa inaan dooda u jahaynaa halka dantu ku jirto oo ah mid ka baxsan mashruuca xaaraanta ah ee Soomaliland. Waxaan haysanaa fursado badan oon ku sixi karno khaladaadkii aan soo marnay iyo kan ka sii foosha xun een ku jirno. Midna ogaada: soomaliland heerka ay joogto manta meel ka wanaagsan oo ay uga sii gudbaysaa ma jirto, ka raja ka qabaana isagaa quusa.

 

 Yes, we are Somalis and we can’t ignore ours brothers in the south. We have to make our own policy strategy and yes, we can. Ignore our cynical individuals who can’t understand that we face not a tribe but a system called Somaliland .

 

Aan soo af jaree,7/11 afar Shuhadaa iyaa inaga baxay. Qaabka loo dilayna waa markhaatiga inaan dib Soomaliland u jirayn. Dhibwalba khayr iyaa xigga. Hana Ilaawina dhaxalkii garasho dheere Ugaas Nuur: “Gadabuursi Nabad inta lagu yeelo colad laguma yeelo.” Hana moogaanina in maalmihii inoogu xumaa inay yihiin qaar tagay…

Kuna talo gala weerarada ka soo foodle doqomada  sokeeye …een dhibsan inay noqdaan daabka gudinta dadqalatada.  Dad lagama quustee ragas aan ka sii afeefanaayo bal aan rassusiyo ereyadii indheer-garadka reer Awdal/Salal ee Souleiman Abdi dugsiye markuu lahaa:” We all know that our region has been facing a deliberate, well organized and systematic political, racial, economical and cultural destruction, it is time to wake up and take our destiny into our own hands. It is time to make a clean up and take care of our affairs. It is time to defend our interests. It is time to protect what little is left for us. It is time to keep an eye on our present Adal. It is time to forget the past and look ahead. It is time to protect each other. It is time to let others know that we can”

Sidaad hore u sheegtay Dugsiiyow arinuhu siday ahaan jireen, inay wax iska badalaan waa lagama maarmaan. (It should not be business as usual for Samaroon)

 

J. cusmaan

Free Awdal Forum

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
%d bloggers like this: