CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

Ma Calyaa Tihiin Sow Maruun Ciilka lama reebo

Posted by Admin on August 26, 2009

IMG_0618Oday gabyi jiray baryo hore ayaa wuxuu gabay ku soo daray “Ma Calyaa Tihiin Sow Maruun Ciilka lama reebo”. Anigoo tii daba jooga ayaa waxaan hoos ku soo lifaaqayaa gabay yar oon curiyay 6/1/2001, islamarkaana ku xidhayaa dhacdooyinka maanta Samaroon ku dhacay iyo sida looga aamusay barigaa maantana looga aamusanahay. Waxaanan ugu magac daray:

Ma Calyaa Tihiin Sow Maruun Ciilka lama reebo

Waxa gabaygan iga keenay wakhtigaa fog waxay ahaayeen dhacdooyin bani aadaminamada ka baxsanaa oo lagula kacay Ummada ku dhaqan Adal, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen, dhalinyartii isku dhexlaysay Borama ee lagu Maxbuusay Madheera. Waxa kale oo ay ahayd markii Djibouti laga ooday Gobolka Awdal. Waxa kale oo dhacay in askarta Somaliland ku toogteen wiilyar Borama dhexdeeda. Waxa kale oo jiray in Hay’adaha samafalka ee joogay Gobolaka Awdal Dhamaantood loo daabulay Hargeisa .

Isla markaa ay waxaas oo dhacdihi dhacayeen waxa ka socday Gobolka Awdal damaashaad iyo caleemo lul iyo tar tan Doorasho oo tolkay aanu marnaba dareensanayn inay Abeeso god kula jiraan. Maantana arintii waxay noqotay uun “De Ja Vu”– “Arki Jiray” Iyadoo dhibaato aad u foolxun oo waxashnimo leh loo geystey dad masaakiin ah, oo musaafir ah. Miyay tolkay hadana Dhiigii oo qoyan caleemaha lulayaan waa yaabka yaabkii.

Caadifadan i haysiyo Cuntadaan ka go’ay iyo

Hurdadaan ka caagiyo Caloolyoowgan gaarka ah

Cibaadayla garanoo Calibaa fahmaayoo

Cismaan baa dareemoo Jaamacbaa ciseyniye

Hadalkani I cudhay uun Bal aan cadho dhawaaqee

Qofkii ila cashiiriyo Ninkii caqli leh baa garan

Caalamkani Hirdaamayee Ninwaliba cadkiisii

Caradiisii Gaarkii Ka ilaasho cadowgee

Codkiisana ka dhiibtee Car I taabta uu yidhi

Maxaa curadadeenii Samaroon cadkiisii

Cagta hoose galiyee Sharaftoodi loo cunay

Ciilkan aan dhamaanayn Ceebtani ka sii daran

Caruurtani la gurayee Carro aan dhawayn iyo

Lagu tuuro ceelkee Hooyadii cagaagtiyo

Ubad lagu cageeyo Rasaas loo cabaystiyo

Caaqilkeena odayee Ciilka lagu gadhoodhshee

Runta lagu canaadee Lagu xidhi ciqaabtiyo

Halkaan calaf ka helilayn Ceeshku nooga iman laa

Caawimo wixii wada Caradeena aadana

Halkan loola cararee Lagu soo casuumiyo

Dhalintii ciyaarahee Ciida lagu afuufee

Caggaag lagu eryadayee Cirooluhuna shiideen

Maantana ciqaab duni Ragaa lagu casheeyee

Orgobuhu ciqaabee Cadkoodii waraabaha

Cidlo loogu wadhayee Cidi aan ka daba hadal

Miyaa ciil gadhoodhiyo Igu reebay cadhadani

Cibaarooyinkani badan Casharadan laynoo dhigay

Cidii aan fahmaynee Ciirada run moodee

Cagaar lagu sasaba iyo Runtii cisil maloolaad

An caaqiibo rabin iyo Caamiye indhalobaa

Sanduuqyada camirayoo Caleemaha Lulaayee

Cabsi nimaan lahayn iyo Ninkii caqli leh baa hadhi

Cajaa ibka aduunyadu wuu caymama badanyee

Ninka ciilka doorbida Qayrkii u ciidamee

Ceelmadhan qodaayana cidladuu u halisyahee

Rabigiisu how cafo.

Roda Mizan

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
%d bloggers like this: