CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

Dulmiyow waa gabay

Posted by Admin on August 26, 2009

 

 

 

 

somali_war0x

Dooda manta taagani

Dul ka xaadis maahee

 Bal aan hoos u daadago

Arin daacad gayinoo

Dibjir soo maleegaan

Dantaydii ku lumayee

Digo hoos ka nooloo

Indheer-garad ka digaybaa

Ku dul joogso lay yidhi

Doqomada sokeeyiyo

Wax damiir lahayn baan

Dadkaygii ku daawaday

Damacbaa dhulkaygii

Niman ugu dikriyayaan

Daan-daansi joogta ah

Geesiyadii la dooxee

Digashadana lagu daray

Dawladbay nu leenoo

 

Kibir doobi buuxiyay

Dawadiisa soo heli

Ninka dood ka dhigayow

Mar-ladage Allaa dagay

Marlabaad anaa is-dilay

Manta doodu waa taa

Digarogosho nololeed

Dastuurkeega waan garan

Halkaan dabac ka leeyahay

Dawadeedu way taal

Dhagartiyo dubaaxii

Daayinkaa qoree Dhaaf

Yay ka daadagaysaa?

Awdaleey digtoonow

Durmaan baa la tumiyoo

Doorashaa la galayaa

Laba goor dil weeyee

Dulmiyow ogsoonow

Dhiiranow digtoonow.

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
%d bloggers like this: