CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

Warbixin ku Saabsan xaaladaha Amaan ee gobolka Awdal iyo Ciidan Beeleedka Hargeysa

Posted by Admin on August 18, 2009

 
 
somali_war0xWaxa jecelahay inan isku dayo inaan ka jawaabo su,aal ku saabsaneyd,xaaladda Amaanka ee gobolka Awdal haday arintu faraha ka baxdo oo ay beri maalin ka qaraxdo Hargeysa.
Sida lagu sheegay maqaalka arintaa ka hadlayey ee qoraagu inoo soo bandhigay cidna kama qarsoona Xaaldda Cakiran ee Hargeysa.Waxa kaloo aan cidna ka qarsooneyn ciidan beeleedka Hargeysa oo khatareeda leh haday arimuhu faraha ka baxaan.
Waxayse aniga ila tahay in xaaladda amaanka ee gobolka Awdal uu aad uga fiicanyahay 1991 markii la soo galay oo aanay u fududeyn sidii hore in loo soo galo.
Waxa sidaas uleehay waxa jira Awdal ciidanka xeebta ee Taliye xudhuun heysto oo 90% Samaroon ah oo imikaba Caasinmadda gobolka amankeeda ka masuul ah ka dib jidgooyadii Kalabayddh.Waana ciidan sugi kara amaanka Gobolka oo xoog u qalabeysanoo baaburtiisi iyo technikadisiba wata..
Waxa intaa dheer Borama oo imika ay deganyihiin Rubuc million dad ahi oo dugsiyo badan iyo Jamacadoba ay ku yaalan. Ayaa waxa fudud in laga helo dhalinyar aad u fara badan oo oo kumanaan oo amaanka wax ka suga ama taageera Maleeshiyada beelaha ee imikaba difaaca kaga jira degaanada bari ee Baki iyo Dila.Dadka farahas lihi ma joogin Boorama iyo degaamadeeda 1991.
Arinta kale Culeyska ugu weyn ee dhinaca amaanku waxa uu ka dhici dontaa Hargeysa oo Caasimadda cidda gacanta ku dhigi doonta oo ay iskaga hor iman karaan labo ciidan beleed oo deganka wada daga oo kala Sacad Muse iyo G/Hajis.
Dhulbahante waxa uu qabsan donaa Laascanood ilaa Buuhoodle.Waxa kale oo ay beegsandoonan Caynabo oo beryahaaba farahooda ka maqneyd.
H/jeclo waxay xoogeeda iskugu geyn doontaa Burco si aanay H/Yoonis uga Saarin sidii hore u dhacday ee ay Yaroowe u tageen dagaalkii hore.
Dhinaca galbeedka iyo gobolka Awdal waxay dhici karta inay ku durkaan magaaloyinka la wadaago sida Wajaale, Kalabaydh iwm.Isla markaana Dadqalka buuraha ku jira hadii aanu baxsan gacanta lagu soo dhigo,waayo taageeradii Saleyman Gaal iyo Nuux Taani iyo ciidanbeeleedkii ilaalinayey waxay ukala cari donaan difaaca Hargeysa iyo Burco oo ka muhiimsan kan buuraha Baki oo looga dan lahaa uun in amaanka lagu kala tuuro.
Inkastoo sadashu sidaas isiineyso hadii amaanku faraha ka baxo ,hadana wax walba way dhici karaan.Markaa waxa loo baahanyahay in bishaa Sept. diyaargarow badan Gobolku muujiyo dhalinyartuna ay difaaca u diyaar noqdan dhamaan xaduudaha gobolada Awdal& Salel iyo degmooyinkiisaba.Col:-Faarax Ruuge

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
%d bloggers like this: