CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

Isaaq Geel Dhacaa la Ogaaye, Waxaa soo Baxay Isaaq Adhi Dhaca !

Posted by Admin on August 16, 2009

 
adhiBorama(ceelbardaale-news) Sida la ogyahay bulshada Soomaaliyeed waxay lahaayeen dhaqan soo jireen ah iyo hab deegaan beelaysan, marka ay arkaan caado cusubna waxaa la odhan jiray xagay ka timid iyo qolamaa samaysay, hadaba wakhtigan casriga ah ee la joogo Globaasayshanka ama caro-edegaynta, weli Soomaalidu kama gudbin qabiilkii iyo qolo qolo u dagaalankii, cudurka haya ee ay qayrkeed uga hadhayna waaa kaa qabiilka, waxaadse moodaa wakhtiyada Soomaalidu ku tilmaanto Jaahiliga in ay lahayd dhaqan iyo Asluub fiican, waxaa daliil u ah in wakhtiyada colaadahu ay jiraan la xeerin jiray biri-magaydo iyo waxyaabo ay ka faani jireen Beelaha Soomaaliyeed in ay sameeyaan, waxayna ka cabsan jireen in ay ceeb ku noqoto waxa aan jiri jirin ee ay sameeyaan, Waxyaabaha Birmagaydada ah waxaa ka mid ahaa in aan la dhicin xoolaha Irmaanka ah ee Geela ah, Adhina daa hadalkiiba, in aan la dilin caruuraha aan qaangaadhin iyo haweenka, in aan la dilin Odayga taliyaaga ah ee xeer beegtida ah ama xeer yaqaanka ah, in aan la dilin Abwaanka iyo dadka Ehlu Cilmiga ah, in aan la dilin Carooska, Martida, Maganta,waxyaabo badan oo la mida ayaa jiray oo aynaan halkan ku soo koobi karin.
 
Bal aan fiirino Abwaan amaanayay Faraskiisa tuduc uu ku sheegay oo uu yidhi ” Gabangoobi Abaara oo dadku Guunyo ka quustay, Geel buu Soo tu’iyaaye ma Gob Reera dhacdaa ! waxaa halkaas ka cad in ay jirtay xarago dagaalan iyo milgo la dhawraa, casrigan cusub ee la isku haysto in horumar iyo ilbax ay gaadhay Soomaalidu, waxaa muuqda in ay ku tumatay dhaqan wixii ay lahayd iyo xeerarkeedii, isla markaana ay noqotay dacawadii raadkeedii ka tektay ee kii nabigana gaadhi weyday, ujeedadu waxay tahay ilbaxa Aduunkana ma gaadhin oo ma gudbin, halkii ay hore u taagnaydna way dhaaftay, meel dhexe ayay taagan tahay.
 
Hadaba waxaa jiray mudooyinkan dambe colaado sokeeye oo ka dhex taagan Beelaha Gabilay iyo Beelaha Dila, waxaad moodaa in ay dhinacyadaasi qaarkood ka gudbayaan xuduudii dhawrista xuquuqda bani aadanimo, waxaa maalmahan laga dhacay dhinaca Deegaanka Dila Adhi ay caruuri eegaysay, oo ay dhaceen maleeshiyada Gabilay, Adhigaas ayaa wuxuu noqday mid dadku aad wax iskaga weydiiyaan dhiciisa dhanka Boorama, taas oo mid ka mid ahi dadkaasi oo la yidhaa Cabdi xasan uu reebay halhays ah “Isaaq Geela Dhacaa la ogaaye, Waxaa soo baxay Isaaq Adhiga dhaca’  Weedhaasi waxa laga dhadhansan karaa in lagu boorinayo beelaha kale ee Isaaq in ay ka dhiidhiyaan cida magac dilka ku samaysanysa, dhinaca kalana waxay u tilmaamaysaa qolada Adhiga qaaday in ay fadeexad faraha ku qaateen. Adhigaas la dhacay waxaa ku ceebaysan Xukuumada iyo Ciidamadeeda Amniga siiba kuwa Booliska iyo Milatariga oo kala dhex degen labada dhinac, waana mid lagu dhaleeceyn karo in ay arimaha noocan ah ay agtooda ka dhacdo, ilayn xilkoodu waa sugida Amaanka muwaadinka Somaliland, taasina maaha wax indhaha laga qarsan karo, dhanka kala waa in dhaqan jiraa ama wax qofka celiyaa..
 
Si kastaba ha ahaatee hadii la sheego oo aan Qalinka iyo Afkaba lagala gaban waxa qaldan waxaa iman karta in wax walba dariiqa toosan maraan, dadka qaarkii ayaa marka ay arkaan ciwaanka maqaalka isweydiinaya waar muxuu qabiilka sare u soo qaatay ninkan wax qoray, ujeedadu maaha ceeb magaca guud dusha laga saarayo ee hab dhaqan Soomaaliyeed oo dabar ah ayaa jiray Islaamkana waafaqsanaa, kaas oo ahaa in xumaanta la iska qabto, wanaagana la is faro, waayo xaqu ma gabado lagamana xishoodo, hadaan tusaale soo qaadano laba nin oo isku gabyi jiray oo midna Daarood ahaa midna Isaaq ahaa ayay Abaari dhacday, ka dibna ninkii Isaaq ayaa hilible noqday kii Daarood ayaa arkay ninkii saaxiibkii oo daabka midida haysta dhaqan ahaana ceeb ayay ahayd, ninkii midida haystay ayaa yidhi inta aanu gabayga kaaga horayn is cadee wuxuuna yidhi ” Nafta Dooji mooye xarago laga Dawaareeye, Sidii Darood Beri ahaa loo dad qalatawye…. Midaa daabka la hayaaye…….” Ninkii Saaxiibkii ahaa wuu fahmay intuu qoslay ayuu iska tegay’ sheegista magaca qabiilkuna waa isku garasho ee maaha si kale, waxaa ka xun sheegista qabiilka ku dhaqanka qabyaalada IWM.

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
%d bloggers like this: