CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

Xaalada ka Taagan Hargaysa iyo Burburka laga filayo Somaliland

Posted by Admin on August 15, 2009


 
dooxii_hargaysaHargaysa(Ceelbardaale-news) Mudooyinkana dambaba waxaa ka taagan Somaliland khilaaf culus oo ku keeni kara burbur Somaliland, hadaan la helin xal iyo meel dhexe oo la iskugu yimaad, waxaa kala shiki iyo kala qaybsanaani ku timid beelihii iyo qabaailkii wada degenaa dalka, gaar ahaana beelihii lahaa Aas aaska iyo dhismaha Somaliland, hadii aan kala saar saarno kala qaybsanaanta jirta, oo aan mid mid u soo qaadano.
 
Beeasha Habajeclo waa beel aan soo qaban xukunka Somaliland ilaa sidii loogu dhawaaqay gooni iskutaaga Somaliland, waana beesha leh xisbiga ugu balaadhan xisbiyada mucaaradka, waxay ku dedaalaysaa sidii ay maanta hogaanka u qaban lahayd, waxaase hortaagan siyaasad qabaw oo ka xeeldheer oo ay wadaan hogaanka xukuumada iyo xisbiga UDUB, waxaana loo adeegsanayaa nidaamkii NSS, beeshana waxaa laga haystaa niman ka soo horjeeda, balse aan beesha hadafkeeda waxba ka bedeli karin, beeshu waxay bedeshay siyaasadeedii hore waxayna gacan saar la yeelatay beesha Sacad-muuse oo ah beesha sheegata deegaanka Hargaysa, isla markaana ugu xooga weyn beelaha Hargaysa, kuwaas oo gacanta ku haya warbaahinta gudaha ka shaqaysa ee Somaliland iyo Idaacadaha Af Somalilaga ku hadla ee BBCda iyo VOA, iskaashiga labaa beelood waa mid guul u keeni kara Beesha H/jeclo, imikana waxaad moodaa in si xooga loo dareemay, dhanka kale labada beelood waa kuwa ugu badan ciidamada Somaliland,.. beeshu waxa kale oo ay xidhiidh la leeyihiin beelaha Harto oo ay jaar yihiin, isla markaana is dhalaan.
 
Beelaha Garxajis waa beelo loo tiriyo dhanka Xukuumada, balse aan la lahayn xidhiidh adag dhanka xukuumada, waa beelo aaminsanbeelo in mar la isku bahaystay, sugayana in ay iyagna mar soo aar goostaan, hase yeeshee aan la lahayn isbahaysi beelaha kale, waa beesha ugu deegaan balaadhan Somaliland, malaha siyaasi ka xoogweyn Wasiirka Maaliyada ee Cawil, way jecel yihiin in aan cid ay raali ka yihiin iman hogaanka, balse siyaasdooda lagama dareemo mudooyinkan dambe saaxada siyaasada Hargaysa iyo Burco, waxay leeyihiin miisaan mucaarad oo ka soo horjeeda xukuuumada oo soo koraya, Kurisga Baarlamaanka oo ay gacanta ku hayaan waa mid ayna ku hagin siyaasdooda inkasta oo dadka qaar qabaan wuu ku socdaa,
 
Beelaha Habar Awal waa beel ay ka luntay siyaasadii uu jideeyay Ibraahim Cigaal, waxay u kala qaybsan yihiin qaar raacsan M/xigeenka oo ah beesha uu ka dhashay ee C/muse iyo S/muse oo mucaaradka u xuubsiibtay, wax iskaashi ah lama laha beelaha Somaliland, waxaa xumaday xidhiidhkii ay la lahaayeen Samaron oo ahaa midkii miisaanka u yeelay wakhtigi hore ee dhismaha Somaliland, waaana beel uu lumay hogaankii dhaqan iyo Siyaasadeed, hada waxaa loo abuuray colaad siyaasadeed iyo mid Qabiil, burburka ka dhaca Somaliland waa mid ka jabin doona dhabarka beeshaas, waa beel leh dhaqaale gaadha wadamada Jaarka ah oo dhan, ganacsigoodu waa mid gaadha meelo badan, laakiin waxa kasta oo ay hormood ka yihiinba, malaha Hogaan siyaasdeed, waxaana ka taliya beesha ka Shaaraca jooga, waxayna u dhutinayaan Cigaal iyo Sh.Ibraahim hogaankoodii, hogaan la’aantoodu waa ta keentay in siyaasadoodu meel sal dhigi weydo. ilaa imika beeshu ma dawayan dhibtii ay u geysteen beelaha Samaroon ee ka dhacay jidka, waxaan hadheeyay colaad beer ka dhex jirta laba Jufo oo hoose.
 
Beelaha Gadabuursi inkasta oo loo tiriyo in ay hogaanka Somaliland gacanta ku hayaan hadana waxaa lagu xantaa in aan xidhiidh ka dhaxayn beesha gadabuursi iyo M/weynaha, taasi waxay keentay in beeshu ku heehaabto siyaasada iyo in ay kala qaybsanaani ku timaad dhexdeeda, waxaana abuurmay tartan dhinaca madaxnimada ah oo beeshu u tartanto M/xigeeno, waa beel aan faaiido ka helin mudadii ugu badnayd ee ay kursiga haysatay, bah wadaag ma wada laha beelaha Somaliland ee kale marka laga reebo beesha Ciise, aragtida siyaasada ee taagan kama midaysna, imikana waxaad moodaa in colaad cusub kaga furantay dhanka beesha dersika ah ee Gabilay, burbur ku yimaad Somaliland waa mid saamayn kara, gaar ahaan hadii nidaam qabyaaladeed ay beelaha dhexe ku qaadaan hogaanka Rayaale yimaad oo la raadsado beelaha samaroon ee degen Hargaysa waxaa soo gaadhi kara qasaare aan hore u soo marin. dhawaan khasaare Naf iyo maal oo soo gaadhay beeshu waa mid ah hoosta ku haysato.
 
Beelaha Harti waa qaar ka horeeya beelaha kale siyaasad ahaan waana mid ay suuragelisay deegaankooda iyo dhaqanka siyaasiga ah ee ay lahaan jireen mudada badan, waa beelo aan khasaare badan soo gaadhi karin hadii burbur yimaad oo ka sii gaashantay, Siyaasad ahaan waxay xidhiidh la leeyihiin beelaha la deriska ah ee Isaaq H/jeclo iyo H/yonis, colaado dhexdooda ah maahee ma jiraan kuwo ka dhexeeya beelaha la dersika ah, Muaacaradka iyo xukuumadaba way ku leeyihiin miisaan siyaasadeed, dhinac kasta oo ay u dhacdo Somaliland waa qaar la jaan qaadi kara siyaasad ahaan. hadase waxaa lagu tiriyaa in xidhiidhkooda ay la leeyihiin Xukuumada uu wanaagsan yahay, inta badana waxay taageersan yihiin Food lagu kala baxo, kuraas ay lahaayeen sida Baarlamaanka iyo meelo kalaba waa la dhaafshay, way og yihiin in misaanka Somaliland ka maqan yihiin.
Ugu dambayn waxaa la sugi doonaa bilahan iyo sida siyaasdu isku bedesho, waxaana loo wada dhegataagi doonaa bal waxa ka soo kordha siyaasada Hargaysa taal
 
Xasan Cumar Jaamac
Hargaysa
Mutaxalil Somaliland ah

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
%d bloggers like this: