CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

Daguug Wasakhi kama dhamato! Walee Af Qudhunbartan wixiisii dayn sida Harowo.com,

Posted by Admin on August 12, 2009

dameerDaguug Wasakhi kama dhamato! Walee Af Qudhunbartan wixiisii dayn sida Harowo.com, 
Bahal caydhiin ma daayo nina cadadii ma baajo, maha wax cusub ee waa caadadii lagu yaqanay madaxa boogta Harowo, ee u bugta Ururka ARDAA ee ay leeyihiin dadkiisu, waxaan leehay goormay horumar noqotay in qofku cayda dadkiisa uu ku labisto, ninka isagu ka jawabaya waxa dadkiisii ka damqaday ee qaba in isaga loola jeedo wuxuu yahay ninkii lagu sheegay Daguug wasakhi kama dhamato.
Hadalada uu ku aflagadaynayo ururka sharafta iyo Karamada leh ee meel walba looga sacaba tumay N/America ee ARDAA, waxay ka dhigan yihiin Aflagadada Harowo.com qaar la mid ah qudhunka ka soo baxda Suuliyada. Af qudhun bartayna ma dayo wixiii uu bartay!
Karamadii Saxafadu lahayd ayuu meel kaga dhacay Axmed Sheikh farax, wuxuu meel kaga dhacay tii dadkiisa iyo qabiilka  uu sheegto, wuxuu magac ka raba inta cadawga ah ee dabada ka riixaysa ee ku dhiirisa caydan uu saydhinayo.
Waxaan leenahay cid kasta oo shabakada xidhiidh la leh gar ahan Weriyayaasha u soo dira wararka waar magacii shabakada wuu dilay ninkani sumcadiina wey ka dhimatee, idinkuna ha ku daba dhimanina ee u daaya meesha cayda iskagana tega si ad u dhawrtan sharafta mihnadiina anay ku jirin aflagadadu, qolyaha daneeya wararka Dalka iyo gobolkana waxan leenahay kala socda shabakadaha kale ee lughaya,saylac,dillapress.com, boramanews.warsanmag.com iyo kuwa kale ee dalka.
Hadii ay jirto cid si gara u jecel bartan uu maamulo ninkan xayraanka ah, ha la taliso yaanay kula talin riyale ma raacsana ama ARDAA waa aqoonyahankii samaroon oo waxay duulan ku yihiin xukunka somaliland ee ka daba ci’i,.
dadkii reer Awdal ee daafyaha dunida joogayna way barteen in ninkani yahay mid aan jeclayn in dadkiisu wax noqdan ama wax qabsadan, wixii la samaystana waa yanay socon, cadaymo badana wa la haya in uu dad badan oo diidan horumarka reer Awdal la shiray oo ka balan qaaday in uu burburiyo, durbana waxa laga arka sida uu bilawgiiba ugu isticmalayo websidkiisa cambaraynta ururka, wana inta keli ah ee uu ku samyn karo adeegsiga meeshiisasi,.
Dadka jecel wax wadaqabsiga ee qurbajooga Awdal ha u yeeshan il dheer, doqoni nin ay taqan iyo tolkeed kama tegto, sadexna looma taag helo:
1- Doqon Fiiro Taqaan
2- Tuugo kula taala iyo
3-Bakhayl damac badan
intaaba wuu ku siffoobbi karaa ayan aminsahay, mar wa doqon oo wuxuu ogyahay in dadkan uu wax ka sheegaya iska dhafayan, marna wa tuug oo warka la soo saro ayuu bedelaya oo cida u cadaw ah ugu samayna sawir, marna waa Bakhayl oo wuxuu ka cararayaa qaadhan ayaa dadkaga lagaaga dooni, tasi wuu ka cararayaa..

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
%d bloggers like this: