CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

Guurtida Somaliland Waxa Shaasheeyay, ee Golihii Ka Shakiyay Sheeg Hadaad Garato?

Posted by Admin on August 9, 2009

hashim-gothDilla (ceelbardaale-news) – Golaha guurtida ee Somaliland wuxuu ahaa mid lagu yaqaanay nabada iyo isku xidhka shacabka Somaliland, sidaas awgeedna wuxuu u ahaa Astaanta dib u heshiisiinta iyo xalinta khilaafaadka, hadaba murti Soomaaliyeed ayaa tidhaa” Geeluba Tagoogaha Kuma tiro Habeedee haday Sibirta ka taal waa ged uu la soo baxay” Taas waxaan uga jeedaa i hadii dhaqankii Guurtida lagu yaqaanay ee Nabada uu bedelo mid colaad abuur ah, waxaa muuqata in ay tahay xeelad cusub oo uu la soo baxay goluhu, mar walbana waxaa cad in hadii uu isbedel ku yimaad hogaamin jirtay oo mid cusub la doorto, isla markaana hogaankaasi ka baydho dariiqii lagu bartay, in ay dadweynuhu wax iska weydiiyaan waxa keenay isbedelkaas. 

Waxa mudooyinkan dambe soo shaac baxaya ififaalo isbedel oo hogaankii golaha guurtida Somaliland rabo in uu Jidaysto, waxa la isweydiin karaa muxuu yahay isbedelkaasi? Hadaan si kooban uga jawaabno waa Siyaasad iyo hadafyo laba afley ah.

Bal aan tusaale gaaban u soo qaadano mooshinka maalmahan golaha lagula dul meehanaabayo, ee ah qodobka laalista Diiwaangelin la’aan yaan doorasho lagu gelin iyo qodobka ceelbardaale, hadaba aan tafaasiil ka bixino labada qodob ee la is huwiyay, mida diiwaangelin la’aanta hala laalo waa muran ka dhextaagan Komishanka, Asxaabta mucaaradka iyo Xukuumada, isla markaana ah khilaaf xasaasi ah oo horseedi kara hadaan loo helin xalguud dib u dhac siyaasadeed o dhabarka ka jabiya Somaliland, golaha guurtiduna ma aha xeerkiisu in uu ka hor salaama naqsado khilaafka suluxa uga baahan, hadii uu ka hor dhacana waxaa muuqanaysa in uu maqaamkiisii lumiyay, mida ceelbardaale iyada oo ay jirto in go’aankii hore keenay falal Umadu la dhaygagtay, isla markaana baal cusub u noqday taariikhda Somaliland oo aan weli la bogsiin gawracii yimid, hadii goluhu guda galo hawshaas bukaanka qaaday, waxaa loo qaadan karaa ku jeesjees lool badheedhay bulshada reer Awdal iyo sii hurinta colaad raad xun reebta.

Arintaa ma mudanayaasha dhugad iyo gudoomiyahaa u cadhaysan beelo gaara oo kala garan waayay Kursiga M/weynaha iyo bulshada Awdal, may kala durkinayaan reeraha deriska ah ee aan sina u kala tegayn weligood ee Gabilay iyo Dilla.

Si kastaba ha ahaatee Tariikhdu waxay qortay dagaaladii sokeeye ee ka dambeeyay ku dhawaaqistii Somaliland, xaalkuna ma islaantii xaabada qaadi kariweyday ee qaar kalana ku biirsataybaa ! Welise Golaha waxaa ka mid ah xubno dareen wadaniyadeed leh oo nabada u go’doomay, necebna dhiiga dadka masaakiinta ah ee daadanaya, ka hormarinaya dantooda mida guud, Indheergarad ah waayo arag ah garanaya waxa u gelaya taariikhda iyo waxa kale, haddiise indhawgaradku ka aqlabiyad roonaado waa Golihii oo gabal u dumay ! Hadaan la kala gurin sooyaalkiyo guyaashii la gorfayn wixii dhacay, oon waayeelku soo guntima furin sheekadu gundheer iyo dux yeelanmaysee waa Googaalaheenii aan ged labaad u rogano !

Dhinaca kale maxay iska og yihiin dadka reer miyiga ah ee Buuraha qorfaha ah xoolaha ku eeganaya iyo xubnaha golaha guurtida ee raba in ay xaabada u sii badiyaan colaada ka dhextaagan ? Muxuu goluhu ka helayaa in uu beelaha deriska ah isku sii gubo ee dan ah ee ugu jira gudoomiyaha iyo xubnaha kale ? Dadka la rabo in xukun maroorsan lagu khasbo miyaanay ahayn kuwii Odayadoodu isku tolayay beelihii Berbera, Burco iyo meelaha kale ku dhexmareen dagaalada sokeeye, ma abaalkood ayaa noqday in colaad lagu sii huriyo, Siyaasada Somaliland waa biyo qolatayn ka yar hadii ay xumaani ka dhacadana waa qaar nijaasoobaya, Golihii daahirin lahaa ma in uu sii wasakheeyaa ! waxaan talo ku soo jeedin lahaa shacabka ha loo tudho, golaha Guurtida ha loo daayo Astaantisii Nabada iyo marjacii loo noqonayay ee xalka Somaliland, Goluhu yaanu noqon mid qori dable la dhex wareegaya beelaha Somaliland isla markana iskugu dhiibaya beelaha walaalaha ah.

Abwaan Cumar Aw Jaamac waxaa laga hayaa;

Wararkeenii Shaanshaan tegay ee Sheeda ka Iftiimay

Waxa maanta Shiida u bedelay Sheeg hadaad Garato?

Inantii shamsada iyo Dayaxa sharaf la moodaayay

Shabad quruxsan tiiyo ah, oo Uunku wada sheegay

Goortuu shabeelkii helay,ee werisna shaashawday

Shanbaa lagu muquunshee, Wakhtigu uma shifaysneene

Shanshadeeda Bahalkii Jabsaday Sheeg Hadaad garato?

Waxa Nabada Shakamada u Jaray ee Shalawga Raacsiiyay

Ee Been Shamiiska u geshay, ee Nacab u Sheekeeyay

Ee taladu Shurun-Shuur la tahay Sheeg Hadaad Garato?

Markii Komishankeenii Doorashadu Hargabay ee Xukuumadiii ka daba qufacday, ee Asxaabtii Mucaaradku ka daba hindhiseen, ee Golihii Wakiiladu cumihii Xabeebsaday, golaha Guurtida ayay shacabku moodayeen in ay ka fayaw yihiin xanuunka, iyagana ma qaarbaa Fayraskii ka haleelay ! Ilaahow inoo caafi dawlada la magacbaxday!

Hashim Goth

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
%d bloggers like this: