CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

Ciidamada Isaq-land oo 670 xoolo ah ka dhacay Shacabka rayadka ee Awdal.

Posted by Admin on August 8, 2009

Somaliland flagKaxda(celbardaale-news) Dhac badheedh ah ayaa shalay galabnimadii loo geystey dadweynaha xoolo dhaqatada ah ee ku nool degaanka Kaxda ee bariga degmada Baki ka dim markii niman dablay ah oo ka tirsan gacankudhiiglayaashii dhawaan xasuuqa u geystey afarta qofi ay weerar gaadmo ah kusoo qadeen reeraha baadiyaha ah ee degaankaa degan ka dibna ay xoolo adhi ah oo tiradooda lagu qiyaasay 670 neef kaxaysteen.

Cilmi Axmed Kaahin ( Cilmi riyoole) iyo  Xasan Siciid Tubeec, iyo qoysas kale oo degan degaanka Kaxda isla markaana xoolohoodii laga dhacay ayaa saylac.com u xaqiijiyey tirada xoolaha shalay laga dhacay. Xasan Siciid Tubeec ayaa waxa uu saxaafada u sheegay in ay reeruhu in mudo ahba dhibaatooyin ku qabeen nimankan budhcada ah ee Ina Raage ka amar qaata waxaanu isagoo hadalkiisa sii wata yidhi ” Waxaanu isku halaynayney ciimada dawlada ee labada maleeshiyo beleed lakala dhex dhigay lakiin waa nasiib daro in maanta xoolahayagii aanu quudsanaynay ay nimankaa dablayda reer Gabiley ahi la tagaan cid wax noo qabatana majirto. Anagu waxaanu nahay dad masaakiina oo xoolo dhaqato ah waxa nalugula kacayse waa hayb qabiil oo la mida xasuuqii dhawaan lagula kacay dadka shacabka ah ee musaafirka ahaa”
Cilmi Axmed Kaahin (Cilmi Riyoole ) ayaa isaguna ka waramaya dhaca xoolaha adhiga ah, ayaa yidhi ” Anagoo ku dabajira xoolahayagii sidaan usoo dhacsan lahayn ayaa waxa naga horyimid Ciidamo iskugu jira Boolis iyo Milatery somaliland ah waxaanay wayna na joojiyeen iyagoo noo balan qaaday inay iyagu gacanta kuhayaan  xoolaha reeraha laga dhacay waxayna noo sheegeen in marka waagu baryo ee subaxa lagu wareejin doono xoolaha. Cilmi Axmed Kaahiin oo hadalkiisa sii wataayi waxa uu yidhi ” Markaanu subaxii danbe u tagney ciimada somaliland si ay noogu wareejiyaan xoolihii waxay nagala horyimaadeen “Samir Allaha idinka siiyo xoolihiinii masoo noqonayaan ee ka samra! markaa waxaanu garan laanahay dablayda naga dhacday xoolaha iyo ciidanka somaliland oo ku bahoobay dhaca umadayada lagula kacayo si aanu u barakacno dhulkayagana uga qaxno micnaha ka danabeeya  iyo cida loogu dacwon karo.

Dumarka iyo Caruurtii ka hadhay reeraha barakacay ee xoolaha laga dhacay ayaa haba yaraatee aan haysan wax caano ama quud ah oo ay siyaan caruurahooda sida sawirka idiinka muuqatana waxay dadkani taagan yihiin xaalad adag oo aan la qiyaasi karin gargaar degdega iyo dad u hadla intaba way sugayaan. Shabakada saylac.com oo socdaal ku tagtey goobaha xoolaha laga dhacay ayaa waxay dadka laga dhacay xooluhu u shegeen inay maanta wixii ka danbeeya aanu u kala soocnayn ciidanka somaliland iyo dablayda gawracatada ina Raage amarka siiyo isla markaana ay dagaal aan joogsi lahayn iyo dhumaalaysi intaba kala hortagi doonaan cidkasta oo isku dayda inay aayahooda burburiso . Waxa kala oo ay dadweynahan baadiyaha kaxda degani saylac.com u shegeen in dhibaatadani in mudo ahba haysatey lakiin maanta ay taagan tahay kamadanbaystii quudkii ay ku noolaayeen ee xolaha ahaana si dhibyar loola tagay balse ay aargoosan doonaan .
ceelbardaale-news
Kaxda
Degmada Baki – Awdal

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
%d bloggers like this: