CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

GOGOSHII GEEDKA NABAD DIID

Posted by Admin on August 7, 2009

 

 

 

geedWaxan doonayaa inaan bayaamiyo waxyaabo badan oo shacbi iyo dawladba dhegaha looga buuxiyey iyadoo lagaga beensheegayo colaadda dadka isdhalay, ujeedadeeda rasmiga ahina ay tahay duminta Somaliland; taas oo shaabad looga dhigtay “SHAQAAQADA CEELBARDAALE” (Ceelberdaaleyn) oo faldembiyeed kasta oo lagu kaco iyada la hoos geeyo. Waxan mid mid u soo qaadayaa dhacdooyinka taxana ahaa ee loo adeegsaday arrintani ee hadana midwalba siday u dhacday maahee si kale loo maamulay, dadka intii runta ka sheegtayna dhegaha laga fureystay; waxayna kala yihiin sidan soo socota:

 

1- 24/10/2008 kadib markii la bilaabay diiwaangelinta codbixiyeyaasha Gobolka Awdal waxa sanaadiiqdii gobaha Boodhka Galligalool, Seemaal, Kaxda iwm oo dhammaan ka tirsan Degmada Baki si badheedh u jajabiyey, gurtayna ina Muxumad Raage iyo maleeshiyo beeleed uu hogaaminayo iyadoo dawladii sanaadiiqda wadatay joogto sida Wasiirka Arrimaha Gudaha oo goobahaasi meel u dhow ku sugnaa iyo Madaxweyne –ku-xigeenka oo Gabiley ku sugnaa. Waxa la wada ogyahay in aan waxba laga qaban arrintaasi; sidaa awgeedna waxa cod dheer ku hadlay Xildhibaan Axmad Barkhad Obsiyeh oo laga soo doortay deegaanka diiwaangelintiisii maleeshiyadu ku durdurisay balse uu xildhibaanku ka war helay in hogaamiyihii maleeshiyadaa watay uu Madaxweyne ku xigeenku Gabiley kula shiray una sheegay inuu tixgelin siin doono arrintiisa isagoon waxba ka soo qaadin faldambiyeedkii ninkaasi ku kacay ee uu Qarranka ka galay.

2- 25/02/2009 weerarkii ugu horeeyey ee maleeshiyo beeleedka Gabiley ay ku soo qaadeen Burdi oo ka tirsan Degmada Dila waxa ku dhintay laba nin oo ka soo jeeda isla maleeshiyada Ina Muxumad Raage ee weerarka qaaday; waxana isla markiiba saxaafadda la galiyey in laysku laayey dhul beereed lagu murrasanayahay oo ku yaala Burdi; taas oo aheyd bartireyn lagu marin habaabinayey weerarka gardarada ahaa ee guuldarada ku dhamaaday.

3- Guddoonka Golaha Guurtida JSL ayaa magcaabay Guddi ka tirsan Golaha Guurtida oo loo diray inay soo afjaraan dhimashada iyo dhaawaca dirirtu sababtay, isla markaana soo nabadeeyaan labada beelood ee isku isirka ah ee dhiigooda loogu khamaaray ujeedooyin siyaasadeed. Guddigaasi si toosan bay arrintii labada beelood u bilawday iyagoo min 21 oday ka dalbaday labada dhinac ee kala ah Reer Maxamuud Nuur iyo Reer Xareed hase yeeshee waxa markiiba lala dhexqaaday siyaasadii guracneyd ee colaadda korineysay; waxayna arrintii isku badashay Jibriil Abokor iyo Reer Nuur –taas oo ujeedadeedu aheyd in colaadda kor loo qaado, codsigeeduna ka yimid dhinaca J.Abokor oo Guddigii Golaha Guurtidana ka dhex hadlaya.

Dood badan iyo tabasho macquul ah oo ka timid dhinca Reer Maxamuud Nuurna dhegaha Guddigu ka fureysatay waxana loo soo joogsaday “Idinkoo Reer Nuur keena mooyaane arrinkii lama furayo”. Waxa hadaba maragmadoon ah in arrintii nabadeynta loo badalay iskudir hor leh iyo dabka oo kor loo sii qaado si ay u yimaadaan dhacdooyin aad uga culus halkii ay markaa balaayadu taagneyd. Goobtii Boodhka Galligalool ee ay aheyd in arrinta lagu galo waa laga soo guuray iyadoo lagu soo xidhay min 25 oday oo labada dhinac ah in loo dhaariyey nabadxidh xeer ciqaabeed oo dhaqan ama dawldeed aan midna loo yeelin.

 

4- 07/04/2009 waxa beertiisa oo Ku taala “SATIILE” oo Dila agteeda ah lagu dhex dilay marxuum Axmad Yasiin Kule, walaalkii oo la joogayna wuu ka cararay hase yeeshee isla markiiba waxa laga war helay inay budhcaddii dilkaa fulisay qafaalatay wiil yar oo 13 jir ah oo agoon ahaa isla markaana la joogay Edodii oo uu qabo oday la hayb ah budhcadda qafaalatay oo ilaa maanta uu ku maqan yahay raq iyo ruuxtoona aan la haynin hase yeeshee ay J.Abokor qiraal ku bixiyeen inuu mag yahay. Waxana dhacdadaasi marag u ahaa Guddiga Golaha Guurtida ee arrinta loo soo diray oo waqtigaa falka lagu kacay ku sugneyd Magaalada Dila isla markiibana la dulkeenay meydkii Axmad Kule si ay marag uga noqdaan cidda dhaartii nabadxidhka jabisay.

 

5- 08/04/2009 iyadoo maydkii la aasayo ayey budhcaddii dishay waxay weerar ballaadhan ku soo qaadeen jiidda u dhaxaysa Satiile iyo Galligalool waxana laysla mutay dagaal aad u culus oo saacado socday hase yeeshee sidii ay ku soo talogaleen noqon waayey oo guuldaro dhimasho iyo dhaawacba leh ay ku noqdeen; waxase la yaab iyo amakaag noqotay in Guddigii Golaha Guurtida ee shalay maydka duljoogtay ay Gabiley kaga dhawaaqeen labadii dhinacba nabadii way jabiyeen; isla markaana goobta arrinta lagu galayo oo Dila aheyd ay ula soo guureen “Kalabaydh” oo magaceeda taariikheed uu yahay “Nabad diid”.

 

6- Geedkii Nabad diid ayaa Gole looga ooday:

 

– Awrqaadkii ku doodayey hanti ay Jibriil Abokor wada leeyihiin.

– Lahaysteyaal u afduuban Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Awdal oo la yidhi waa doodceliyeyaasha Beesha Reer Nuur.

– Iyo Guddigii Dabshidka aheyd ee ka socotay Golaha Guurtida JSL.

 

Wada hadalkii Nabad diid wuxu ku bilaabmay saddex su’aalood oo u soo jeediyey Suldaan Yuusuf Aw Muuse Gasle oo ka mid ahaa Lahaystayaasha Beesha Reer Nuur; waxayna kala ahaayeen:

1- Gar ninkii lahaa ka maqanyahay ma go’ayso ee inaankii sababta u ahaa; isla markaana hogaaminayey dhibtani xalkeeda laysugu yimid oo ah Ina Muxumad Raage halkani mala keenay oo goobjoog mayahay?

2- Nabaddii loo dhaartay ee Jabtay maxaa laga qabtay?

3- Tabashadii Beesha Reer Nuur Guurtida u gudbisay maxaa looga celiyey?

 

Jawaabtii laga celiyey saddexdaa su’aalood oo la mideeyeyna waxay noqtay:

 

“Suldaanka madasha halaga saaro oo yaanu ku soo noqon”. Iyadoo amarkaa la siiyey Taliyaha Booliska Awdal, isla markiibana wuu fuliyey oo baabuur buu saaray ilaa Borama. Waxa lagu sababeeyey eriga Suldaanka “Nin Suldaan ah wadahadalkani looma oggola inuu ka qaybqaato ee kaalintiisa ha sugo”; waxayse xaqiiqdu aheyd in aan loosoconin dhibtani labada beelood xalkeeda ee la maleegayey barnaamij Qaran dumis ah oo shaabaddiisu tahay” Shaqaaqada Ceel Bardaale”.

 

Kadib markii lagu guuleystay erigii suldaanka nabad doonka ahaa eek u hadlay nuxurka loo cuskan karo xal u helidda dhimashada iyo dhaawacyada uu sababy dagaal oogaha Ina muxumad Raage oo aan marnaba la keenin goobta wada hadalka ayaa waxa la gudagalay gartii maqaarsaarka aheyd ee laga dhaxaysiinayey beelaha Reer Nuur iyo Jibriil Abokor oon Isdhal xishmad leh iyo milgo darisnimo mooyaane aanu wax kale ka dhexaynin.

 

Gartaa colaad abuurka aheyd waxa markiiba lagu bilaabay muuqaal Maxkamadeed oo waliba u kala dab qaad ah (fadlan eega oo dibu raaca baraha Internetka sidii ay u dhacday doodadda iyo dacwa-qaadiddaa nuxurkeedu ahaa kala-fogeyn kaliya)- maxaa yeelay waxa lagu wada hadashiineyey ma aheyn wax sharci Islaam iyo mid Gaal toona loo cuskan karo; murtiduse waxay aheyd in ninka ku hadla wax iftiimin kara ammuurta meesha laga waday sida “Hashu maankeyga gadday eh ma masaar bay liqday” isla markaaba la takoorayey oo madasha laga fogeynayey.

 

 

7- Guddigii ujeeddobadan ee dabka xaabayneysay waxay soo gaadheen heer ay wariyaasha intay u yeedheen ay isaga dhawaaqeen wax ay ku sheegeen “Go’aanno ay ka gaadheen arrintii ceelbardaale” oo ay qoraal iyo codba ku qeexeen inay Jibriil Abokor u xukumeen dhulka u dhexeeya Gabiley iyo Baki oo dhamaantii la yidhaa “Ceelbardaale”. Shacbiga reer Somaliland qaarkood afkay gacanta saareen, qaar way fajac qosleen, qaar kale waxay yidhaahdeen “Waar nimanku maxay ku hadleen”, qaarna damaashaad iyo farxad bay isku gudbiyeen – kuwaas oo ahaa inta og ujeedada loo socdo oo ah “in Dagaal sokeeeye qarxo oo lagu kala guuro Somaliland”- markiiba waxay qaateen codbaahiyeyaal loola kala kacay Tv yada, Jaraa’idka, Raadyoyada iyo minbarada masaajidada oo intaba laga amrayo Madaxweynaha JSL inuu go’aankaasi deg deg u fuliyo oo aanu kadibdhicin waqtiga loo qabtay.

8- Waxa 09/07/2009 fadhi isugu yimid odayaal ka soo jeeda beesha Jibriil Abokor iyo Madaxweynaha JSL oo sida la sheegay ka wadahadlay fulinta go’aan-ku-sheegii hadafkiisu ahaa “Dhagar iyo diig qulqula” oo Somaliland ku burburto – iyadoo aan laga warhelin waxay madaxweynaha iyo odayaashu is yidhaahdeen ayaa lagu waabariistay 10/07/2009 budhcad hubaysan oo jidgooyo hore u sii qorshaysneyd ka fulisay Nabad diid iyo Dila dhexdooda, halkaas oo ay ka qafaasheen dad ganacsato ah iyo baabuurtoodiiba lana tagay buuraha Gabiley waooyiga kaga began una dhow dhulka “Ceelbardaaleynta” laga wado ee ka tirsan degmada Baki. Dadkii ay qafaasheen afar ka mid ah ayey dileen; kuwaas oo ka soo jeeday dhammaan reer Awdal oo kala ahaa beelaha: Aadan Yoonis, Bahabarcabdalleh, Jibraacin iyo Reer Nuur. Waxayna dhamaan qaateen hantidii ay wateen oo marka laysku daro lagu sheegay 55 ilaa 60 kun oo doolar.

9- Waxa kale oo isla maalintaa 10/07/09 weerar culus ku qaaday deeganada Boodhka Galligalool, Sararka ina Geeddi Same, Kaxda iyo Seemaalba maleeshiyada uu abaabulo ina muxumad Raage waxayna ku dileen laba nin oo xoolohooda la joogay iyo saddex ay dhwaceen oo mid ka mid ahi dhaawacii u dhintay maalmo kadib.

10- Dhacdadani Somaliland ugubka ku ah ka hor shacbiga qaar baa rumaysnaa kaliya waxa loo bixiyey “Shaqaaqada Ceelbardaale” hase yeeshee fahmay wixii dadka garashada u saaxiibka ahi ay sheegayeen ee ahaa in la wado barnaamij lagu kala rarayo qabaa’ilka ay Somaliland ka koobantahay si meesha looga saaro nabadgalyadani ay nidaamka dawladnimo ku sameysteen –Ilaahay Mahadi haka gaadhee. Waxse yaab lagu sheego arrintu way dhaaftay, caanihii macaanaa ee nabadda lagu qudhqudhinayeyna qadhaadh awgii ayey dhuunta mari laayihiin; Sidaa awgeed in badan oo manta inay lib iyo guul hayaan is maadaya ayaa dambarsan doona dullinimo addunyo iyo dogobka Jahanama oo ku rasmiyoobi doonaan.

11- Bani-aadamka Ilaahay karaameeyey ee u xarrimay in xaqdarro lagu daadiyo dhiigiisa, xoolihiisana lagu dhaco ma gayo in laga sarreysiiyo maro bani-aadamku karaameeyey oo kii samaystay uu dab qabadsiinayo dad kalena ku eedaynayo sida qaar badan oo wadaad iyo warranleba lihi ay afka la dhacayaan, hana la ogaado in dadku calanka sameeyeen la’aantoodna aanu xurmo yeelaneynin.

12- Laga soo bilaabo 10/07/09 ilaa manta wali lama hayo budhcaddii dilka iyo dhaca waxshinimada ah gaystay oo sida la ogyahay iska dhex jooga deeganka Gabiley balse dadka qaar ay isla dhexmarayaanba in shan iyo toban ka mid ah dadqalkaa qorshe iyo qalqaalo iskugu xidhan gudaha iyo dibadaba loogu jiro sidii loo dhoofin lahaa ee loola baxsan lahaa, kadibna mag loo soo gole joogsado. Waxa kale oo la ogyahay in odayaal is xilqaamay ay baryo kaga soo qaadeen gaadiidkii ay dhaceen; hase yeeshee dhinaca xukuumadda wax wali ka soo baxay oo tallabo ahi ma jiro balse waxayba ku mashquulsantahay doorasho aanay nabadgalyadeeduba sugneyn oo axsaabta ku tartamayaa ay aad ugu kala fog yihiin siyaasadda iyo habka lagu galayo doorashada(Election Policy & Procedure) oo ka dhashay diiwaangelinta fashillantay.

 

GABAGABO IYO TALOJEEDIN:

Mar haddii Guddigii nabadeynta loo diray ay isu badashay “Dabshidaal” batrool ku sii shubay xaabo iskaba baqtiyi laheyd haddii ay waydo cid isku ururisa.

– Mar haddii labada beelood ee isdhalay iska garan waayeen gucusta siyaasadeysan ee gegadooda lala yimid si loogu dul goosto.

– Mar haddii ay si wanaagsan u yeedhsadeen duruustii ku saabsaneyd kala fogeyntooda; isla markaana ay fuliyeen dhagartii loo soo maleegay.

– Mar haddii lagu qanci waayey natiijadii midigta iyo bidixda laysku dhuftay oo loo sii ballaadhiyey si xanuunku jidhka oo dhan u wada gaadho.

– Mar haddii Xukuumaddii Dalka hoggaamineysay ay isku wadi kari weyday nabadeynta labada beelood ee isdhalay iyo doorashada Madaxtinimada balse ay xoogeedii isugu geysay doorashada.

– Mar haddii “Loo Xukume” & ” Laga Xakume” labadiiba arkeen in dariiqa loo maray nabadeyntu aanu aheyn mid guul ka dhalin kara dhexdooda, soona celin kara walaaltinimadii iyo milgihii gacalnimo ee labada reer ku wada noolaan jireen.

 

Waxan ku talin lahaa qodobadan soo socoda; waxanan Ilaahay ka baryayaa inuu wixii aan asiibay kheyr igaga abaalmariyo,wixii aan ku gafsanahayna annu igu ciqaabin ee uu niyadeyda wanaag doonka ah igu raaco Insha Allahu Tacaalaa.

1- Ugu horeyn beeluhu Allah weyn ee abuuray haka cabsadaan.

2- Shaydaanka Ilaahay naxariistiisa ka fogeeyeyna ha iska naaraan oo hayska fogeeyaan.

3- Magaca Allah(SWT) iyo Salliga Rasuulkiisa(SCWS) hordhac hawga dhigaan wax kasta iyo sifo kasta oo ay arrintan ku xallilayaan.

4- Arrintani aydun u xalaalaysateen dhiigiina Ilaahay Xarrimay ku soo celiya maqaamka ay leedahay ee xalkeedu yaalo.

5- Beelaha uu khuseeyo dhulkani dirirtu ka taagantahay ee Bariga Baki sida: Reer Nuur, Jibraacin, Gobe iyo Basannayo waxan si gaar ah ugu soo jeedinayaa inay la yimaadaan talooyin xal waara oo nabadgalyo lagu gaadhi karo.

6- Dhinaca J/Abokor Galbeed inta ay arrinta dhulkani khusayso waxan u soo jeedinayaa inay ka waantoobaan habarwacashada qabiilka ee ay ku saleynayaan damaca “Ceelbardaaleynta dhulka” –maxaa yeelay Ceelbardaale cidi idinkuma haysato.

7- In dhinacyada dhulkani khuseeyaa ay arrinkooda u saaraan xeerbeegti nabad oogayaal ah oo caadifad Qabiil ka fayow.

8– Wixii ku adkaada ha la daydaan sidoo kale nabad oogayaal caafimaad qaba oo ay kala soo baxaan walaalahooda ay isirka iyo xeerka dhaqanka ay wadaagaan.

9- Dawladdu gacanteeda ha siiso xeerbeegtida ay dadka wax ka dhexeeyaan soo xushaan, ammaankana ha sugto – sidaas oo kaliya ayey iyaduna dawladnimada ku xasilin kartaa eh

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
%d bloggers like this: